You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Sida 'Ciyaal weero' ula wareegtay dalkan oo dhan iyaga oo dibad-joog ka dhigay Raysal wasaaraha
Kumanaan maxaabiis ah ayaa xabsiga laga sii daayay kadib markii koox budhcad ah ay weerareen gudahana u galeen xabsiyadii ay ku jiraan.
Waxan oo dhan waxay ka dhacayan dalkan aan lahayn hal qof oo xilka dowladeed ee uu hayo ay dadku u doorteen, iyadoo hoggaamiyaha burcad u dhiganta waxa ay Soomaalidu u taqaan 'Ciyaal Faa Cali' uu si joogto ah ugu hanjabayo Raysal wasaaraha dalka.
Muuqaalada ka imanaya Haiti waa kuwo si walba looga naxo, xitaa dadkii la socday kooxaha budhcaddan, la midka ah 'Ciyaal weero' lamajoojiyaanka ah ee wadanka ayay fajac ku tahay.
Haddaba, sidee ayay kusoo baxday kooxdan, sida deg deg ah ula wareegtay caasimadda Haiti oo dhan, iyo xitaa dhulka miyiga ah ee ku yaal dalkan dhaca
Kooxaha hubaysan ayaa taariikh madow oo dhiig leh ku leh dalka Haiti
Taariikhda madow ee dhiiga leh ee kooxaha hubeysan ee dalkan Haiti waa mid muddo soo tixneyd.
Mudadii 29 sano ahayd ee kaligii talis Francois Duvalier, oo loo garan ogyahay Papa Doc, iyo wiilkiisa Jean Claude Duvalier oo haysta ciidan xoogleh ayaa isticmaalay rabshado xoog leh oo lagu tirtiro mucaaradka nidaamka keligii talis Duvalier.
Wiilkiisa ayaana lagu qasbay in la masaafuriyo 1986-dii laakiin budhcadda waxay sii wadeen in ay yeeshaan heerar kala duwan oo awood ah mararka qaarkoodna ay gabaad iyo dhiirigelinba ka helaan siyaasiyiinta ay la xidhaan.
Rabshadahii ugu xooganaa ee dhacay ayaana dhashay 2021-dii kuwaas oo ay shidaaliyeen dlkii Madaxweyne Jovenel Moise ee 7 Luulyo 2021-da.
Madaxweynaha waxaa toogasho ku dilay koox calooshood u shaqaystayaal ah oo u dhalatay dalka Colombia isaga oo gurigiisa ku sugan, kadib markuu canbaareeyay waxu ugu yeedhay “Ciidamada madoow” ee ku sugan Haiti.
Waloow dilkiisa loo xidhay dad u dhashay Colombia iyo tiro kale oo tuhmaneyaal ah ayaa haddana baaritaanada la sameeyay aan lagu cadayn cida bixisay amarka dilka madaxweynaha.
Rabshadaha budhcadda ayaa ahaa kuwo baahsan intii uu xukunka hayay Madaxweyne Moise, laakiin awood la’aanta ka dhalatay dilkiisa ayaa u ogolaatay kooxahaan in ay qabsadaan dhul badan noqdaana kuwo saamayn weynleh, jagada madaxweynaha oo keliyana ma’aha midda bannaan.
Doorashooyinka dalka oo aan qabsoomin
Dib-u-dhacyada soo noqnoqday ee ku aadan qabsoomidda doorashooyinka golaha sharci dejinta ayaa meesha ka saartay in ay si’uun wax u dhismaan iyada oo dalka ka dhigtay mid bilaa nidaam ah.
Tan iyo markii la dilay madaxweynahii dalka waxa maamulka wadanka ku hayay Ariel Henry oo uu madaxweynuhu ra’iisul wasaarenimo u magacaabay intaan la dilin. Madaama uusan ahay mid la doortayna su’aalo ayaa laga keenay sharcinimadiisa.
Mucaaradka kasoo horjeeda Henry ayaana xoogeysanaya kadib markii doorashooyinkii uu ballanqaaday ay noqon waayeen kuwo midho-dhala.
Xaalad amaanxumo ah ayaana ku baahday dalka taas oo boqolaal kun oo qof oo Haiti u dhashay ku qasabtay in ay ka barakacaan guryahooda.
Midka ugu codkarsan dadka kasoo horjeeda Henry, waa Jimmy Cherizier oo ah sargaal hore oo booliis ah oo noqday hoggaamiye budhcad kadib markii laga saaray ciidamada booliiska.
Sargaalkan ayaa hadda hoggaamiye koox budhcad isu tagtay ah oo la dhaho G9 oo ka kooban sagaal kooxood oo budhacad oo midaysan lana dhisay 2020.
Kuwaas oo la xidhiidhiyo in ay xulufo la yahiin xisbiyo mucaarad ku ahaa madaxweynahii la dilay.
Dilalka iyo dagaalada kooxahaan ka dhexeeya ayaa caan ka ah dalka Haiti kuwaas oo ku faafay deegaanada dadka fuqarada ahi degganyahiin illaa badhaha caasimadda Port-au-Prince.
Goobaha caafimaadka iyo waxbarashada ayaana la xidhay in ka badan 100,000 qofna guryahoodii ayay ka intii lagu jiray 2023-da sida ay sheegtay Hay’adda Socdaalka Adduunka ee IOM.
Gudiga Caalamiga ah ee Laanqayrta Cas ayaa BBC-da u sheegay in ay shaqaalahoodu la hadlaan budhcadda si’ay gargaar bini’aadantinimo u gaadhsiiyaan dadka.
Ciidanka Boolisk Haiti, kaas oo 2023 lagu qiyasay 9,000 oo askeri oo qura islamarkaana u xilsaaran 11 milyan oo dadweyne, ayaa u babacdhigi waayey kooxburcad ah oo si weyn ugu qalabeysan hub laga soo dusiyey Mareykanka.
Waxaana la sqiyaasayaa in hadda burcaddu ka taliyaan 80% caasimadda, halkaas oo sida ay sheegtay Ulrika Richardson oo ah iskuduwaha hawlaha bini’aadamnimada Qaramada Midoobey ay ddweynaha halkaas ku nool dhibaato weyn ku qabaan.
Miss Richardson ayaa intaas ku dartay in xadgudubyada kufsigu ay sare u kaceen 50% intii u dhexeysey 2022 iyo 2023, iyada oo dadka burcaddu sida gaar ah u beegsadeen ay ahaayeen haween iyo gabdho yar yar.
Mudane Henry ayaa si isdabajoog ah wuxuu ugu baaqayey taageero caalami ah oo lagu xakameynayo tacadiyada socda. Laakiin illaa hadda dalalka Bahamas, Bangladesh, Barbados iyo Chad ayaa si rasmi ah QM ugu sheegay in ay iyaariyeen qorshe ay halkaas ciidamo amniga suga ugu dirayaan. Laakiin illaa hadda cid timid ma jirto.
Intii ay socdeen shaqaaqooyinkii ugu dambeeyey, Mr Henry wuxuu booqasho ku tagey Kenya si uu ugu ololeeyo in dalkaas ka dhabeeyo ballanqaadkii 1,000 askeri oo booliis ah oo uu horay ugu dhawaaqay si loogu diro Haiti.
In kasta o dadka ay aad ugu baahan yihiin amni dheeri ah, haddana waxaaa jira dad badan walaac ka qaba ilaalo shisheeye oo dalkooda la geeyo.
Haiti oo xornimadeeda ka qaadatay dalka Faransiiska ka dib gadood guuleystey oo ay sameeyeen dadkii adoonta ahaa 1791, waxaa 1915 qabsaday Mareykanka oo haystey illaa 1934.
Mareykanku wuxuu mar kale faragelin militari dalkaas ku sameeyey 1994 iyo 2004, taasina waxay dad badan ku reebtay sas ay ka qaadeen faragelin shisheeye.