Hoggaamiyeyaashii caalamka ee waqtiga ugu gaaban xukunka hayay

Liz Truss

Xigashada Sawirka, Getty Images

Bixitaanka Liz Truss wuxuu ka dhiganyahay in UK ay muddo lix sano iyo bilo ah yeelatay ugu yaraan shan raysal wasaare. Marka ma hubaal baa in tani ay tahay taariikh cusub oo dunida laga dhigay? Maya run ahaantii, ma aha wax cusub.

Muwaadiniinta Argentina waxay markiiba kuu sheegayaan in dalkoodu uu mudoo laba toddobaad gudahood ah yeeshay shan madaxweyne.

Xaqiiqdii taariikhda bannaynta xafiiska ingiriiska looga arrimiyo ee (Downing street) ee Truss ay joogtay 45 cisho oo kali ah taasoo taariikh cusub ku ah Xafiiska raysal wasaaraha ee UK waxay muddo aad u dheer u noqonaysaa marka la barbar dhigo madaxdan caalamka ee hoos ku xusan mudada ay xilalka hayeen.

Hal habeen, hogaamiyihii naasiga Jarmalka

Joseph Goebbels

Xigashada Sawirka, Getty Images

Joseph Goebbels waxaa si gaar ah loogu xasuustaa inuu ahaa wasiirkii barabagaandhada ee jarmalka xiligii xukunka naasiga (1933-1945). Balse dad yar ayaa ku baraarugsan inuu qabtay xilka ugu sareeya dalkaas ee raysal wasaaranimada hal habeen oo kali ah.

Tani waxay dhacday 30-kii April 1945, kadib markii hogaamiyihii xilligaas ee Jarmalka Adolph Hitler uu is dilay maalmihii ugu dambeeyay ee dagaalkii 2-aad ee yurub.

Maadaama uu u haa ku xigeenkiisa, Goebbels wuxuu noqday raysal wasaare balse asaga iyo xaaskiisa ayaa isdilay kadib markii ay sidoo kale sumeeyeen lix caruur ah oo ay dhaleen.

Hal bil, Aqalka Cad

William Henry Harrison

Xigashada Sawirka, Getty Images

William Henry Harrison oo noolaa intii u dhaxaysay (1773-1841) ayaa taariikhda maraykanka ku astaysan inuu yahay madaxweynihii ugu horeeyay ee dhinta asagoo haya xilka madaxtinimada ee maraykanka balse sidoo kale madaxweyniihii mudada ugu yar hayey xilka madaxtinimada dalkaas.

Ninkan oo ahaa askari hore ayaa xafiiska joogay 32 maalmood oo kali ah ka hor inta aanu lasoo dhicin xanuunka burkiitada kaasoo uu u geeriyooday asagoo 68 jir ah.

Mudaharaadkii (Casa Rosada)

Barazil oo mar yeelatay 5 madaxwayne muddo 2 bilood ah

Xigashada Sawirka, Getty Images

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Argentina waxa ay gashay qalalaase siyaasadeed bishii December 2001, ka dib dhibaato dhaqaale oo al soo daristay taasoo keentay mudaaharaadyo waaweyn oo dalka oo dhan ah oo ay ku dhinteen 25 qof.

Qalalaasaha siyaasadeed ayaa ku qasbay madaxweyne Fernando de La Rua inuu is casilo 20-kii Disembar.

Waxa xigay kacdoon siyaasadeed, halkaas oo hoggaamiyaha aqlabiyadda Senate-ka, Ramon Puerta, uu beddelay De La Rua oo ah Madaxweyne maadaama Madaxweyne-ku-xigeenka uu sidoo kale iscasilay. Laba maalmood ka dib, Puerta ayaa iscasilay ka dib markii goluhu u doortay Adolfo Rodriguez Saa inuu noqdo madaxweyne.

Si kastaba ha ahaatee, Saa ayaa sidoo kale iska casilay xilkiisa todobaad ka dib markii qorshihiisii dib u soo nooleynta dhaqaalaha uu fashil ku soo dhamaaday. Sida sharcigu qabo, Puerta waa in uu ku soo noqdaa awoodda, laakiin wuu la dagaallamay, isaga oo iska casilaya madaxnimadii Senetka., sidaana xilka madaxwayanah ku waayay.

Intaa ka dib, waxaa madaxweyne noqday Eduardo Camano oo ah ku xigeenka afhayeenka baarlamaanka.

Balse, saddex maalmood ka dib markii uu xukunka la wareegay, wuu iscasilay si uu xukunka ugu wareejiyo madaxweyne cusub oo la doortay, Eduardo Duhalde, oo xukunka hayay ilaa doorashadii 2003.

Ra'iisul Wasaaraha Hindiya ee xilka hayay muddo laba toddobaad ah

Atal Behari Vajpayee

Xigashada Sawirka, Getty Images

Ra'iisul wasaarihii hore ee Hindiya, Atal Behari Vajpayee, ayaa ah shaqsiga heysta rikoorka madaxweyne oo labo toddobaad oo kaliya xukunka hayay 1996, ka dib markii uu ku guuldareystay inuu helo aqlabiyadda codadka baarlamaanka.

Waxa uu xukunka ku soo noqday 1998-dii, balse, 13 bilood ka dib waxaa sameymay ishaysi sababay in baarlamaanka la kala diro.

Si kastaba ha ahaatee, xisbigiisa BJP ayaa mar kale ku guuleystay doorashada, halkaas oo uu ku soo laabtay xukunka markii saddexaad ee 1999 ilaa 2004.

Madaxwaynihii Sierra Leone

Siaka Stevens

Xigashada Sawirka, Getty Images

Siaka Stevens ayaa waxaa uu isku darsaday labo qiso oo ah in uu ahaa madaxwaynihii ugu waqtiga gaabnaa ee kii ugu waqtiga dheeraa ee soo mara dalka Sierra Leone.

Waxa la doortay 1967-kii, balse ciidamada ayaa xukunka ka tuuray, kuna xiray inqilaab maalintii xilka loo dhaariyey.

Balse, Stevens ayaa xukunka ku soo noqday hal sano kadib afgambigiisii, isagoo xukumayay 1971 ilaa 1985, kadib markii uu dhamaaday xukunkii militariga.

Dowladiisa ayaa loo jeediyay eedeymo la xiriira xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha iyo musuqmaasuqa doorashada.

Ivy Matsepe-Casaburri ayaa noqtay madaxweynaha Konfur Afrika 24, 2008, markaasi oo ay ahayd haweeneydii ugu horreysay ee madaxweyne ka noqota dalka ka dib markii uu is casilay madaxweynihii , Thabo Mbeki.

Xilligaas waxay haysay xilka Wasiirka Isgaarsiinta.

Muddo 15-saacadood ka dib ayaa muddo xileedkeeda ku ekaa, si kastaba ha ahaatee, baarlamaanka Koonfur Afrika ay doorteen wasiir Kgalema Motlanthe inuu beddelo.

Hogaamiyaasha ku meel gaarka ahaa ee Mexico iyo Brazil

Hogaamiyaasha ku meel gaarka ahaa ee Mexico iyo Brazil

Xigashada Sawirka, Getty Images

Tusaale ahaan, marka loo eego Argentina, gobolka Laatiin Ameerika waa gobol ay soo mareen madaxweynayaal muddo gaaban talada hayay, halkaas oo Pedro Lascurain, uu madaxweyne ka ahaa wax ka yar saacad markii uu dhacay afgambi, xilkana laga tuuray madaxwaynihii xilka hayay.

Barazil, afhayeen Carlos Luz waxa uu xilka madaxtinimo la wareegay November 8, 1955, ka dib markii Cafe Filho uu xanuunsaday. Waqtigaas, Brazil waxay hore ugu dooratay madaxweyne cusub, Juscelino Kubitschek, laakiin waxuu qorshuhu ahaa inuu xilka qabto bishii Janaayo 1956.

Saddex maalmood ka dib, Luz ayaa xilka ka dagay kadib markii uu amar ka helay wasaarka gaashaandhigga, kaasoo sheegay in ku-simaha madaxweynaha uu qorsheynayay afgambi si looga hortago Kubitschek inuu guuleysto. Ka dib, gudoomiyaha aqalka Senate-ka, Nereu Ramos ayaa hayay jagada laba bilood. Boqortooyada Boqorrada

Boqor Umberto II ee Taliyaaniga

Xigashada Sawirka, Getty Images

Boqorada ayaan maalmahaan lagu aqoon inay siyaasadda u dagaalamaan, waxayna ku qanacsan yihiin isbedelada dhanka awoodda ah, hase ahaatee, taasi macnaheedu maaha in waqtigoodu uu dheeraan karo.

Boqorkii Talyaaniga Umberto II ayaa xilka kala wareegay aabihiis Vittorio Emmanuelle, kadib markii uu xukunka ka tuuray.

Nasiib darro Boqorka, codbixin dhanka maamulka ahayd oo la qabtay ayaa 54 boqolkiiba Talyaanigu waxay doorteen dawlad kale, halkaas oo uu xukunkiisu ku so idlaaday ​​34 maalmood ka dib.

Dipendra

Xigashada Sawirka, Getty Images

Bishii 1June, 2001, dhaxal-suge ayaa toogtay aabihiis iyo xubno kale oo ka tirsan qoyska boqortooyada Nepal.

Intaa ka dib, Dipendra wuxuu isku dayay inuu is dilo, laakiin wuu ku guuldareystay oo wuu miyir daboolmay. Saddex maalmood ka dib, ayaa markii dambe geeriyooday