Minneapolis: "Waxaan weynay xiddigo usoo kacayay bulshada"

Xigashada Sawirka, DAR AL FAROOQ CENTER
Gabdhihii saaxiibbada ahaa ee habeenkii Jimcihii ku dhintay shil gaari ayaa maanta lagu aasi doonaa magaaladda Minneapolis ee gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka.
Barnaamijyo badan oo ay bulshadu isugu iman jirtay ayaa la baajiyay, tan iyo intii uu shilku dhacay, waxaana la fasaxay dugsiyada qur'aanka qaar.
Gabdhahan oo shan ahaa ayaa habeenkii Jimcihii isku raacay inay meel, kaddibna waxaa gaarigooda ku dhacay gaari xawaare sare ku socday, dhammaantoodna halkaas ayay ku wada geeriyoodeen.
Madaxa booliiska Minneapolis Brian O'Hara, ayaa sheegay in nin xawaare sare gaari ku kaxaynayay uu ku dhacay gaariga gabdhahan, kadibna uu isku dayay inuu baxsado balse la qabtay.
Booliiska ayaa aaminsan in laga yaabo in darawalku uusan wax arkeynin xilligaas.
"Kuwani waxay ahaayeen shakhsiyaad mustaqbal ifaya lahaa," ayuu yiri Agaasimaha Masjidka Dar Al Farooq, Khaalid Cumar, oo warbaahinta la hadlay.
"Waxaan ka hadleynaa dheymanka. Waxaan ka hadleynaa xiddigaha ifayay ee bulshadeenna."
"Hore uma aynaan arag musiibo shan qof oo da' yar oo sidna oo kale hal goob ku dhintay," ayuu Khaalid intaa raaciyay.
Maxaan ka naqaannaa gabdhahan?

Xigashada Sawirka, DAR AL FAROOQ CENTER
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Xarunta Islaamka ee Dar Al Farooq ayaa gabdhahan ku sheegtay inay kala ahaayeen Sabiriina Cali, Sahra Geesacadde, Salma Cabdulqaadir, Sagal Xirsi iyo Sihaam Aadam.
Sabiriina ayaa dhowaan ka qalin jebisay Iskuulka Edina High School waxayna qorsheyneysay inay ku biirto Jaamacadda Minnesota.
Sahra poo 20 jir ahayd, ayaa iyadana dhiganeysay Jaamacadda U of M Rochester.
Salma oo iyadana 20 jir ahayd, ayaa dhiganeysay Kuleejka Normandale.
Sihaam oo 19 jir ahayd, ayaa dhiganeysay Jaamacadda U of M.
Sagal oo 19 jir ahaydna waxay dhiganeysay Kuleejka Minneapolis.
Shantan gabdhood ayaa ahaa saaxiibbo aan kala harin waxayna isu diyaarinayeen arooska saaxiibbadood oo shalay dhici lahaa.
Cabdulqaadir Maxamed oo adeer u ah Sahra Geesacadde oo BBC la hadlay ayaa sheegay inay aad uga naxeen geerida gabdhahaas.
"Runtii arrin aad u naxdin badan ayay ahayd. Familka iyo qaraabada dhammaan ilaa iyo hadda naxdin ayaa ku jirta," ayuu yiri.
"Sahra waxay dooneysay inay dhaqtarnimo barato, waxay ahayd ardayad dhinac badan ka dhisan, balse Ilaah baa qoray arrintan."
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Dhammaadka X boggan
"Inaad weyso qof, taasi waa musiibo. Balse inaad weyso shan qof oo da'yar isla hal waqti, waa wax aad u adag in la liqo," ayuu yiri Khaalid.
Bulshada magaalada ayaa ka carooday darawalka isku dayay inuu baxsado kadib markii uu shilka geliyay gabdhaha, hase yeeshee wuxuu ku jiraa gacanta booliiska.
Booliiska ayaan weli magacaabin darawalka. Welina waxaa socda baaritaan lagu sameynayo shilkan.













