Sidee ayaad uga badbaadi kartaa kulaylka ba'an iyadoo hadda dalal ay Soomaaliya ka mid tahay uu ka jiro kuleylkaas?

Kuleyl aad u daran ayaa ku dhuftay meelo kala duwan

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Meelaha qaar oo aan looga baran kuleyl badan ayaaa waxaa hadda laga soo sheegayaa kuleyl aad u daran.

Dhulka ay degto Soomaalida ayaa waxaa muddooyiinkii u dambeeyya ka jiray kuleyl aan wali horey loo arag.

Meelaha qaar oo aan looga baran kuleyl badan ayaaa waxaa hadda laga soo sheegayaa kuleyl aad u daran.

Toddobaadyadii dambe waxaa magaalada Hargeysa ee Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madax bannaanida ee Somaliland ka jiray kuleyl aad u daran oo bulshada magaalada ay sheegeen in aysan nuuciisa horay u arag.

Kuleylka ayaana noqday mid saameyn ku yeeshay qeybaha kala duwan ee dadweynaha, si gaar ah waxa uu u saameeyay ganacsatada yaryar ee suuqleyda ah kuwaas oo aanan heysay meel ay kaga hargalaan kuleylka oo aad u daran.

Saynisyahannada adduunka ayaa sheegay in heerkulka adduunka uu sii kululaanayo, gaar ahaanna dalalka Afrika oo abaaro iyo roob yari laga soo sheegayo. Arrintan ayay sheegeen inay sabab u tahay isbeddelka cimilada.

Kuleylku wuxuu saameyn karaa qof walba, laakiin dadka qaar ayaa aad u nugul. Waayeelka iyo dhallaanku waxay la kulmaan khatarta iyo waxyeelada ugu weyn.

Marka heerkulka jirku kor u kaco, xididdada dhiigga ayaa balaarta. Tani waxay sababtaa hoos u dhaca cadaadiska dhiigga, waxayna ka dhigtaa wadnuhu inuu si degdeg ah u shaqeeyo si uu dhiigga ugu shubo qaybaha kala duwan ee jirka.

Xaaladdan waxay keeni kartaa finan iyo cuncun ama cagaha oo barara. Sidoo kale, marka dhididku ka soo baxo, wuxuu keenaa inay qofka ay ka baxaan biyo badan iyo milixda.

Taas, marka lagu daro cadaadiska dhiigga oo hooseeya, waxay keeni kartaa daal iyo oonka kulayl.

Calaamadaha lagu arki karo qofka waxaa ka mid ah, dawakhaad, lallabbo, miyir daboomid, murqo xanuun, madax xanuun, dhidid badan iyo daal.

Haddii cadaadiska dhiiggu aad hoos ugu dhaco, waxaa jira halis ah in wadnuhu ku xanuuno.

Heer-kulka Jirka

Jirkeenu waxa uu ilaaliyaa heerkulka jirka oo dhan 98°F (37°C), xataa marka uu jirto duufaan baraf ah ama kulayl aad u daran.

Waa heerkulka ka hor inta aanu jirkeenu shaqayn. Laakiin marka cimiladu sii kululaato, jirku aad buu u shaqeeyaa si uu isu qaboojiyo.

Waxay furmaya xididdada dhiigga badan ee maqaarka ku wareegsan si ay u qaboojiso kulaylka oo ay u bilaabaan dhidid. Marka dhididku soo baxo, heerkulku si degdeg ah ayuu hoos ugu dhacaa.

Cab biyo badan

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Marka heerkulku uu aad u sareeyo , waxaa lagugula talinayaa inaad raacdo waxyaabahan:
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Talooyiinka ay tahay in aad qaadato

Marka heerkulku uu aad u sareeyo , waxaa lagugula talinayaa inaad raacdo waxyaabahan:

Xiro dhar fudud oo khafiif ah islamarka uu jirkaagu qaadan karo neecow qabow.

Joog meel hawo qaboojiye intii suurtogal ah. Haddii gurigaagu aanu lahayn qaboojiye, tag suuqa ama maktabadda dadweynaha.

Iska yaree u bixidda dibadda inta lagu jiro xilliga kulaylaha ee ay qiraxdu aad u kulushahay.

Cab biyo badan oo kugu filan islsmarkana iska ilaali waxyaabaha daroogada ah sida khamriga iyo waxa la mid ah.

isku day' inaad marka walbo joogto goob har leh , isticmaal waxyaabo qoraxda kaa ilaaliya sida daladaha iyo koofiyadaha.

Daryeel dadka jilicsan, sida waayeelka, bukaanka iyo kuwa keligood ku nool meelo gaar ah.

Qofna ha uga tageen meel xiran ama qafilan gaar ahaan carruurta yaryar, iyo xoolaha.

Khubaradu waxay kugula talinayaan inaad sigsaanta geliso talaajadda ka hor intaadan xirin islamarkana seexo wakhtiga hurdadaada caadiga ah si aad u hesho hurdo kugu filan.

Qofka dareema daal iyo tabardarada uu kuleylka keenay, waa in uu korkiisa ku rusheeyaa biyo islamarkana uu biyo badan cabbo.

Laakin haddii uu 30 daqiiqo gudaheed ku soo roonaan waayo. Waxaad u baahan tahay inaad wacdo lambarka gurmadka degdegga ah ee waddankaaga si aad u hesho caawin ama aad u aado cusbitaalka.

Dadka u nugul

Dadka da'da ah iyo dadka qaba cudurrada daba-dheeraada sida cudurrada wadnaha ayaanan awood u lehayn inay la qabsadaan kulaylka ba'an.

Dadka qaba xanuunka Macaanka waxa uu jirka ku keenaa in uu si dhakhso ah u lumiyo biyaha, kulaylka xad dhaafka ahi waxa uu bedeli karaa xaaladda xididdada dhiigga iyo awoodda dhididka.

Carruurtu waxay sidoo kale halis geli karaan oo carruurta qabta cudurrada maskaxda iyo kuwa kale ee xanuunsan.

Dadka darbi-jiifka ah sidoo kale waxay la kulmaan khataro, Kuwa ku nool qolalka dabaqa sare waxay la kulmaan kulayl aad u daran.

Daawooyinka qaarkood waxay kordhiyaan heerkulka jirka, Laakiin dadku waa inay sii wadaan qaadashada daawadooda sidii caadiga ahayd waana inay sameeyaan dadaal dheeri ah .

Kuleylku ma keeni karaa dhimasho?

Haweeney sitay dallad ay isku ilaalineyso kulaylka magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Dhawaan waxaa dalka Hindiya kuleyl dartii ugu geeriyooday dad kor u dhaafaya 50 qof.

Dhawaan waxaa dalka Hindiya kuleyl dartii ugu geeriyooday dad kor u dhaafaya 50 qof.

In ka badan 700 oo qof ayaa u dhinta kulaylka dalka Mareykanka sanad walba , sida laga soo xigtay Xarunta Xakamaynta Cudurrada ee Mareykanka.

Dhimashada ugu badan waxay ka dhalataa in oqfka uu faalug ku dhufto ama istaroog. Dhimashada ugu badan waxay bilaabataa isla marka heerkulku ka sarreeyo 77-79°F (25-26°C).

Caddaynta ayaa muujineysa in dhimashada ugu badan ay dhacdo 24-ka saac ee ugu horreeya ee bilowga kulaylka.