Maxaad ka ogtahay hilibka gacan ku sameyska ah iyo dalka kaliya ee laga cuno?

Wuxuu u egyahay hilib digaagga, wuxuu u urayaa sida hilibka digaagga, weliba wuxuu u dhadhamayaa sida digaagga.
Marna ma malaynaysid in cadka hilibka ah ee hortayda yaal aanu ka iman xoolo. Waxa lagu sameeyay shaybaar ku yaal dhul warshadeed dhawr mayl waddada u jira, ayuu yiri weriyaha BBC ee ka warbixinaya arrintan.
Waxaan joogaa dukaanka hilibka ee Huber iyo Bistro ee Singapore, taas oo ah makhaayadda kaliya ee adduunka laga helo waxa loogu yeero hilibka la beeray.
Jawaab-celinta macaamiishu waxay ahayd "wax cajiib ah", sida uu sheegay mulkiilaha makhaayadda.
Shirkadda hilibka beertay ee Eat Just oo fadhigeedu yahay California, Mareykanka - ayaa sheegtay in uu yahay nadiif laga sameeyay waxyaabo dabiici ah - iyada oo aan wax tanaasul ah laga sameyn in uu dhadhan fiican yeesho. Balaayiin doollar ayaa lagu shubay warshadaha, laakiin calaamado su'aal weyn ayaa dul taagan sii jiritaanka hilibkan gacan ku samayska ah.
Tan iyo markii hambagarkii ugu horreeyay ee lagu sameeyo shaybaarka - oo ku kacay $330,000 waxaa lagu daah-furay London sannadkii 2013-kii, daraasiin shirkado ah oo adduunka oo dhan ka socda kuwaas oo ku biiray tartanka si ay suuqa u keenaan hilib la beero oo la iibsan karo.
Ilaa hadda, kaliya East Just ayaa ku guuleysatey in loo oggolaado badeecadeeda iibka dadweynaha ka dib markii sharciyeeyayaasha Singapore oo ah waddanka keliya ee adduunka u oggolaanaya in hilibka shaybaadhka lagu beero la iibiyo ayaa ogolaaday bishii Disembar ee 2020.
Balse weli lama joogo si weyna looma heli karo. Digaagga la beeray ayaa si kooban ugu jiray liiska cuntooyinka Private Members Club sannadkii 2021.
Iskaashigu wuxuu socday dhowr bilood sanadkanna Huber ayaa bilaabay inay dadweynaha guud siiyaan cunto uu ku jiro hilibka digaagga macmalka, in kasta oo todobaadkiiba hal mar oo qura la heli karo.
"Hilibka la beeray waa hilib dhab ah, laakiin maaha inaad neef xoolo ah gowracdo," ayuu yiri Josh Tetrick, madaxa fulinta ee Eat Just, oo la hadlay BBC isagoo ku sugan San Francisco. "Habkan wax loo cuno ayaa macno u leh mustaqbalka," ayuu yiri.

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Si ka duwan hilib u ekaha dhirta ku salaysan, hilibka la beeray waa hilib sax ah. Nidaamku wuxuu ku lug leeyahay in unugyada laga soo saaro xayawaanka, ka dibna lagu quudiyo nafaqooyinka sida borotiinka, sonkorta iyo dufanka.
Unugyada waxaa loo oggol yahay inay iskala qaybiyaan oo ay koraan, ka hor inta aan la gelin taangi weyn oo bir ah, kaas oo u dhaqma sida haanta halsano.
Afar ilaa lix toddobaad ka dib, walxaha waa lasoo goynayaa. Qaar ka mid ah borotiinka khudradda ayaa lagu daraa, ka dibna waa la qaabeeynayaa, la karinayaa iyo iyo dabcan wqaxaa loo ekeysiinayaa sida hilibka caadiga ah.
"Waa hilib - waa qumman yahay!" Ayay tiri Caterina, oo ah ardayad Talyaani ah oo halkan u timid gaar ahaan inay tijaabiso digaaga la beeray. Caadi ahaan, sababo sii jiritaan awgood, hilib ma cuni doonto, laakiin Caterina waxay sheegtay inay cuni doonto tan.
Waxa kaliya ee ay ku qososhay? hagaajinta digaagga baastada, taas oo sida caadiga ah aan ka dhicin Talyaaniga.
Macmiil kale oo u dhashay dalka Singapore ayaa sheegay in uu aad ula yaabay sida uu ugu egyahay hilibka dhabta ah.
"Waa sax," ayuu yiri. "Ma garan kari meesha uu ka yimid, waxa kaliya ee aan ka walaacsanahay ayaa noqon lahaa kharashka."
Saxanka baastada digaagga ee aan dalbaday waxa uu ahaa $18.50 oo doollar, laakiin taasi aad ayaa loo dhimay marka loo eego qiimaha hadda lagu soo saaro hilibka.
Eat Just ma sheegi doonto si sax ah inta ay ku bixiso samaynta digaagga la beeray, laakiin wakhtigan xaadirka ah awoodda wax soo saarka shirkadu waxay soo saartaa kaliya 2kg ama 3kg toddobaadkiiba gudaha dalka Singapore.
Markaad taas barbar dhigto 4,000kg - 5,000kg ee digaagga caadiga ah ee lagu iibiyo toddobaad kasta - Huber oo kaliya, waxay ku siinaysaa dareenka miisaanka hawsha hortaal. Si fudud u dhig, waxay u baahan doonaan inay si weyn u kordhiyaan wax soo saarka si ay uga fogaadaan inay lumiyaan qayb kasta oo digaag ah.














