Maxay tahay sababta ay Xuutiyiintu u weerarayaan maraakiibta maraya Badda Cas?

Kooxda mucaaradka Xuutiyiinta, oo gacanta ku haya qeybo badan oo Yemen ah, ayaa ka digay inay beegsan doonaan dhammaanba maraakiibta maraya Badda Cas ee Israa'iil ku wajahan.

Bishii November, xoogagga Xuutiyiinta ayaa afduubtay markab lala xiriirinayo Israa'iil oo marayay Badda Cas. Labadii bilood ee lasoo dhaafay, waxay sidoo kale gantaallo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku weerareen dhowr maraakiib ganacsi.

Sidee ayay Xuutiyiintu u weerareen bartilmaameedyada Israa'iil?

Kaddib billowgii howlgalka aargoosashada ee Israa'iil ee Gaza 19-kii October, mucaaradka Xuutiyiinta ayaa dhowr gantaal iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku ganay Israa'iil.

Mareykanka ayaa sheegay in maraakiibtiisa dagaalka ee Badda Cas ah qaar ka mid ah hakiyeen, halka kuwo kalena ay gaca dhigteen Badda Cas amaba geyiga Masar.

Bishii November 2023, mucaaradka Xuutiyiinta ayaa la wareegay waxa ay ku sheegeen inuu ahaa markab xamuul oo Israa'iil ay leedahay oo marayay Badda Cas, iyagoo geeyay meel ka tirsan xeebta Yemen.

Israa'iil ayaa sheegtay in markabka aysan iyadu lahayn, isla markaana aysan shaqaalihiisa ku jirin Israa'iiliyiin, balse warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in laga yaabo in markabka uu leeyahay qof Israa'iil u dhashay.

Tan iyo 3 December, Xuutiyiinta ayaa dhowr markab ganacsi oo Badda Cas marayay ku weeraray diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaallo laga soo ganay xeebaha Yemen.

Maraakiibta Mareykanka, UK iyo Faransiiska ayaa dhexda u galay dhowr ka mid ah gantaalladan, balse dhowr markab ayaa lala helay gantaal.

Shirkadda Mediterranean Shipping, oo ah shirkadda ugu weyn adduunka ayaa sheegtay in maraakiibteeda ay ka weecineyso Badda Cas. Waxaa sidoo kale ku raacay shirkadda Faransiiska ee CMA CGM, tan Denmark laga leeyahay Maersk, tan Jarmalka ee Hapag-Lloyd iyo shirkadda shidaalka ee BP.

Milatariga Mareykanka ee Centcom, oo maamusha howlgallada milatariga Mareykanka ee Bariga Dhexe, ayaa tiri: "weerarradan, iyadoo ay geysteen Xuutiyiinta Yemen, waxaa si buuxda u taageeraysay Iiraan."

Mareykanka ayaa soo jeediyay ciidan maraakiibta badda ee ganacsiga ka difaaca weerarrada Xuutiyiinta.

Maxay tahay ujeeddada Xuutiyiinta?

Xuutiyiintu waa koox hubeysan oo Yemen ku sugan waxayna kasoo jeedaan Muslimiinta Shiicada laga tirada badan yahay ee Zaidis.

Kooxda waxaa sanadkii 1990-meeyadii loo aasaasay inay la dagaallamaan waxa loo arkay musuqmaasuq uu waday madaxweynihii xilligaas, Cali Cabdalla Saalax.

Waxay magacooda ka qaateen hoggaamiyihii kooxda aasaasay, Xuseen al-Xuuti. Waxay sidoo kale isugu yeeraan Ansar Allah.

Kaddib duullaankii Mareykanku horkacayay ee Ciraaq sanadkii 2003, Xuutiyiinta ayaa la yimid halqabsiga: "Allaa weyn. Geeri ha hesho Mareykanka. Geeri ha hesho Israa'iil. Habaar ha helo Yahuudda, guulna h usoo hoyato Islaamka."

Waxay ku dhawaaqeen inay qeyb ka yihiin "seefta iska caabbinta" ee Iiraan ay horkaceysay kana dhanka ahaa Israa'iil, Mareykanka iyo reer-Galbeedka oo dhan - iyagoo kaashanaya Xamaas iyo Xisbullah.

Tan ayaa sharraxaad ka bixineysa sababta ay haatan Xuutiyiintu u beegsanayaan maraakiibta Israa'iil laga leeyahay ee maraya Gacanka, ayuu yiri Hisham Al-Omeisy, oo ah khabiir ku sugan Yemen kana tirsan Machadka Nabadda ee Yurub.

"Haatan waxay dhabtii la dagaallamayaan kuwa sii ballaarinaya awooddooda, waxay la dagaallamayaan cadowga qaranka Islaamka," ayuu yiri. "Taas ayaa aad xiriir ula leh saldhiggooda."

Sidee ayay gacanta ugu dhigeen qeybo badan oo ka tirsan Yemen?

Xuutiyiinta ayaa awood sare oo siyaasadeed ku hantay Yemen horraantii 2014, markii ay ku kaceen ninkii ka guuleystay Cali Cabdalla Saalax, ee Abdrabbuh Mansour Hadi.

Markii ay heshiis la galeen Saalax - cadowgoodii hore - waxay isku dayeen inay xukunka ku soo celiyaan.

Waxay la wareegeen gobolka Sacda oo ku yaalla waqooyiga Yemen horraantii 2015-kiina waxay qabsadeen caasimadda Sanca, iyagoo Madaxweyne Hadi ku qasbay inuu dibadda u qaxo.

Deriska Yemen, Sacuudi Carabiya, ayaa militari ahaan u soo faragelisay si ay isugu daydo inay meesha ka saarto Xuutiyiinta ayna xukunka kusoo celiso Hadi. Waxaa taageerayay Imaaraatka Carabta iyo Baxreyn.

Xuutiyiinta ayaa sii waday dagaalka iyagoo sii qabsanayay qeybo badan oo Yemen ah.

Waxay dileen Cali Cabdalla Saalax sanadkii 2017 markii uu isku dayay inuu la safto Sacuudiga.

Yaa taageera Xuutiyiinta?

Mucaaradka Xuutiyiinta ayaa xiriir la leh kooxda hubeysan ee Shiicada ah Xisbullah oo fadhigoodu yahay Lubnaan.

Xisbullah ayaa siinayay khibrad ballaaran oo militari iyo tababar tan iyo sanadkii 2014, sida laga soo xigtay machadka baaritaanka Mareykanka, the Combating Terrorism Center.

Xuutiyiinta ayaa sidoo kale Iiraan u arka xulafo, sababtoo ah Sacuudiga waa cadowgooda ay wadaagaan.

Iiraan ayaa looga shakisan yahay inay hub siiso mucaaradka Xuutiyiinta.