You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Shacabka Ukraine oo ka hadlaya kulanka Trump iyo Putin: 'Waxa ay ka hadlayaan Nolosheena, Laakiin cod kuma lihin'
Ukraine waxaa ay Shan kun oo mayl u jirtaa Alaska, waxaana shacabka dalkaasi ay dareemayaan in laga tagay oo aysan qayb ka ahayn kulanka Maanta oo aan lagu martiqaadin.
Trump ayaa horaantii todobaadkan ka dhawaajiyay inay suurtagal tahay kala beddelesho dhuleed oo miiska lasoo saaro oo loo turjuntay in ay la micno tahay Ukrain ay dhul ku wareejinayso Ruushka.
Waxaa cod ururin laga sameeyay Ukraine ay muujinaysaa in 95% dadweynuhu aysan aaminsanayn Putin.
"Su'aashan waxaa ay ii taabanaysaa si toos ah,'' ayay tiri Tetyana Bessonova, oo 30 jir ah oo ka timi Pokrovsk – mid kamid ah magaalooyinka Bariga ee mustaqbalkoodu uu ku jiro su'aasha haddii dhul lagu wareejiyo Ruushka.
"Gurigayga waxaa uu dhacaa goob dagaal. Haddii dagaalada socda ay joogsadaan, ma awooddi doonaa in aan laabto?'' ayay tiri.
Su'aalaha ku gadaaman dhul isweydaarsi oo kamid ah dib u nakhshadaynta xuduudka ayaa waxaa ay ahaayeen kuwo si hoose xanuun ugu leh kuwa ku soo koray gobolada ay saamaysay, sida ay sheegtay Bessonova.
''Halkani waa goobta aan ku dhashay, gurigayga,'' ayay tiri. "go'aamadan ayaa la micno ah in aanan dib u aadi doonin gurigayga. Oo aniga iyo kuwo kale oo badan ay ku luminayaan dhammaan rajada dib u laabashada.
Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron, ayaa sheegay Arbacadii in Trump uu ku waafaqay Khadka taleefonka hoggaamiyayaasha Yurub ee ah in arrimo ka hadalka dhulka la samayn karo oggolaansho la'aanta Ukraine iyo in Trump uu sheegay in uu doonayo inuu sameeyo qabashada shir labaad oo uu la yeesho Zelesky, kahor inta aan wax kale la isku waafaqin.
Laakiin Trump ayaan la saadaalin karin. Waxa uu mar kasta uu daneeyaa aragtida shakhsiga ee uu inta ugu badan markaasi la hadlo. Sidaasi darteed waxaa uu leeyahay kalsooni yar oo ah in Ukrain aysan saamayn ku yeelanayn Putin, gaar ahaan kulanka waji ka wajiga ah.
Xaqiiqda dhabta ee kulanka albaabadu u xiran yihiin ayaa ahaa mid u daran Ukraine, sida uu sheegay Oleksandr Marezhko, xildhibaan Ukrain ah iyo hoggaamiyaha mid kamid ah guddiyada arrimaha dibadda "Aniga oo aqaan Trump, waxaa uu beddeli karaa fikraddiisa si dhakhso ah. Waxaa inoogu jira khatar weyn anaga ka ahaan. "
Marezhko ayaa sheegay inuu ka cabsaday in, Trump ma doonayo wajigabx, haddii aan waxba la gaarin, waxaa uu la kulmayaa wajigabax,'' ayuu yiri xildhibaanka. "Su'aasha ayaa ah, maxaa ku jiri karaa heshiiyadaasi?''
Suurtagalo kala duwan ayaa soo jeedinaya in waxyaalaha la gaari karo ay ku jiri karto xabbad joojin ka timaada goobaha la isku horfadhiyo. Iyada oo aysan jirin aqoonsi toos ah oo dhulka la qabsaday loogu aqoonsanayo Ruushka waxa ay sii ballaarinaysaa booska Ruushka ee la go'itaanka Afar gobo loo waaweyn oo dhaca Bariga iyo Koonfurta Ukraine.
Cod ururino ayaa soo jeedinaya in ku dhowaad 54% reer Ukraine ay taageeraan qaab ah ka tanaasul dhul iyada oo lagu beddelanyo dhammaynta dagaalka, laakiin ay tahay oo kali ah dammanad oggolaanaysa ammaan oo ka timaada saaxiibada caalamiga ah ee Ukraine.
Mid kamid ah ciidamada oo nidaamka milatariga sida uu qabo weydiistay magaciisa kowaad la aqoonado ayaa waxa uu wax iska weydiinayaa in haddii afka hore ee dagaalka ay kasoo tanaasulaan ay u furmi doonto furin cusub.
"Askar badan ayaa u waayay naftooda dhulkan, si ay u difaacaan dalkeena,'' ayuu yiri Volodmymr.
Anton Grushetsky oo ka tirsan machadka machadka caalamiga ah ee arrimaha bulshada Kyiv oo si joogta ah uga shaqaysa ra'yi ururinada dadweynaha ee arrimaha dagaalka ayaa sheegay in guud ahaan Ukraine, dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada ay qaadanayaan go'aano adag oo la xiriira dhab ahaanta mustaqbalkooda.
Mid kamid ah go'aanada ugu adag ayaa ahaa haddii la aqbalayo fikradda dhul Ukraine ay leedahay oo looga tanaasulo Ruushka, ayuu yiri. "Waxaa ay tahay 20% dhulkeena iyo kuwa dadkeena. Laakiin reer Ukraine ayaa ina tusaya inay yihiin kuwo dhinac walba u janjeeri kara, waxaa ay noo sheegayaan in ay aqbali doonaan qaybo kala duwan oo dammaand qaad ammaan ah.''
Sida uu machadku qabo ra'yi ururin, 75% oo reer Ukraine ah ayaa gabi ahaanba la diiday in si toos ah loo siiyo Ruushka wax dhul ah. Inta harsan oo 25% ayaa waxaa kamid ah qayb taageerayaal Ruush ah, sida uu sheegay Grushetsky, iyo qaar kale oo ka argagaxsan dagaalka oo dareemaya inay muhiim tahay tanaasulaad.
"Waxa aan aamminsanahay in dagaal ay tahay in lagu joojiyo wado kasta oo macquul ah,'' ayuu yiri Luibov Nazareno, oo 70 jir ah oo shaqaale howlgab oo ka soo jeeda gobolka Donetsk ee Bariga Ukraine.