Askariyad iyadoo shaqo ku jirta sameysay fal naxariis leh oo aad loo ammaanay

Elizabeth Dionisio Ambrosio waa sarkaal booliis oo ku mashquulsaneyd samatabixinta dadka xilli duufaanno xooggan ay ku dhufteen dalka Mexico, waxayna meel fog ka maqashay dhawaqa ilmo oynaya.

Sarkaaladdan 33 jirka ah qudheeda waa hooyo leh labo carruur ah, waxayna baadi-goobtay ilmaha oynaya.

Dadaal dheer ka dib, waxay aragtay hooyo iyo ilmaheeda oo afar bilood jira oo caawin u baahan.

Hooyada ilmaha ayaa sarkaaladda u sheegtay in cunuggeeda uusan waxba cunin wax ka badan labo maalmood uuna la oynayo gaajo.

Sarkaaladdan booliiska oo lagu magacaabo Elizabeth Dionisio Ambrosio ayaa tiri, "aniga xitaa waan nuujiyaa ilmahayga. Waxaan u sheegay haddii ay dooneyso, waan nuujin karaa cunuggeeda."

Sawirkan ayaa jaceyl iyo riyaaq ka kasbaday dadka magaalada Acapulco oo ay saameysay duufaanta Otis waxayna sababtay khasaare badan oo dhaqaale iyo mid nafeed.

Ka dib markii ay hooyada oggolaansho ka heshay, ayay sarkaaladdan hoos u dhigtay jaakaddeeda waxayna quudisay ilmihii gaajada la oynayay, ilmaha ayaana durba joojiyay oohinta.

"Wuxuu ahaa dareen aad u macaan. Wuxuu ahaa ilmo yar. Way dhibeysaa hooyo inay aragto ilmo xaaladdaas adag ku sugan," ayay tiri Mrs. Dionisio.

Sawir ay qaadday hay’adda ammaanka Mexico markii ay sarkaaladdu nuujineysay ilmaha ayaa internet-ka lasoo dhigay, waxaana aad ugu riyaaqay dadka baraha bulshada.

Waxyeello iyo burbur

Acapulco waa magaalo-dekadeed ku taalla Mexico, deegaannada ku hareereysan iyo iyada xitaa, waxaa si xun ugu dhufatay duufaan.

Sida laga soo xigtay xogta soo baxday October 31, ilaa 45 qof ayaa ku dhintay duufaanta halka 47 kalena weli la la’yahay.

Dadka dhintay waxaa ka mid ah saddex ajaanib ah, mid Ameerikaan ah, mid UK u dhashay iyo mid Canada kasoo jeeda.

Taariikhdu markii ay ahayd 25-kii Oktoobar, duufaantan ayaa gaartay heerkeedii 5-aad waxayna socotay muddo 12 saacadood ah, waxayna ahayd tii ugu xoogga badneyd ee ku dhufata Badweynta Baasiifigga.

Baadi-goobka dhibbanayaasha iyo qiimeynta waxyeellada ay sababtay duufaanta ayaa weli socda.

Xatooyo iyo koronto la’aan iyo biyo la’aan

Meelaha qaar, dadka ayaa guryahooda ku gooyay laamaha geedaha iyagoo ka cabsi qaba in la dhaco, si aysan tuugado uga soo gudbin.

Kad ib duufaanta, waxaa jirtay rabshado ka dhacay Acapulco iyo deegaannada ku hareereysan kaddib marka goobo ganacsi la dhacay.

Dowladda ayaa ku qasbanaatay inay shaqaaleysiiso 1500 oo askari ah si loo sugo ammaanka gobolka loogana hortago qalalaasaha iyo dhaca.

Meelaha qaar waxaa ka jirta biyo, cunno iyo koronto la’aan, duufaanta awgeedna xaaladda ayaa kusii xumaatay dadka.

Balse isla mar ahaantaana, Wasiirka Gaashaandhigga Mexico ayaa sheegay in xoogagga qaranka ay ka shaqeynayaan ammaanka Acapulco.

Hay’adaha kale iyo saraakiisha ayaa ku mashquulsan nadiifinta waddooyinka iyo burburka ay sababtay duufaanta, meelaha kalena waxay isku dayayaan inay geeyaan cunno iyo biyo iyo si loo xalliyo dhibaatada korontada.