Murashaxiinta madaxweynaha Kenya oo mid uu guul-darro qirtay midna sheegay inuu guulaysanayo

Xigashada Sawirka, Getty Images
Isla markii lasoo gabogabeeyay codaynta doorashada madaxtinnimada Kenya maalintii Talaadada ee isbuucii lasoo dhaafay, waxaa muuqatay in tartanku uu yahay mid u dhaxeeya labo faras.
Afar murashax ayaa loogu codeynayay kursiga madaxweynaha, kuwaasoo kala ah William Ruto, Raila Odinga, George Wajackoyah iyo David Waihiga Mwaure.
Ruto oo ah madaxweyne ku-xigeenka uu waqtigiisu dhammaanayo iyo Odinga oo ah hoggaamiyaha mucaaradka ayaa durba la arkayay in uu loollan adag u dhaxeeyay.
Labada murashax ee kale ayaa u muuqday in codadka ay heleen ay aad u hooseeyeen.
Maalintii Axadda ayuu David Waihiga Mwaure oo ka mid ah ragga u hanqal taagayay xilka madaxweynaha ku dhawaaqay in uu qirtay guul-darro.
Mwaure oo ah murashaxa ugu codadka yar afarta siyaasi ayaa shir jaraa'id oo uu u qabtay warbaahinta ku sheegay in looga adkaaday doorashada.
Warbaahinta Kenya oo ay ka mid yihiin Daily Nation, The Standard iyo telefishinnada maxalliga ah ayaa shaaciyay warkiisa.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Waxa uu sheegay in uu taageersan yahay Dr William Ruto, oo uu sheegay in waxyaabaha uu ballan-qaaday ay la mid yihiin kuwii uu isagu qorsheynayay.
Hadalladiisa ayaa u muuqday kuwo uu taageero buuxda ugu muujinayay Ruto oo ah ninka loollanka adag kala kulmayay Raysul Wasaarihii hore, Raila Odinga.
Laakiin, murashaxa kaalinta saddexaad ka muuqday ee ay isku dhawaayeen Mwaure ayaa dhankiisa sheegay in uusan wali quusan, sida ay tebisay warbaahinta maxalliga ah.
'Isdejiya, waan guulaysanayaa'
Bayaan uu soo saaray xog-hayaha guud ee xisbiga Roots oo uu ka socdo Prof George Wajackoyah ayaa lagu sheegay in wali rajadoodu ay tahay sidii hore.

Xigashada Sawirka, Getty Images
“Murashaxeenna madaxweyne, Prof George Wajackoyah waxa uu jeclaan lahaa in shacabka Kenya ay nabadda ilaaliyaan, ayna siiyaan guddiga IEBC dulqaadka ay mudan yihiin inta ay codadka tirinayaan. Waxaan ku kalsoonnahay in aan ku guulaysan doonno hannaan caddaalad ah oo xor ah. Murashaxeennu waxa uu qaranka la hadli doonaa marka lagu dhawaaqo natiijada rasmiga ah ee IEBC," ayaa lagu yiri bayaanka uu Wajackoyah soo mariyay xoghayaha xisbigiisa.
Siyaasigan ayaa intii uu ololaha doorashada socday lagu yaqaannay in hadalladiisa ay abuurayeen hadal-heynta shacabka.
Saacadaha soo socda ayaa la filayaa in guddiga doorashada uu ku dhawaaqo natiijada doorashada oo la sugayay lixdii maalin ee la soo dhaafay.










