Doon aan cidna wadin oo xog muhiim ah kasoo gudbisay gunta hoose ee badda

Dooni Robot ah oo aysan cidna wadin isla markaana laga hagayay dalka UK ayaa ka soo laabatay sahankii ugu horreeyay ee lagu sameeyay Folkaanaha Tongan ee badda hoosteeda ka qarxay bishii January.

Doonida oo ay leedahay shirkadda (USV) Maxlimer -waxay qeyb ka tahay sahan lagu sameynayo gunta hoose ee badda gaar ahaan meesha uu ka qarxay Folkaanaha inta u dhexeysa biyaha Hunga-Tonga Hunga-Ha'apai.

Doontan oo ay samaysay shirkad British ah oo lagu magacaabo Sea-Kit International ayaa waddaa sahminta wajigga labaad ee foolkaanada Tonga , mashruucaas oo uu hogaaminayo Machadka Qaranka ee Biyaha iyo Cilmi-baarista ku saabsan Cimilada (Niwa) ee New Zealand ayna maalgelineyso hay'adda Nippon ee laga leeyahay dalka Japan.

Xogta ilaa hadda ay soo ururisay ayaa xaqiijisay warbixinadii hore ee dhaqdhaqaaqa foolkaanaha ka qaxay aaggaas.

Doonta waxaa leedahay qalab u suurtageliyay in xogta uu kasoo gudbiyo biyaha hoostooda gaar ahaam 300m.

Doonta Maxlimer oo dheererkeedu yahay 12 mitir ayaa gaartay biyaha Tonga, laakiin waxaa laga hagayay meel fog oo 16,000km u jirta xeebta Tollesbury ee Essex.

Waxay arrintani ku suurtogashay kadib markii doonta lagu rakibay dayax-gacmeedka.

Qolka mugdiga ah ee laga hagayay doonta Robot-ka ah waxaa yaallay shaashadood waaweyn oo soo bandhigayay sawirro toos ah oo ay soo gudbinayeen kameerooyinkii ku rakibnaa doonta.

Hawl-wadeennada ku sugnaa qolka ayaa si toos ah ula socday dhaqdhaqaaqa doonta, waxayna eegayeen xogta isbaddaleyso ay doonta kasoo gudbineysay dhinaca koonfurta ee badda Pacific.

Ashley Skett, oo ah agaasimaha hawlgallada ee Sea-Kit, ayaa u sheegtay barnaamijka Inside Science ee ka baxa BBC- Radio 4 in hawl-wadeenadu ay xitaa ku wada xiriiri karaan raadiyaha maraakiibta kale ee aaggaas ka dhaw si doomaha kale ee marayo badda aysan u ogaan in qofna uusan saarnayn doonta robot-ka ee Maxlimer.

"Doonta waxaa loo nashqadeeyay in meel fog laga hago, marka tallaabo kasta, dhaqdhaqaaq kasta halkan ayaan ka hageynay".

Mustaqbalka howlgallada badda waxaa loo isticmaali doonaa doomaha Robotic-ka ah, ee meelaha fog laga hago marka sahan laga sameynayo gudaha badda gaar ahaan goobaha halista ah sida meelaha uu ka qarxo foolkaanaha si shaqaalaha doomaha looga maarmo oo aysan dhibaato usoo gaarin.

Mar kale ayaa doonta robot-ka ah loo diri doonaa sahan kale maadama hadda cimilada badda gobolkaas ay xun tahay si ay u soo gudbiso xog kale oo muhiim ah oo ku saabsan dhaqdhaqaaqa foolkaanaha Tongan ee gunta hoose ee badda.

Xogta ay soo gudbisay doonta waxay naga caawin doontaa inaan fahanno sababta qaraxa folkaanaha uu u horseeday saameyn weyn oo dhibaato leh, iyo sidoo kale saadaalinta ku saabsan in foolkaanahaas uu qarxo mustaqbalka.