Muxuu yahay nuxurka doodda Raila Odinga ee ka dhanka ah guusha Ruto?

Xigashada Sawirka, AFP
Raila Odinga, oo looga adkaaday doorashadii dhawaan ka dhacday Kenya, ayaa dacwad ka dhan ah natiijada u gudbiyay maxkamadda ugu saraysa waddankaas.
Odinga ayaa ku doodaya in si sharci darro ah loo shaaciyay in William Ruto uu ku guulaystay doorashadii dhacday 9-ka August.
Qormadan waxaan ku eegi doonnaa nuxurka doodda Raila Odinga.
Guddoomiyaha guddiga doorashada
Qodob kamid ah doodda Raila Odinga ayaa sheegaya in guddoomiyaha guddiga doorashada, Wafula Chebukati, uu u dhaqmay si aan sharci ahayn.
Odinga ayaa sheegay in Chebukati oo aan taageero ka haysan inta badan xubnaha kale ee guddiga uu ku dhawaaqay guusha Ruto.
Waxaa jirta in afar kamid ah todobada xubnood ee guddiga ay qaadaceen shaacinta natiijada, balse waxaa fasiraad kala duwan laga bixiyay awoodda uu dastuurka siiyay Chebukati.
Khubarada qaar ayaa ku doodaya in dastuurka uu dhigayo in guddoomiyaha guddiga doorashada oo keliya uu shaacin karo natiihada doorashada madaxweynaha.
Waxa ay sidoo kale tilmaamayaan in guddoomiyaha looga baahan yahay in natiijada uu shaaciyay muddo 7 maalmood gudahood ah kadib maalinta doorashada. Chebukati ayaa shaaciyay natiijada lix maalmood kadib maalinta ay dhacday doorashada.
Hase yeeshee, khubarada qaar ayaa tilmaamaya in sharciga doorashada ee Kenya uu dhigayo in Chebukati uu shaacin karoo o keliya natiijo ay “tiriyeen oo ay xaqiijiyeen” xubnaha guddiga, waana arrinta uu Raila sheegayo in aanay dhicin.
Qodobkaas waxaa go’aan ka gaari doonta maxkamadda ugu saraysa Kenya.

Xigashada Sawirka, AFP
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Ma la jabsaday natiijada internet-ka?
Qareennada Odinga ayaa gudbiyay marqaati fur uu sameeyay John Githongo oo u ololeeya la dagaallanka musuq-maasuqa, kaasoo sheegay inuu hayo caddeymo muujinaya in si weyn wax looga bedalay natiijada lagu keydiyay kombiyuutarrada.
Githongo ayaa sheegay inuu helay caddeyn muujinaysa in dad gaaraya 50 qof ay si farsamaysan u bedaleen natiijada laga soo gudbiyay xarumaha laga codeeyay, isla markaana tirada loo badiyay Ruto ka hor inta aan natiijadaas la gelin website-ka guddiga doorashada.
Waxa uu tilmaamay in dadkaas uu kamid yahay Dennis Itumbi oo istaraatajiyadda internet-ka u qaabilsan William Ruto. Itumbi ayaa dafiray eedeynta loo jeediyay, waxaana uu ku tilmaamay wax lagu qoslo.
Si loo xaqiijiyo in natiijada aan wax laga bedalin, waxaa la hubin karaa in warqadaha ay soo gudbiyeen xubnaha guddiga doorashada ee deegaannada ku sugnaa ay waafaqsan yihiin kuwa ku jira website-ka guddiga.
Tirada dadka codka dhiibtay
Kooxda u doodaysa Odinga ayaa sheegtay in khalad uu ka muuqdo tirada dadka codkooda dhiibtay ee uu markii hore shaaciyay guddoomiye Chebukati taasoo uu ku sheegay 65.4% codbixiyayaasha is diwaangeliyay iyo tirada uu markii dambe shaaciyay.
Odinga ayaa sheegay in 65.4% ay u dhiganto 14.5 milyan oo codad, halka Chebukati uu natiijada kama dambeysta ah ku saleeyay 14.2 milyan oo codad, taasoo aad uga yar xitaa haddii lagu daro codadka xumaaday.
Qareennada Raila Odinga ayaa ku doodaya in halkaa ay ku maqan yihiin in ka badan 250,000 oo codad. Hase yeeshee guddoomiye Chebukati ayaa markii dambe sheegay in boqoleyda saxda ah ee codadka la dhiibtay ay tahay 64.8% taasoo ku imaanaysa 14.2 milyan oo codad.













