"Rekha Dheerey: Aktaradda aan dhicin ee caanka ka ah dalal ay Soomaaliya ka mid tahay oo 70 jirsatay

Waxaa jira xiddigo yar oo saameyntooda Bollywood ay u weyn tahay sida tan Rekha. Iyadoo aktaradda ay maanta 70 jirsatay, qoraaga filimada Yasser Usman ayaa wax inooga sheegaya taariikhdeeda iyo xirfaddeeda.

Rekha waxay ka mid tahay xiddigaha ugu saameynta badan Hindiya - haweeney qabsatay warbaahinta dunida iyo xusuusaha dadka muddo tobnaan sano ah iyadoo waddo u jeexday jiilka aktarrada dumarka ah ee Hindiya.

Sanadihii 1970meeyadii, waxaa aad loogu ammaani jiray isbeddelka ay sameysay iyadoo ahayd gabar yar oo kasoo jeedda koofurta Hindiya oo aan aqoon luqadda Hindiga gaartayna heer jilaa abaal-marin ku guuleystay oo taqaanna luqadaha Urduuga iyo Hindiga kalsoonina kulansatay.

Balse indhaha dadka ee ay aadka usoo jiidatay ayaa saameysay nolosheeda gaarka ah iyadoo sanadihii xigay dooratay inay nolosheeda bulshada ka qariso.

Haddana weli, tobnaankii sano ee lasoo dhaafay, Rekha waxay caddeysay in takoorka loo geystay uu keliya ka dhigay mid ay dadku aad usii jeclaadaan iyada.

Inta badan mar walba oo ay bulshada kasoo hor muuqato, waxay qabsaneysay wadnaha dadka iyo baraha internet-ka.

Aktaradda oo ku dhalatay Chennai (oo markaas loo yaqaannay Madras) sanadkii 1954 magaceeduna ahaa Bhanurekha, waxaa aad u saameeyay hardankii hooyadeed aktarad Pushpavalli waxaana dhaawacay maqnaanshihii aabbaheed, xiddiggii aflaamta afka Tamil ee Gemini Ganesan.

Weli waxay ahayd gabar da'yar markii ay billowday wax jilidda, sababta ugu weynna waxay ahayd in qoyskeedu ay heysteen caqabado dhaqaale. Bombay (oo haatan ah Mumbai), guriga shineemada Hindiga, waxay Rekha ku qasbanaatay inay dhex gasho meel looga hadlo luqad aysan aqoon oo ragna ay ku badan yihiin.

“Bombay waxay ahayd sida keyn, waxaana soo dhex galay anigoo aan hubeysneyn. Waxay ahayd wixii ugu naxdinta badnaa ee soo mara nolosheyda … Raggu way isku dayeen inay ka faa'iideystaan nuglaanshahayga,” ayay mar tiri.

Iyadoo shaqadeedii hore ay indhaha soo jiidatay, waxay wajahday ceebeyn dhanka jirka ah, oo daawadayaasha, weriyeyaasha iyo xitaa jilaayada kale ay ku maadeysanayeen miisaankeeda iyo midabkeeda.

Wareysiyadii lala yeeshay, waxay ka hadashay sida, iyadoo da'yar, waxaa lagu qasbay inay jisho doorar aysan ku qanacsaneyn.

Iyadoo wax walba ay u muuqdeen kuwo iyada kasoo horjeeda, jilaayaddan da'da yareyd ayaa xaalka dhanka kale u rogtay.

Wareysiyo iyo weedho aan la maqal oo sanadihii 1970meeyadii ahaa, Rekha ayaa noqotay wararka wargeysyada xanta soo qora.

Rekha ayaa sidoo kale ahayd qof aan ka gabban inay ka hadasho xiriirrada ay la lahayd aktarrada ay wax la jileysay. Balse maaddaama aysan raggaas sideeda oo kale u shaacin, iyada ayaa la ceebeyn jiray iyadoo warbaahintu ay ugu yeeri jireen magacyo aan wanaagsaneyn oo ay iyadu ku qeexayaan.

Rekha ayaase isbeddel cajiib ah sameysay bartamihii-70meeyadii iyadoo miisaanka iska dhintay isla markaana marsan jirtay make-uo iyada ku habboon.

Waxay tusaale u noqotay sida miisaanka la isaga dhimo, iyadoo sidoo kale dadka jecleysiisay jimicsiga Yoga kahor inta aysan noqon wax ay wada sameeyaan dadka caanka ah.

Markii ay ku guuleysatay wax ka beddelka muuqaalkeeda, Rekha ayaa dib u qaabeysay quruxda iyo miisaanka waxayna abuurtay meel dimuqraaddiyad ka jirto oo ay u siman yihiin dhammaanba aktarrada midabbada kala duwan leh.

Blase isbeddelka ay isku sameysay ayaa ka dhigay mid safiirad u noqota isbeddelka.

Muuqaalkeeda marka laga soo tago, waxay sidoo kale horumar weyn ku sameysay jilliinkeeda.

Filimaanta ay jishay ee caanka noqday waxaa ka mid ah Ghar (1978), Khoobsurat (1980) iyo Silsila (1981). Isla sanadkaas filinka Umrao Jaan ayaa ka dhigay mid ka mid ah jilaayada ugu wanaagsan Hindiya waxayna ku guuleysatay abaal-marin qaran.

Waxay sidoo kale qoob ka cayaar ka sameyn jirtay filimada sida Kalyug (1981), Utsav (1984) iyo Ijaazat (1987) iyo Khoon Bhari Maang (1988).

Rekha ayaa isbeddel fiican ka sameysay waaxda filimada ee Hindiya iyadoo dhistay kalsoonideeda, waxaana loo aqoonsaday aktaradda aan dhicin.

Sanadkii 1990, waxay is guursadeen ganacsadaha Mukesh Aggarwal balse lammaanaha ayaa durba kala tegay. Isla sanadkaas, mar ay barnaamij u joogtay Mareykanka, seygeedii ay bilaha yar isla joogeen ayaa is dilay.

Durba dalka ayay dib ugu soo laabatay si ay u beeniso cinwaannada warbaahinta ee sida “Runta naxdinta leh ee ka dambeysa is dilka Mukesh” iyo “Garoobta Madow”.

Boorarka filinkeedii Sheshnaag (1990) ayaa la jeexjeexay, muddo ayaana lagu ceebeyn jiray waaxda aflaamta dhexdeeda.

Waxay Rekha billowday inay dib uga soo kabato xaaladahaas soo wajahay. Muddo sanad ah, waxay dhammaanba tamarteeda isugu geysay ruwaayaddii aargoosiga ee Phool Baney Angaare (1991), kaasoo si fiican ay ugu soo baxday.

Balse iyadoo dadweynuhu jeclaayeen iyo soo laabashadeeda guusha lahayd kadib, Rekha, oo mar lagu yaqaannay inay tahay qof karti leh, ayaa markan laga dareemay jileec.

Wareysi ay siisay BBc, waxay mar tiri “[Warbaahintu] waxay doonaan ayay qori karaan xawaashna wya ku dari karaan… aad ayaan u careysnaa oo aan u dhaawacnaa. Mar walba oo aan xanuun dareemana waan iska aamusi jiray. Marka taasi waxa aan sameeyay – waan joojiyay hadalka.”

Tan waxay ahayd isbeddelkii ugu dambeeyay ee ay sameysay, waana waxa ka dhigay aktaradda aan dhicin ee aan maanta naqaan.

Wixii intaa ka dambeeyay, wax badan nolosheeda lagama aqoon waxaana yaraaday kasoo muuqashadeeda aflaamta.