Rag caloosha dheriga ah xushmad ku heli jiray oo loo sheegay arrin naxdin leh

Caloosha oo ku weynaata ama sida dhereyga ku noqoto oo dalka Hinidya mar ka ahayd astaanta barwaaqada, taas oo ay bulshadu ay mar si aad ah uag hadli jirtay - ayaa muddo dheer dadku ay siyaabo kale duwan uga faaloodaan.

Filimada, waxay u noqotay mid tilmaan u ah askrigacaajiska ah, adeerka hunguriga badan ama booliiska musuqmaasuqa ah. Sawir gacmeedyadu waxay buunbuuniyeen inay ku jeesjeesaan siyaasiyiinta.

Goobaha miyiga, waxaa mar loo tixgelin jiray calaamad mujineysa xaalad – baraare ah oo ninkaasi si wanaagsan wax u cunay.

Laakiin arrinkaas oo mar si aad ah loo jeclaan jiray marna la diidaana ayaa hadda laga muujiyay qeylo dhaan. Dhibaatada buurnida ama cayilka ee Hindiya ayaa sii kordheysa - caloosha oo sida dhereyga noqoto ama horey usoo weynaato ayaa hadda u muuqata mid ka halis badan sida markii hore loo mnaleynayey.

Hindiya ayaa noqotay dalka labaad ee ugu sarreeya ee dadka buurbuuran ama cayilan sanadkaii 2021, iyadoo 180 milyan uu cayilku saameeyay - ka dib dalka Shiinaha.

Daraasad cusub oo wargeyska caafimaadka ee Lancet oo dibadda ah ayaa ka digaysa in tiradani ay kor u dhaafi karto 450 milyan marka la gaaro sanadka 2050, ku dhawaad saddex meelood meel tirade dalalkaasi la saadaaliyay dadkiisa.

Caalamka, in ka badan kala bar dhammaan dadka waaweyn iyo saddex meelood meel carruurta iyo dhallinyarada ayaa la filayaa inay la kulmaan xaalad isku mid ah.

Udub dhexaadka arintani ee cayilka ee Hindiyan waa caloosha oo weynaato , ama xagga caafimaadka, cayilka caloosha.

Noocan cayilka ah waxaa loola jeedaa ururinta dufanka xad-dhaafka ah ee caloosha, waxayna dhakhaatiirtu sheegeen in ay ka badan tahay welwelka is qurxinta. Ilaa 1990-aadkii, cilmi-baaristu waxay muujisay xiriir cad oo ka dhexeeya dufanka caloosha iyo xaaladaha daba-dheeraada sida nooca labaad ee cudurka macaanka iyo cudurrada wadnaha.

Cayilku ma aha caloosha oo kaliya. Waxa uu u muuqdaa qaabab kala duwan ah, iyadoo ku xiran qaybinta dufanka: buurnaanta xad dhaafka ah waxay saamaysaa miskaha, bowdada iyo barida, halka buurnaanta guud ay ku lug leedahay baruurta si siman ugu faafta jirka oo dhan.

Tirada dadka ka cayilan caloosha ee Hindiya ayaa ah mi kala duwan. Marka la eego tirakoobka Caafimaadka Qoyska ee ugu dambeeyay (NFHS-5) - kaas oo markii ugu horeysay, lagu qiyaasay dhexda iyo cabbirka sinta - qiyaastii 40% dumarka iyo 12% ragga, Hindiya waxay leeyihiin buurnaanta caloosha.

Cayilka caloosha, oo ku saleysan tilmaamaha Hindida, macnaheedu waa dhexda ka weyn 90cm (31 inches) ee ragga iyo 80cm (31 inches) oo dumarka ah. Dumarka da'doodu u dhaxayso 30 ilaa 49, ku dhawaad mid ka mid ah labadiiba dumar ah ayeey ka muuqdaan astaamha cayilka. Dadka reer magaalka ah ayaa la ogaaday in uuu saameeyeyay marka loo eego kuwa miyiga, iyadoo dhexda sare ama dhexda-ilaa-sinta ay u soo baxeen si aad ah.

Haddaba waa maxay sababta cayilka caloosha ay u tahay arrin weyn?

Mid ka mid ah sababtu waa iska caabbinta insulin-ta – taas oo ah xaalad jirku uu joojiyo in uu si sax ah uga jawaabo insulinta, hoormoonka caawiya nidaaminta sonkorta dhiigga. Dufanka caloosha oo carqaladeeya sida jirku uu u isticmaalo insulin, ayaa sii adkeysa in la xakameeyo sonkorta dhiigga.

Daraasad ballaarn oo Koonfurta Aasiya , oo ay ku jiraan Hindidu, ayaa u muuqata in ay leeyihiin baruurta jirka mni dk abadan tan loo yaqaan white Caucasians taas oo ah qiyaas fudud oo dufanka jirka ah oo ku salaysan miisaanka qofka marka loo eego dhererkiisa.

Ma aha oo kaliya inta baruur ee jirkaadu leeyahay ee waa halka ay baruurto kaa gasho. Koonfurta Aasiya, dufanku wuxuu tilmamaa inuu ku ururo qeybta hoose iyo maqaarka hoostiisa, laakiin had iyo jeer ma aha mid gala caloosha.

In kasta oo Koonfurta Aasiya laga yaabo inay ay yartahay dufanka caloosha hoose ee aadka u leh waxyeelada kaas oo ku wareegsan xubnaha sida beerka iyo beeryarada, daraasaduhu waxay muujinayaan in unugyadooda baruurta ee weyn ee aan waxtarka lahayn ay la halgamayaan inay kaydiyaan baruurta maqaarka hoostiisa. Natiijada ka dhalata dufanka xad-dhaafka ah wuxuu ku daataa xubnaha muhiimka ah ee nidaamiya dheef-shiidka - sida beerka iyo beeryarada – taas oo kor u qaadeysa khatarta cudurka macaanka iyo cudurrada wadnaha.

Saynisyahannadu wali si buuxda uma fahmin sababaha bayoloji ee ka dambeeya qaababka qaybinta baruurta. In kastoo cilmi-baarisyo badan oo hidde-sidaha ah la sameeyay, ma jiro hal hidde-side oo si joogto ah u sharraxay tilmamaahan.

Hal aragti ayaa sheegeysa xididka is beddela . Hindiya, qarniyo badan, waxa hareeyey macaluul iyo cunto yari daba-dheeraatay, taas oo ka dhigtay jiilal badan inay ku noolaadaan nafaqo darro.

Xaaladahan oo kale, jirka bini'aadamka ayaa la qabsaday si uu u badabaado marka ay baahi timaado.

Jirku waxa uu u baahanyahay keyd tamareed iyo caloosha, oo ah meesha ugu badan ee la fidin karo, waxa ay noqotay goobta kaydinta ugu weyn. Waqti ka dib, sidii ay cuntadu u badatay, baruurta caloosha ayaa sii kororta – ilaa ay ugu dambeyntii gaarto heerar waxyeello leh.

"Waa aragti dhalanteeda oo nmalo awaal laakiin macquul ah - mid aan la xaqiijin karin, laakiin macno samaynaysa," ayuu yiri Anoop Misra, oo madax ka ah Xarunta Fortis-C-DOC ee Delhi ee heekar sare ee cudurka macaanka , cudurada dheef-shiid iyo uur ku jirta.

Sanadkii hore, warqad, dhakhaatiir dibadda ah oo ka tirsan Guddiga Cayilka Hindiya ayaa dib u qeexay tilmaamaha cayilka ee Hindida Aasiya, oo ka sii gudbaya cabirka sare ee jirka (BMI) si ay si fiican ugu muujiyaan sida dufanka jirku ula xiriiro khatarta hore ee caafimaadka.

Waxay abuureen nidaam bukaan-socod laba-heer ah oo darsaya qaybinta dufanka, cudurrada la xiriira iyo shaqada jirka.

Marxaladda koowaad waxay ku lug leedahay cabirka sare jirka (BMI) laakiin aan lahayn cayilka caloosha, cudurka dheef-shiid cuntada, ama cillad jireed. Xaaladahan oo kale, qaab nololeedka ayaa isbeddela sida cuntada, jimicsiga iyo iyada oo mararka qaarkood ay daawadu ku filan tahay.

Marxaladda labaad waxa ku jira cayilka caloosha - dufanka waxyeelada leh - waxaana badanaa la socda arrimo caafimaad sida cudurka macaanka,jilba xanuun ama garaaca wadnaha. Marxaladani waxay tilmaamaysaa khatar sare waxayna ku baaqaysaa maareyn dheeri ah.

Dhakhaatiirta Hindiya waxay sheegeen in cayilka caloosha ay kor u kacday iyadoo ay ugu wacan tahay isbeddellada qaab nololeedka - cuntooyin badan oo qashin ah, cunto-qaadasho, cunto degdeg ah iyo karinta cuntooyinka dufanka leh ee guriga. Intii u dhaxaysay 2009kii iyo 2019kii, Cameroon, India iyo Vietnam waxay arkeen kororka ugu dhaqsaha badan ee iibka qofkiiba ee cuntooyinka iyo cabitaannada aadka loo habeeyey, sdia lagu ogaaday daraasado la helay.

Haddaba, maxaa talaabooyin ah oo loo baahan yahay in la sameeyo?

Khubarada ayaa sheegay in Hindidu ay u baahan yihiin isbedel qaab nololeed oo adag marka loo eego xeerarka reer galbeedka. Iyadoo 150 daqiiqo oo jimicsi toddobaadle ah ay ku filnaan karto ragga Yurubiyaanka ah, dhiggooda Koonfurta Aasiya waxay u baahan yihiin qiyaastii 250-300 daqiiqo si ay u yareeyaan dheef-shiid kiimikada ee hooseeya iyo kaydinta dufanka aan waxtarka lahayn, sida lagu ogaaday daraasado, .

"Jirkayagu si fudud uguma fiicna maaraynta baruurta xad dhaafka ah," ayuu yiri Dr Misra.

Marka la soo koobo, calool weynaantu ma aha kaliya wax lagu qoslo ee - waa calaamad digniin ah. Hindiyana waxay dhex fadhida mashaakil caafimaad oo oo waqtiyeysan.