Daawo: Maxaa kalkaalisadan 'xaasidadda, ah ku kallifay inay disho carruur lagu aaminay?

Kalkaalisada u dhalatay dalka Britain ee Lucy Letby ayaa nolosheeda inta ka dhiman ku qaadaneysa xabsi, sababo la xiriira dilkii arxan-darrada ahaa ee ay u geysatay toddobo dhallaan ah.

Kiiska iyada ka dhanka ah ayaa haatan la xiray, balse su'aalo badan ayaa weli jawaab loo la'yahay, waxaana ka mid ah sababta ay u dishay carruurtan iyo sida ay ugu suurto gashay.

Warbixintan ku daawo faahfaahinta kiiska kalkaalisadan.