Waa kuma wiilka muddada gaaban caanka kaga noqday Facebook

Maxamed-xamdi Xasan waa wiil yar oo 14 jir ah, kuna nool Gobolka Afdheer ee dowlad deegaanka Soomaalida gaar ahaana degmada Hargeelle. Maxamed ayaa noqday qofka ugu hadal haynta badan baraha bulshada ee Soomaalida ee toddobaadkan ka dib markii sawirradiisa oo uu soo dhigay Facebook ay soo jiiteen dad badan oo soomaali ah.

Shan iyo toban sawir oo uu isku mar soo dhigay bartiisa oo aan hore dad badani ugu xidhanayn ayaa waxaa ka falceliyay dad kor u dhaafaya 45,000 oo qof.

Maxamed-xamdi ayaa durba waxa Meesha ka baxay magiciisii ay reerkoodu ula bexeen, kadib markii uu caan ku noqday Xiddiga Hargeelle oo ah magaca cinwaankiisa facebuuga.

BBC-da ayaa la kulantay xidigga Hargeelle waxanan wax ka weydiinnay noloshiisa iyo qaabka fudud ee looga bartay baraha bulshada isaga oo noloshiisa caadiga ah ku guda jira.

Haragelle oo sharraxaya waxa uu ku qaato nolol maalmeedkiisa ayaa yiri “ waxa aan ku noolahay magaaladan, waxaanan la noolahay walaaladey iyo hooyadey, Dugsi ayaan dhigtaa,dugsiga marka aan kasoo baxana waxa aan ka shaqeeya farmashigan walaalkey iga weyn uu i kala baray ayan la gadaa, duhurka marka la gaarana dugsiga ayaan aadaa oo farmashiga waan xiraa”.

Xiddigga Haragelle oo aan weydiinnay halka uu ka marayo waxbarashada ayaa yiri “iskuulka hadda waxa aan ahay fasalka 6-aad aniga oo sanadkan u gudbaya fasalka 7-aad,” Ayuu yiri.

Wiilkan yar ayaa Soomaalidu waxa ay kusoo dhaweeyeen Facebuugga si lama filaan ah iyagoo ka bixinaya faallooyin kala duwan, laftigiisu waxa uu sheegay in arrintaasi ay ku noqotay lama filaan, waxa uuna yiri “arrintan waxa ay igu noqotay filan waa, waxana aan dareemay farxad aanan waligey dareemin, markii hore waan qaadan waayay laakiin markii dambe qaatay in dad badani I taageerayaan”.

Harageelle ayaa sheegay in marka uu soo dhigayay sawirrada uusan ka lahayn ujeeddo gaar ah balse uu iska soo dhigay oo kaliya, waxa uu tilmaamay in uusan ka lahayn qorshe gaar ah, balse sida ay dadka caadiga ah u isticmaalayaan faceboogga si lamid ah oo kaliya uu usoo dhigay sawirrada.

Waxa uu ka hadlay falcelinta uu kala kulmay bulshada gaar ahaan halka uu ku noolyahay oo markii hore uusan saameyn badan ku lahayn isagoo yiri “ waxa aan arkay dadkii oo dhan la’i wada raadinayo, kuwa magaaladan aan ku noolahay iyo dad kale oo iiga yimid magaalooyin kalaba, waxaa isoo raadiyay wariyeyaal badan oo xitaa iiga kala yimid magaalooyin kala duwan, dadka oo dhanna waxa ay ila galayaan sawirro”.

Soomaalida faceboogga ayaa ku tilmaamay wiil yar oo shaqeysanaya isla markaana doonaya in uu dhinaca faceboogga waqti kula qaato bulshada qaybeheeda kala duwan iyagoo dhinaca fikradaha dadweynaha ama commentiyada u mariyay dhambaal soo dhaweyn ah, taa mid lamida waxa uu sheegay in dadka qaar ay farrimo aan wanaagsaneyn ama aflagaaddo ah u dirayeen.

Magaciisa saxda ah oo ah Maxamed-Xamdi ayuu sheegay in dadku hadda aysan ugu yeerin, taa badalkeedana uu sheegay in ay ugu yeerayaan xiddigga Haragelle oo ah magaca ugu qoran faceboogga isla markaana uu ku caan baxay, waxa uuna sheegay in magacaasi uu haatan u hirgalay.

Xidigga Haragelle ayaa sidoo kale u mahad celiyay guud ahaan Soomaalida baraha bulshada isagoo yiri “Umadda Soomaaliyeed heerkaan maanta aan gaaray iyaga ayaa I gaarsiiyay, dhamaantoodna waxa aan leeyahay hambalyo, hambalyo meel kasta oo ay joogaan ayuu yiri.”

Waxa uu sheegay in farriimo badan looga diray dhinaca farriimaha gaarka ah kuwaasi oo gaaraya illaa 3000 oo farrimood, waxaa intaa dheer in soo bandhigista sawirradiisa kadib magiciisa lagu sameysatay ciwaanno kale isla markaana lagu baahiyay farriimo uusan isaga dirin.

Farrimaha waxa ka mid ah in codsi loo diray madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud isagoo ka hadlayana waxa uu yiri, “ ma jirto farriin aan u diray madaxweynaha Soomaaliya, waxaa jira boqollaal bogag ah oo been abuur ah isla markaana aanan waxba ka ogeyn, waa abeen abuur dhexda laga abuurtay farrintaasi” ayuu yiri.

Wiilkan 14-jirka ardayga ah ayaa haatan waxa boggiisa ku xiran kumanaan dadweyne ah, iyadoo maalinba maalinta ka dambeysa ay dadku xolwi ugu biirayaan.