You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Wasiir Ducaale: “Qoyska Kenyatta ayaa ergo u soo dirsaday dowladda Ruto”
Wasiirka gaashaandhigga Kenya, Aadan Barre Ducaale, ayaa sheegay in qoyska Madaxweynihii hore Uhuru Kenyatta uu ergo u soo dirsaday dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne William Ruto.
Wasiirka ayaa sheegay in qoyska oo kamid ah kuwa ugu hantida badan Afrika ay dowladda ka codsadeen in “faraha laga qaado”.
Xukuumadda uu hoggaamiyo Ruto ayaa lagu eedeeyay in ay dabagal ku hayso ganacsiyada qaar kamid ah madaxdii hore ee soo xukumay waddanka, isla markaana ay ku soo dallaceen caanshuur badan.
“Maxaa ku kallifay qoyska Kenyatta in ay xasilloni darro u horseedaan Kenya? Waa qoyska ugu hantida badan Afrika. Madaxweynihii hore iyo qoyskiisa ayaa ergo u soo dirsaday dowladda oo waxa ay rabaan in faraha laga qaado,” ayuu yiri Wasiir Ducaale oo u warramayay idaacadda Spice FM ee xarunteedu tahay Nairobi.
Waxa uu sheegay in arrintaas aan laga oggolaan karin qoyska Uhuru Kenyatta, oo haddii laga yeelo ay caqabad ku noqon karto hay’adaha dowladda u qaabilsan isla xisaabtanka dhinaca dhaqaalaha.
Qaar kamid ah siyaasiyiinta taabacsan Ruto ayaa ku eedeeyay Uhuru Kenyatta in uu maalgaliyay dibedbaxyadii dalka ka dhacay labadii todobaad ee la soo dhaafay, kuwaas oo dhaliyay khasaaro naf iyo maal ba leh.
Hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga oo hormuud u ah dibedbaxyada ayaa beeniyay eedeynta loo jeediyay Madaxweynaha hore.
Qoyska Uhuru Kenyatta ayaa 27-kii March soo jiitay indhaha dadweynaha kadib markii dad shacab ah ay boobeen beer weyn oo uu ku leeyahay duleedka caasimadda Nairobi.
Dadka boobay beerta ayaa halkaa ka watay boqolaal neef oo ari badan, xilli caasimadda uu ka socday dibedbax uu hoggaaminayay Raila Odinga.
Qoyska Kenyatta ayaa waxaa ka soo baxay laba Madaxweyne oo Kenya soo hoggaamiyay; Jomo Kenyatta oo ahaa Madaxweynihii koobaad iyo wiilkiisa Uhuru Kenyatta oo noqday Madaxweynihii afaraad.
Doorashadii dhacday August 2022, Uhuru Kenyatta ayaa taageeray Raila Odinga oo la tartamay William Ruto, waxaana maxkamadda ugu saraysa Kenya ay go’aamisay in Ruto uu ku guulaystay doorashadaas.
Dibedbaxyada Kenya
Hoggaamiyaha mucaaradka Kenya, Raila Odinga, ayaa sheegay in dibedbaxa todobaadkiiba labada maalmood ah uu socon doono ilaa inta ay xukuumadda Ruto ka fulinayso dalabkooda.
Waxa uu doonayaa in dowladda ay wax ka qabato sicir bararka sarreeya ee sida ba’an u saameeyay dadweynaha Kenya iyo in baaritaan hufan lagu sameeyo kombiyuutarrada xogta keydiya ee loo isticmaalay doorashadii dhacday sanadkii hore.
Raila ayaa wacad ku maray in Isniinta soo socota uu hoggaamin doono dibedbixii ugu weynaa.
Xukuumadda Ruto ayaa ku doodaysa in Raila uu doonayo inuu xukunka la qeybsado, taasina aanay dhici doonin maadaama “looga adkaaday doorashada”.
Qaar kamid ah safaaradaha waddamada Galbeedka ay ku leeyihiin Nairobi iyo weliba Midowga Afrika ayaa ku baaqay in xaaladda la dehiyo oo dhinacyada ay wada xaajood ku dhammeeyaa khilaafkooda.