Dr Zakir Naik, daaciga lagu casuumay Qadar ee Muranka badan dhaliyay

Koobka Adduunka ee FIFA ayaa bilaabmay. Mid ka mid ah dhacdooyinka ugu waaweyn adduunka. Uma uusan bilaaban kaliya ciyaartoyda, taageerayaasha kubadda cagta, laakiin sidoo kale wuxuu u bilowday shirkado badan, ganacsato waaweyn, iyo siyaasiyiin.

Gaar ahaan Koobka Adduunka ee Qatar wuxuu noqday xarunta siyaasadda. Laga soo bilaabo muranka laaluushka ee martigelinta ilaa mamnuucida khamriga.

Sidan oo kale, waxaa Qatar ku soo fool leh khilaaf cusub oo la xiriirta Dr. Zakir Naik.

Waxaa la hadal hayaa in daaciga Muslimka ah ee Zakir Naik ay ku casuuntay dowladda Qatar si uu u faafiyo caqiidada Islaamka inta lagu guda jiro Koobka Adduunka ee FIFA . Markii la yiri Qadar buu aadayaa, hadal hayn ayuu meelo badan ka dhaliyay.

Dalka Qadar ayaa soo dhawayay, halka qaar kalena ay aad uga caroodeen. Baraha bulshada ayaa casumaaddiisa waxay ka dhalisay dood badan.

Daacigan ayaa laga mamnuucay dalka Bangladesh, halka Hindiyana ay horay ugu dartay liiska dadka ay baadigoobeysa.

Hindiya

Dawladda Hindiya ayaa baadigoobaysa daaci Naik tan iyo 2016kii, isaga oo loo haysto eedaymo la xiriira khudbado nacayb ah iyo lacago si sharci darro ah la isu dabomariyay. Isaga oo maqan ayaa lagu soo oogay dacwado la xiriira lacago si sharci darro ah la isu dabomariyay.

Ka hor inta aan daaci Naik laga mamnuucin in uu khudbado ka jeediyo dalka Malaysia oo dhan, toddobo gobol oo dalka ka mid aha ayaa xayiraad sii saaray.

Daacigan ayaa Malaysia ku noolaa saddexdii sano ee la soo dhaafay. Hindiya ayaa dhawr jeer dalbatay in loo soo gacangaliyo, balse Malaysia ayaa difaacday degenaanshaha uu dalkooda ka haysto, waxayna sheegtay in uusan maxkamadayn caddaalad ah ka helayn Hindiya.

Erayada afkiisa laga hayo

Siddeeddii bishii Agoosto ayuu Zakir Naik khudbad ka jeediyay gobolka Kelantan ee dalka Malaysia, arrintaas ayaana dareen qawmiyadeed ka dhalisay dalkaas.

Naik ayaa yiri Dadka reer Malaysia ee aaminsan diinta Hindu-ga waxay ra'iisulwasaaraha dalkooda Mahathir Moxamad uga daacadnimo badan yihiin ra'iisulwasaaraha Hindiya Narendra Modi. Qiyaas ahaan dadka reer Malaysia ee aaminsan diinta Hindu-ga ayaa bulshada ka ah 6%.

Bulshada asal ahaan Shiinaha ka soo jeedda ee dalka Malayshia u dhalatay ayaa iyagana 20% ah wuxuuna ku tilmaamay in ay "marti" ku yihiin dalka.

 Ka dib markii xayiraadda lagu soo rogay, Naik ayaa soo saaray war qoraal ah oo uu raaligalin uga bixinayo hadalkiisii hore wuxuuna sheegay in si kale loo macneeyay.

"Sida aad la socotaan maalmihii u dambeeyay waxaa la igu eedeeay in aan cunsurinimo ka abuuray dalka, dadka i dhaliishanna waxay isticmaalayeen erayo si gaar ah loo soo xushay oo macnihii ay xambaarsanaayeen laga weeciyay, isla markaasna waxyaabo aan jirin lagu sii daray. Maanta ayaan booliiska u caddeeyay meesha aan arrintaas ka taaganahay,"

"Waxaa i murugo galiyay in arrintan oo dhan ay sababtay in dadka aan Muslimiinta ahayn ay u qaataan in aan cunsuri ahay … cunsurimimadu waa camal shaydaan, aad ayaana uga soo horjeedaa sida Quraankaba ku qoran, waxayna arrintaasi liddi ku tahay wax kaste oon u taaganahay ka daaci Muslim ah ahaan," ayuu intaas ku sii daray.

 Haddaba Waa kuma Zakir Naik?

Qaabka adadag ee Zakir uu u adeegsado diinta ayuu wakhti dheer muran ka taagnaa.

Dad badaan oo al-Qaacida taacabsan oo la xiray ayaa saraakiisha u sheegay in uu saamayn badan ku lahaa.

In uu dalka Britain galo ayaa laga mamnuucay sannadkii 2010, waxayna ku sababeeyeen "dabcigiisa aan la aqbali karin" iyo khudbadahiisa, sida ay wakhtigaas sheegtay wasiiraddii arrimaha gudaha oo markii dambena noqotay Ra'iisulwasaare, Theresa May.

Si kastaba ha ahaatee waxay indhaha caalamku qabteen bishii Luulyo ee sannadkii 2016 ka dib weerarkii darnaa ee lagu qaaday makhaayadda Holey Artisan ee magaalada Dhaka.

Warbaahinta Bangladesh ayaa sheegtay in mid ka mid ah ragga weerarkaas gaystay uu ka shidaal qaatay khudbadihiisii. Qaybihii dambe ee isla bishaasna Bangladesh waxay mamnuucday Peace TV.

Bishii Nofeembar ee sannadkii 2016 hay'adda argagixiso la dagaalanka ayaa cabasho rasmi ah ka gudbisay Zakir, iyada oo ku eedaysay in uu faafinayo nacayb diimeed iyo hawlo aan sharciga waafaqsanayn.

Zakir ayaa Malaysia u wareegay 2017.