You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Mala oggol yahay in muuqaal toos ah laga duubo bukaan qalliin lagu sameynayo?
Maalmihii lasoo dhaafay waxaa baraha bulshada dood ka abuurtay muuqaalka dhaqtar Soomaali ah oo toos usoo galay bartiisa TikTok, isagoo qalliinka dhalmada ku sameynaya haweeney.
Dadka ayaa su'aal geliyay badqabka haweeneyda iyo ilmaha, maaddaama dhaqtarku uu toos ugu jiray Tiktok.
Dhaqtarka ayaase sheegay in qalliinkaasi uusan ahayn mid degdeg ah, "Waqtigii dambe ee aan qalliinka dhammeynayay, oo aan ilmaha soo bixiyay ayaan muuqaalka tooska ah duubay," ayuu yiri.
Dhaqtarkan qalliinka ku takhasusay kana howlgala mid ka mid ah isbitaallada magaalada Muqdisho, ayaa wareysi uu bixiyay wuxuu ku sheegay inuu baraha online-ka gaar ahaanna TikTok uu dadka kala taliyo arrimaha caafimaadka.
"Muuqaalka qalliinkan wuxuu ahaa mid wacyigelin ah. Anigoo ilaalinaya xogta bukaanka, waxaa igu soo dhacday feker ah inaan hooyooyinka wacyigeliyo oo u sharraxo waxyaabaha ku keeni kara caqabadaha sida inuu makaanku qarxo," ayuu yiri.
Dhaqtarka oo bartiisa Tiktok ay ku xiran yihiin kumannaan qof ayaa ku adkeystay in wacyigelin uu ahaa muuqaalka, isagoo iska fogeeyay inuu sameeyay wax anshaxa ka baxsan.
Dowladda Soomaaliya oo aan xiriir la sameynay ayaa waxay inoo sheegeen in arrinta baaritaan lagu hayo.
Anshaxa caafimaadka muxuu ka qabaa arrintan?
Dr Saciid Sheekh Maxamed, oo ku takhasusay qalliinka carruurta, kana howl-gala Isbitaalka Jaamacadda Jazeera ee magaalada Muqdisho ayaa BBC u sheegay inaysan wax cusub ahayn in adeegyada caafimaadka ee bukaan loo sameynayo loo daawado si toos ah.
"Laakiin waxa cusub waa teknolojiyadda maanta jirta iyo ujeeddooyinka loo sameeyo. Haddii aan dib u laabanno taariikh ahaan erayga saalada tiyaatarka waxaa looga jeeday oo uu ahaa in qalliimada ay ka dhici jireen meel u sameysan sida masraxa oo taallay kuraas oo ay daawanayaan dad aan ka mid ahayn kooxda sameynaya qalliinka, laakiin dadka daawanaya iyo ujeeddada wa ka duwanayd, weyna lahayd dhibaato sida in dad ay ku suuxaan meesha faa'iidana way ahayd oo dhaqaatiir ayaa ka baran jirtay sida loo sameynayo qalliimada kala duwan." Ayuu yiri.
Wuxuu sheegay in sababta ugu weyn ee qofka bukaanka ah loo duubayay ay ahayd in cilmi ahaan looga faa'iideysto, iyo in bukaanka loogu sharraxo nooca qalliinka lagu sameyn doono.
"Hadda arrinta soo korortay waxay tahay in toos loo tabiyo oo ah arrin weli laga gaarin gunaanad oo u baahan daraaseyn dheer oo la xiriirta faa'iidooyinka iyo khasaaraha ka imaan kara, kadibna ay noqon karto wax sharci ama khaanuun laga sameeyo," ayuu yiri.
"Tiirarka anshaxa caafimaadka"
Dr Saciid Sheekh Maxamed, ayaa BBC u sheegay in xirfadda caafimaadku ay tahay shaqo la xiriirta qofka beni'aadamka ah, ayna tahay mid leh shuruuc adag oo u gaar ah.
"Anshaxa xirfadda caafimaadka si guud ahaan waxaa aasaas u ah afar tiir oo waaween oo kala ah:
- In bukaanka loo sameeyo adeeg wax u taraya oo muhiim u ah, lagana ilaaliyo waxyaabaha aan daruuriga ahaynn ha noqdaan baaritaan, qaalliin ama daawo. Tusaale ahaan in aad dhahdid qalliin ayaa lagugu sameynayaa kansar faafay oo aad ogtahay haddii la suuxiyo in bukaankaas gelayo ICU ama uu ku dhimanayo suuxdinta.
- In aadan dhibaato dheeraad ah u geysan haddaadan aqoon, tusaale ahaan haddii uu kuu yimaado bukaan ka cabanaya wax la xiriira takhasus ka duwan kaad soo baratay oo ay jiraan dhakhaatiir kaaga habboon u dir, dhibaato ha u geysan bukaankaas.
- Inaad bukaanka siisid xorriyaddiisa oo uu qaato mid kamida ikhtiyaarrada uu dhakhtarku bixiyo, waxaana laga rabaa dhakhatarku inuu bukaanka u sharraxo una sheego haddii ay jiraan dhowr waddo oo lagu daweyn karo xanuunkaas, wadda kastena u sheego faa'iido iyo khasaaro. Sido kale wa in la ilaaliyaa xurmada iyo sirta bukaanka oo oggolaansho la'aan aan lala wadaagi karin qof kale ama dhakhtar kale.
- Waa in bixinta caafimaad loo fiirin dheddig/ lab, weynaan iyo yaraan, cadow iyo saaxiib, iyo xaaladda bulshadeed ee bukaanka sida sabool iyo hantiile. Waa inaad si isku mid ah usiisa talada caafimaad.