Waa maxay mirahan faa’iidada u leh caafimaadka taranka?

Miraha Blackcurrant, sidoo kale loo yaqaan Sabiibka Madow, waa miro aan tiro badnayn, oo aanan dibadda loogga dhoofin gudaha dalka UK, laakiin sidoo kale waxaa laga helaa dalalka Hindiya iyo Pakistan, waxaana loo isticmaalaa siyaabo kala duwan.
Sida ay khubarradu sheegeen, Sabiibka Madow, ayaa waxa ku jira afar nooc oo ah fitamiin-ka C, oo in ka badan tan saliidda Macsarada laga helo oo kale ah, halka sidoo kale laga helo walxaha laga sameeyo dawada ka difaacda unugyada waxyeelada.
Blackcurrant ayaa waxa kale oo loo isticmaali karaa arrimo caafimaad mustaqbalka. Waxyaabo Isku-dhafan oo laga soo qaaday, ayaa la tijaabinayaa, si loo arko sida looggu isticmaali karo daweynta dhiig-karka iyo cudurrada dhimirka.
Maxay tahay sababta Sabiibka Madow uu faa'iido inoogu leeyahay?
Cabitaanka Blackcurrant, ayaa waxaa la siiyay carruurta Ingiriiska intii lagu jiray Dagaalkii Labaad ee adduunka, sababo la xiriira in mirahani ay ku jiraan fitamiin C oo aad u sarreeya.
Professor Cassidy, ayaa sheegay in mirahani uu wanaajiyo Qulqulka Dhiigga, taasoo sidoo kale u leh faa'iidooyin caafimaadka. Tobankii sano ee la soo dhaafay, caddeynta maadada ku jirta mirahan, ayaa sii korodhay. Waxa la muujiyay inay si gaar ah waxtar ugu leedahay caafimaadka Wadnaha iyo Maskaxda, halka dhawaanahanna la ogaaday in sidoo kale ay u wanaagsan tahay xanuunnada, sida Parkinson ama Shalalka..'
Mark Williams, borofisar ku takhasusay jimicsiga ee wax ka dhiga Jaamacadda Chichester, ayaa qoray maqaallo dhowr ah oo ku saabsan faa'iidooyinka Sabiibka Madow, gaar ahaan maaddooyinka saafiga ah oo ku jira mirahan.

Xigashada Sawirka, Thinkstock
Williams ayaa wuxuu hadalkiisa intaa ku daray in haddii qof uu lasoo darso dhibaato ah in uu xadidmo qulqulka dhiigga, waxay la macno tahay in xididkaasi "uusan ururin karin ama qeybin karin dhiigga, waqti ka dibna tani waxay saameyn xun ku leedahay Cadaadiska Dhiigga."
Sida laga soo xigtay khubarrada, daraasaddan la iska kaashaday, dadka waayeel ah, ayaa la siiyay Sabiibka Madow toddoba maalmood, maalintii u danbeysay bararka xididdada Dhiigga ayaa hoos u dhacay.
Cilmi-baarista borofisarku, ayaa waxay diiradda saartay shakhsiyaadka caanka ah ee ciyaaraha, sida kuwa buuraha fuula. Tani waxay keentay natiijooyin dhiirigelin leh.
Cilmi baaris ayaa lagu ogaaday in budada Sabiibka Madow ay caawiso soo kabashada muruqa jimicsiga kadib. Cilmi-baaris dheeraad ah, ayaa sidoo kale muujisay faa'iidooyinka ay mirahani u leeyihiin dadka dadoodu wayn tahay.
"Waxaa jira caddayn dheeraad ah oo ku saabsan faa'iidooyinka Sabiibka Madow marka loo eego noocyada kale ee Berry, ee ay isku jaadka yihiin," ayuu yiri. Uguma yeeri doono miro ka sarreeya kuwa kale, laakiin faa'iidooyinkeeda lama barbar dhigi karo jaadyada kale ee berry-ga.'
"Iyadoo lala kaashanayo jaamacad Japan ah ( taasoo ah Jaamacadda Nippon, ee Tokyo), ayaa waxaan ogaanay in mirahani yareyn karaan caabuqa xididdada dhiigga ee dadka waayeelka ah," ayuu hadalkiisa ku sheegay.
Haddaba, Sabiibka Madow ma wanaajin karaa caafimaadka taranka?
Professor Aidan Cassidy oo ka tirsan jaamacadda Queen's University ee magaalada Belfast, ayaa baaritaan ku sameeyay bal in raggu isticmaali karaan Sabiibka Madow, si ay u daweeyaan caqabad dhanka dareenka ah ee lasoo darsa ragga.
Waxa uu sheegay in dhibaatada dareenka ay ka dhalato qulqulka dhiigga oo aan sax ahayn. 'Maaddada Anthocyanins, flavinoids-ka oo laga helo Sabiibka Maadow (kuwaasoo siinaya miraha midabkooda guduudan), ayaa waxay hagaajiyaan socodka dhiigga,' ayay tiri. Tani waxay ka dhigaysaa xididdada dhiigga kuwo dabacsan oo furfuran.'
Daraasad tifatiran oo 10 sano socotay, oo lagu sameeyay in ka badan 25,000 oo rag ah, ayaa lagu ogaaday in kuwa cunay miraha Berry-ga ama Sabiibka Madow, oo ay ku badan tahay maaddooyinka dawada baritaara dareenka ragga saddex jeer ama in ka badan usbuucii, ay 19% ka yar tahay inay lasoo darsaan caqabado la xiriira dareen yarida dhanka galmada.
Sabiibka Madow miyuu daweeyaa shiirka?
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Daraasad kale ayaa sidoo kale muujisay taasoo laga soo saaray miraha Sabiibka Madow, inay gacan ka geysan karaan ka saarista urka jirka. "Haddii aad ka weyn tahay 45, wuxuu sii daynayaa maqaarka jirkaaga gaas gaar ah, oo ay dadku ugu yeeraan 'urka dadka da'da ah," ayuu yiri Williams.
Marka uu gaaro da, jirka qofka, ayaa gaar ahaan marka uu walwalo wuxuu sii daayaa gaas kasoo baxa maqaarka. Inkasta oo daraasaddu ay yarayd, oo ay ku lug lahaayeen 14 qof oo keliya oo ka weyn da'da 55, ayaa waxaa lagu ogaaday in isticmaalka budada Sabiibka Madow ee toddobo maalmood ay hoos u dhigi kart gaasta boqolkiiba 25.
"Aad baan u xiisayn lahaa inaan arko haddii aad ku heli karto berry kale, laakiin waxay u badan tahay inay sabab u tahay saamaynta maaddada dawada ah ee antioxidant-ka ee (Sabiibka Madow) sababo la xiriira diiqadda gaaska," ayuu yiri Mark Williams. Urta noocaas ah ayaa la abuuraa.
Dhanka kale, Williams, ayaa wuxuu tilmaamaysaa in soosaarista Sabiibka Madow uu noqon karo qaali, sidaas darteed maahan xalka kaliya ee loo sameyn karo dad badan. Sidoo kale maahan dawo keeni karta dhibaatooyin kale. "Waxaan qabaa inaan weli u baahan nahay inaan ka taxadarno sheegashadayada ah inay u fiican tahay dhimista miisaanka." Ma aha kaniin xallin doona dhibaatooyinkaaga oo dhan.'
Williams ayaa waxa kale oo uu tilmaamay in inta badan cilmi-baaristu ay ku jirto marxaladihii hore, oo loo baahan yahay tijaabooyin dheeraad ah. Haddaba iska jir kuwa ku andacoonaya in tani ay tahay daawo mucjiso ah, ama aad u wanaagsan.
"Waan garab taaganahay wixii aan ka gun gaarnay, tusaale ahaan, waxaan haynaa xog ah inaysan sida ugu waxtarka badan u lahayn dadka asal ahaan ka soo jeeda Koonfur-bari Aasiya. Markaa weli wax badan ayaa u dhiman cilmi baarista in la tixgaliyo.

Nidaamkee loo maraa Sabiibka Madow marka la karinayo?
Cunto kariye sare Chef Lupe Fuchs, ayaa soo saaray cuntooyin badan oo Sabiibka Madow ah, iyada oo la kaashanayo hey’adda la yiraahdo Blackcurrant Foundation, oo ah hay'ad la leeyahay dalka UK.
Muddada goosashada Sabiibka Madow ee UK waa laga bilaabo bisha Luulyo ilaa Agoosto. Waa in lasoo qaadaa isla marka ay buluug madow isu beddesho.
Kuug Lupi, ayaa waxa uu xiriir qoto dheer la leeyahay mirahan. Markiiuu caruurta ahaa, si joogto ah ayuu u qaadan jiray, oo wuxuu u beddelay macaan. "Waxaa caadi ahaan loo isticmaalaa in lagu quraacdo, iyo lagu lamaaniyo macmacaanka sida maraqa iyo canjeelada," ayuu yiri. Dhadhankooda saxda ah, ayaa ah kuwa ugu fiican oo lagu qaso labeen cusub, laakiin sidoo kale waxaa loo isticmaali karaa hilibka.'
Sabiibka Madow waa la qaboojin karaa, waxaana la isticmaali karaa dhowr bilood kadib.
Cunto kariye sare Chef Lupi, ayaa wuxuu ku talinayaa in:
- Marka Sabiibka Madow lau darayo Doolshada, waa in lagu daraa wax yar kahor inta aan la dubin, si ay u xajistaan qaabkooda oo aysan u dhicin.
- Xidho maro markaad samaynayso, si aanay dharkaagu u burburin.
Isticmaal malab, halkii aad ka isticmaali lahayd sonkor, si aad u macaanayso.
- U isticmaal sida maraqa leh salarka, khudaar, kalluun ama hilib.













