You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Xiisadda Itoobiya iyo Eretria: 'Haddii dagaal uu ka dhex qarxo Itoobiya iyo Ereteriya wuxuu saamaynayaa labada dhinac'
Safiirkii hore ee Eretria u fadhin jiray magaalada Addis Ababa, Haile Menkarios ayaa ka digay haddii Ereteriya iyo Itoobiya ay dagaal galaan ay labada dalba burburi doonaan.
Haile ayaa ka sheegay waraysi uu siiyay BBC Tigrinya ''in aadan u qaadan karin in aanu dagaal imaan doonin,'' laakiin'' Waxaad qiyaasi kartaa dagaalka nooca uu noqon karo. Labada dhinacba waxa ay leeyihiin dabci adag, oo xoogga saaraya kala sarreyn iyo awood danaha dadka,'' oo cambaareynaya hogaamiyayaasha labada dal.
Amb Haile oo hogaamiyay dadaalo diblomaasiyadeed oo QM si loo xalliyo colaadaha ka jira meela kala duwan oo caalamka, ayaa sheegay ra'iisul wasaare Abiy uu adeegsanayo awood uu ku gaaro badda, taasi oo ah "xadgudub sharciga caalamiga ah."
"Haddii Ereteriya weerar looga soo qaado badda, Ereteriya waxa ay noqonaysaa Ukraine-ta Afrika. Tani waxa ay ka dhigaysaa colaada mid aan ku koobnaan Ereteriya iyo Itoobiya, laakiin noqota mid heer gobol ah, " ayuu yiri.
Safiir Haile, hogaamiye sare oo xoogaga xoriyadda shacabka Ereteriya ee (EPLF), ayaa ka mid ahaa saraakiisha dowladda ee loo yaqaan kooxda 15 kuwaasi oo madaxweyne Isaias Afwerki uu ugu yeeray dhaqangalinta dastuurka iyo xaqiijinta la xisaabtanka.
Safiir Haile oo sheegay dalalka kale ay soo gali karaan haddii Itoobiya iyo Ereteriya ay galaan dagaal, ayuu sheegay, "Sacuudiga uu sanka ku soo hayo. Masar ayaa halkaasi joogta… si kastaba ha ahaatee, haddii Ereteriya ay tiraahdo, 'waa la isoo weeraray; waxaan u baahanahay caawimaad; Waxaa ay weydiisan kartaa caawimaad dal kasta si ay isaga dulqaado duulaanka"
Safiirka ayaa intaa ku daray Sacuudi Arabia ay ka war qabto isbeddelka isku dheeli tirnaanta awoodda ee gobolka badda cas, haddii Itoobiya ay noqoto mulkiilaha badda cas.
"Waxaa ay u noqon kartaa dhaawac ku yimaada danahooda; sidaasi darted, waxa ay dhihi karaan ma lihin doonitaanka taageerada Ereteriya,'' ayuu yiri.
Safiir Haile ayaa sheegay dal yar oo sida Ereteriya, oo leh dakhli kooban iyo tiro dad yar, waxa ay sii raadin karaan xal nabadeed.
"Waxaan u malaynayaa labada dhinacba ay riixayaan 'jiritaankooda'. Looma baahna ammaanta naftaada in aysan sababin dhibaatooyin. Laakiin marka aad tixgaliso waxa ay kugu hogaaminaysaa dhamaadka, ma aha marin kugu hogaaminaya mid ka mid ah yoolashooda," ayuu yiri.
Colaada u dhaxaysa Itoobiya iyo Ereteriya ayaa bilaabatay ka dib heshiiskii Pretoria ee dhameeyay dagaalka Tigray, laakiin muranka ayaa kor u kacay tan iyo intii ra'iisul wasaare Abiy u uku dhawaaqay marin badeedka uu yahay arrin jiritaan u ah Itoobiya.
Ra'iisul wasaare Abiy ayaa leh riyo ''ka dhigitaanka Itoobiya mulkiilaha albaabka badda" oo horay hogaamiyayaasha ay ku guul daraysteen inay gaaraan; uma tixgalin biyo-xireenka inuu yahay dhaxal uu ka tagayo; waxa uu aaminsan yahay inuu leeyahay Meles; waxa uu u haystaa inay shacabka Itoobiya leeyihiin dhaxalka; waxa uu doonayaa inuu gaaro albaabka badda. Uuna doonayo sidii uu ugu dhaqangalin lahaa arintan si kasta oo suurtgal ah."
Ka dib markii ra'iisul wasaare Abiy uu soo bandhigay codsigiisa marinka badda, safiirka ayaa xaddeeyay walaaca ay keentay Ereteriya waxaana uu yiri, "Ereteriya uma fadhinayso micno la'aan.
Ka dib markii uu ra'iisul wasaare Abiy uu soo bandhigay codsigiisa marinka badda, safiirka ayaa xaddeeyay walaaca ay keentay Ereteriya " Waxaan hayaa warbixinta inay aasaasayaan xiriiro ay la yeeshaan kooxo kala duwan. Waxaa ay xiriir ka samaynayaa qayb ka mid ah Tigray;… Waxa ay sidoo kale xiriir la leeyihiin Fano oo ka jirta gobolka Amxaarada."
Sida uu qabo, ra'iisul wasaare Aby ayaa aaminsan ciidamada gudaha ee uu aamini karo ayaa kala qaybsan.
"Macquul ma aha in la yiraahdo Isaias iskuma dayayo inuu isku dhiibo Abiy dhammaan dhinacyada iyaga oo sii maraya TPLF iyo Amxaarada."
Safiirka ayaa cambaareeyay booska ciidamada, isaga oo sheegay talaabo labada dhinac "ay tahay hadda ay ogaadaan ay ku hogaaminayso burbur wadajir ah; xitaa haddii ay yiraahdaan waxa ay adeegsnaayaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn haddii dagaalku uu yimaado, macquul ma aha in la aamino guul ayaa si fudud ku imaanaysa oo u dhakhso badnaanaya labada dhinac."
Waxaa uu kaloo safiirku intaa ku daray, haddii uu dagaalku uu bilowdo, ay yihiin dadka labada dal kuwa ugu badan ee dhibtoodo, ayuu yiri, "Hadda, intii qof walba taageeri lahaa ama u doodi lahaa dowladooda, waxa ay ka shaqeynayaan kahor taga dagaalka."
"Haddii uu dagaal qarxo, waxa ay qof walba ku noqonaysa musiibo, waxa ay noqon doontaa mid laga naxo; haddii ay macquul tahay, shacabka Itoobiya iyo Ereteriya ay tahay inay u lahaadaan hal marin sida Yurub; oo aan la galin dagaal kale."
Safiir Haile waxa uu kaloo sheegay dagaalku uu ku keenayo musiibo dhamaan, waxaana uu shacabka labada dhinac, aqoonyahanka, xisbiyada iyo kuwa kale ay u sameeyaan dadaalka ay uga hortagayaan dagaalkan.
"Haddi qof kasta uu doonayo inuu dadka ka badbaadiyo musiibo, waxaa la joogaa wakhtiga; kahor musiibada, ma aha ka dib marka uu dagaalku qarxo. Sidaa darteed, waa in aan dhamaanteen aynu kor u soo qaadno codadkeena aana buuxino masuuliyadeena si aan uga hortagno dagaalka,'' ayuu yiri.
Fariin ku socota Madaxweyne Isaias iyo ra'iisul wasaare Abiy, ayaa lagu weydiistay inay "siiyaan fursad xalka nadda iyo wadahadal" ayna meesha ka saaraan dagaal imaan kara.
"Waxa aan si gaar ah ugu dirayaa fariin Isaias, oo dhahaysa, 'haddi qorshaha dhismaha nidaam dimuqraadi ah laga hirgaliyo Ereteriya, haddii aynu lahaano baarlaman, haddii ay jirto fursad wadahadal oo ka jirta Ereteriya, fursad wadahadalka lagu ogolaanayo, waxa aynu kaga doodi lahayn arrintan, waxaana u heli lahayn xal."
Waxa uu xusay haddii labada dal ay dagaal galaan, ay suurtagal tahay "inay labada dhinac burburiso, ayna wiiqdo awoodooda ayna hoos u dhigto mustaqbalka ay wadaagaan."
"Waxaan ugu baaqayaa dhammaan hagaajinta danaha labada dhinac iyo kasoo horjeedsiga dagaalkan si kasta oo ay ahaato," ayuu yiri.
Itoobiya iyo Ereteriya oo isaga horyimid dagaal dhiig badan uu ku daatay ee muranka xadka 20 sano kahor ayaa cadaawad ay ka dhaxaysa midba midka kale wakhti dheer, laakiin xiriirkooda ayaa soo wanaagsanaaday tan iyo intii ra'iisul wasaare Abi oo yimid awoodda.
Inkasta oo labada dal ay hagaajiyeen xiriirkooda ayna si wadajir ah uga adkaadeen ciidamada Tigray intii lagu guda jiray dagaalka Tigray, kala aragti duwanaan ayaa kor u soo kacaysay ka dib dhamaadka dagaalka, waxaana xiriirkooda uu ahaa mid sii xumaanaya oo u sii jihayanaya colaad.
Ka dib markii Itoobiya ay furan ugu dhawaaqday doonitaankeeda helidda badda, waxaa jiray walaacyo labada dal ay u jihaysanayaan colaad.
Maamulka Itoobiya ayaa ku eedeynaya ciidamada Ereteriya inay qabsanayaan dhulka Tigray, iyada oo iskudayada diyaar garowga Milatari ay labada dhinacna ay wadaan.