Waxa ay isku hayaan waalidiinta Soomaalida iyo Raysal wasaaraha Canada

Xigashada Sawirka, Reuters
Raysal wasaaraha Canada Justin Trudeau ayaa u muuqda mid wajahaya khilaafyo hor leh oo midba kan kale uu sii dhiibaya.
Markii hore, waxay ahayd arrinta ku lug lahaanshaha Hindiya ee dilka hogaamiyihii gooni u goosadka taageersanaa Khaliistan Hardeep Singh Nijjar. Ka dib waxaa xigtay dhacdadii baarlamaanka Kanada ee ku saabsanyd odaygii u soo halgamay Naasiyada ee uu ammaanay, taas oo horseedday inuu iscasilo guddoomiyaha baarlamaanka Canada.
Haddana Ururka Muslimiinta Canada oo ay xubno ka yihiin waalidiinta Soomaaliyeed ayaa soo saaray bayaan ay ku muujinayaan sida ay uga soo horjeedaan hadal ka soo yeeray Ra’iisul Wasaare Justin Trudeau. Hadalkaas ayaa dhaliyay dibadbaxa halkudhigiisu yahay 'Hal Milyan oo qof' oo looga soo horjeeday fikradda Jinsiga ee lagu soo daray iskuulada Kanada. Dibad baxaan ayaa waxaa soo qaban-qaabiyay Waalidiin Muslimiin ah oo ay Soomaali na ku jrito
Maxay diidan yihiin waalidiinta Soomaalida?

Xigashada Sawirka, CBC
Soomaalida ku nool dalka Canada ayaa ka mid ah Muslimiinta ka mudaaharaaday fikradda Jinsiga ee lagu soo daray manhajka waxbarashada dugsiyadda dalkaas. Howshaas waxaa taageeray Raysal Wasaraaha dalkaas, kaas oo ka careysiiyay waalidiinta Soomaaliyeed ee Canada.
Cumar Cabdulle oo ka mid ah waalidiitinta Soomaalida waa Aabbe 2021 carruurtiisa la tagay dalkaas. Isaga oo duraya mowduuca cusub ee lagu soo kordhiyay waxbarashada dalkaas, waxa uu BBC u sheegay in arrinkan uu u arko mid ula culeys eg dhibtii uu uga soo cararay dalkiisa, si kasta oo ay u kala duwan yihiin labada arrin.
“Walaahi dhib badan ayaa jira. Waxaan halkan ugu imid kud ka guur oo qanjo u guur,” ayuu yiri Cumar Cabdulle. “Sababta waxaa waaye ilmihii aanu la soo cararnay oo aanu rabnay inay helaan waxbarsho iyo caafimaad ayaaba waxaaba la isku haystaa noloshoodii diin ahaan iyo dhaqan ahaan.”
Waxa uu sidoo kale sheegay in markii ay caruurta geeyeen iskuuladii dolwadda lagu yiri inaysan ka hadli karin arrimaha la xiriira ilmahooda.
“Waxaa nalagu yihi adiga kama hadli kartid ilmahaaga oo nin iyo naag midka uu doono ayuu noqonayaa marka wax loo dul qaadan karo ma ahan arrintaas waan dhibaato aad u weyn sababtoo ah marka aad canuga iskuulka u dirto waad welweleysaa sababtoo ah ma taqaanid waxa uu kuula imaanayo marka waa mucjso na haysata, meeshaan ka soo cararnayna wanaag kama jiro kii aan nimidna dhibtaan baa nagu haysata .”
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Cumar Cabdulle ayaa sidoo kale sheegay in Soomaali ahaan ay bulshooyinka kale kaga sii dhibaato badan yihiin sababtoo ah Soomaalida ma lahan iskuullo gaar loo leeyahay sida bulshooyinka Carabta iyo Hindida.
Waxaa intaa u dheer inaysan Soomaalida awoodin inay iska bixyaan kharaashaadka iskuuladaas gaarka loo leeyahay ee qowmiyadaha kale ee Muslimiinta ah.
Saaqo Cali Dhoore waa hooyo muddo dheer ku nool Canada. Waxay sheegtay in waalidiintu walaac weyn ka qabaan isbedelka lagu sameeyay manhajka waxbarashada ee lagu soo kordhiyay daruus la xiriirta dadka isku-jinsiga ah ee wax iska-doonta.
“Anaga waalid ahaan mas’uuliyad ayaa naga saaran in aan ilmaheena u ilaano diintooda iyo dhaqankooda suuban,” ayay tiri Saaqo oo sababtaas ku saleysay waxa ay isku hayaan waalidiinta Soomaalida iyo Muslimiinta Canada oo hal dhinac ah iyo Raysal wasaaraha dalkaas.
“Annagu halkan uma imaan in dhaqankeena iyo diinta la badalo. Qofka isaga hadduu rabo ha badalo diintiisa iyo dhaqankiisa,” ayay raacisay hadalkeeda iyada oo ku talisay in la dhowro kala duwanaashaha dhaqanka iyo diimaha ee bulshada ku wada nool Canada.
Waalidiinta Muslimka ah ayaa sheegay in ay deg deg tahay in carruurtu iskuulada lagu baro arrimaha la xiriira Galmada iyo Aqoonsiga Jinsiga ee SOGI.
Barnaamijka SOGI waxaa loogu talagalay iskuulada gobollada Alberta iyo British Columbia, ee Canada. Ujeedada barnaamijkan waa in lagu baraarujiyo carruurta dhinaca bulshada isku-jinsiga ah.
Dadka ka soo horjeeda barnaamijkan ayaa sheegaya in aysan jirin arrin ku khasbeysa inay ogolaadaan in caruurtooda la baro barnaamijkan.
Waxay yiraahdeen halkii laga dhigi lahaa barnaamijkan mid qasab ah, waa inay noqotaa ikhtiyaarka waalidiinta oo ay kala doortaan in ilmahooda la baro iyo in kale sababtoo ah waxa ay yirahdeen waxaa barnaamikan waxyaabo loogu talagalay dadka qaangaarka ah.
“Ma ahan in lagu khasbo wax uusan rabin,” ayay tiri Saaqo Cali Dhoore.
Kumanaan waalidiin ah ayaa isugu soo baxay bannaanka xarumaha dawladda hoose iyo dugsiyada dalka Kanada si ay uga mudaaharaadaan barnaamijka SOGI. Waxaa kale oo jiray mudaaharaad kale ay ka dhigeen dadka isku jinsiga ah kaas oo looga soo horjeeday dibadbaxa Muslimiinta ee ka dhanka ah mashruucan.
Ururka Midowga Macallimiinta ayaa taageeray diidmada Muslimiinta, halka Raysal wasaaraha Canada Justin Trudeau uu canbaareeyay mudaharaadka muslimiinta, sida uu ku faafiyay bogga X.
"Waxaan rabaa in aan hal arrin caddeeyo - ma jirto meel loogu talagalay nacaybka dadka isku jinsiga ah ee dalkan. Waxaan si adag u cambaareynayaa nacaybka iyo mudaaharaadyada looga soo horjeedo dadkan. Waxaan si cad u taageersanahay dadka laga tirada badan yahay ee jinsiga waana arrin muhiim ah.”
Falcelinta hadalka Trudeau ee Muslimiinta

Xigashada Sawirka, Getty Images
Ururka Muslimiinta Canada (MAC) ayaa ka soo horjeestay hadalka Trudeau, iyagoo sheegay in hadalka Ra'iisul Wasaaraha uu kordhin karo dhibaateynta carruurta Muslimiinta ah ee ku jira iskuullada, ayna cabsi gelin karto.
MAC ayaa sheegay in hadalka Ra’iisul Wasaaraha uu yahay mid kicin iyo kala qeybsanaan abuuraya. “Waa in uu raali galiyo kumanaanka waalid ee ku nool Kanada,” ayay yirahdeen.
Hogaamiyaha mucaaradka ee baarlamaanka Canada ahna hogaamiyaha xisbiga muxaafidka ah Pierre Pouliware ayaa sidoo kale taageeray ururka muslimiinta Canada.
Sida laga soo xigtay Machadka Daraasaadka Islaamka, Islaamku waa diinta labaad ee ugu caansan Kanada.
Warbixin loogu magac daray Mustaqbalka Dadweynaha Muslimiinta Caalamka, ayaa lagu sheegay in sanadka 2030-ka ay Muslimiinta dalka Kanada gaari doonaan illaa 27 milyan taas oo qiyaastii u dhiganta 6.6 boqolkiiba dadweynaha Canada.
Sida laga soo xigtay Machadka Daraasaadka Islaamka, Muslimiintu waxay hadda Canada ka yihiin 4.9 boqolkiiba taas oo qiyaastii u dhiganta qiyaastii 18 malyan.
Marka laga soo tago Masiixiga, diinta Islaamka ayaa ah diinta labaad oo ay dadka ugu badan raacsan yihiin.
Sida laga soo xigtay warbaahinta CBC Canada ayaa dadka ku nool Kanada ay saddex meelood meel meel aysan haysan wax diin ah.
















