You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Daadad si ba'an u saameeyay Ankara iyo magaalooyin kale oo Turkiga ku yaalla
Wax yar kahor markii cimilada Turkiga ay is beddeshay, magalaooyinka qaar ee gobollada meelaha hoose ku yaalla ayaa waxaa saameyn ku yeeshay xilli-roobaadka. Gudaha Ankara, oo roob culus uu ka da’ay ayaa qaar ka mid ah goobaha gaadiidka laga raaco, guryaha iyo goobaha shaqooyinka waxaa saameeyay daadad.
Degmooyinka uu sida gaarka ah u saameeyay waxaa ka mid ah Aksaray, Eskişehir, Nevşehir and Uşak.
Barasaabka Ankara Vasip Şahin, ayaa war uu soo saaray ku sheegay inay heleen warar badan oo fatahaadda laga soo sheegayo.
Şahin ayaa intaa raaciyay in jawaab celin laga sameeyay daadadka haatanna ay socdaan dadaallada.
Wuxuu intaa raaciyay in roobabka culus ay xannibeen meelaha qaar.
Wuxuu xusay in kooxaha samatabixinta ay ka shaqeynayaan dhammaanba degmooyinka ay daadadku saameeyeen.
Iyadoo daadad ay saameeyeen deegaannada Sincan iyo Yenimahalle, roobabka culus ayaa waxay sababeen inay koronto la’aan noqdaan.
Dadka ku nool Ankara ee ay daadadka saameeyeen ayaa waxay hoy u raadsadeen boosteejooyinka gawaarida laga raaco.
Maamulka gaadiidka dalkaas ayaa sheegay in heerka biyaha ay sare u aceen ayna jareen korontada meelaha qaar.
Barasaab Vasip Şahin ayaa warkiisa oo uu soo dhigay barta X ku sheegay inaysan jirin khasaare dhimasho oo roobabku ay sababeen.
Dowladda Hoose ee Ankara ayaa sheegtay in ilaa 1444 gawaari ah iyo shaqaale gaaraya 2441 loo xil saaray wax ka qabashada saameynta daadadka.
Waxaa jirta in sidoo kale ay daadadku xannibeen isu socodka gaadiidka. Boosteejooyinka qaar ayaa waxaa ka jira safaf dhaadheer inay gawaaridu u galayaan.
Bilooyinkii ugu dambeeyay kuleyl daran ayaa ka jiray meelo ka tirsan Turkiga, iyadoo heerkulku uu meelaha qaar gaarayay 39.2 °C.
Deegaannada qaar ee Aksaray, Eskişehir, Nevşehir iyo Uşak ayaa xalay koronto la’aan ahaa. Goobaha shaoqoyinka iyo waddooyinka ayaa iyaguna daadadku saameeyeen, dhul-beereed ayaa sidoo kale ku burburay.
Meelaha ay dadku ku nastaan ee Aksaray iyo beeraha loo dalxiiska tago ayay sidoo kale daadadku biyo dhigeen.
Rakaab badan ayaa ku xayirmay gawaarida deegaanka Uşak. Qof iyo labadiisa carruurta ah ayaa gaarigooda ku xannibmay kuwaasoo markii dambe ay dad u dhowaa soo badbaadiyeen.
Labo qof oo kale ayaa iyaguna dhaawacmay kadib markii gaari xamuul ah uu gadaal uga dhacay gaarigooda kaasoo la sheegay inuu si kedis ah u istaagay sababo la xiriira biyaha faraha badan ee roobka.
Gobolladee ay daadadku aad u saameeyeen Turkiga?
Tirada kiisaska daadadka ee gudaha Turkiga sanadihii lasoo dhaafay ayaa mar walba rikoor jebinayay waxaana la saadaalinayaa in xaaladdu ay sidan ka darnaan doonto.
Dhibaatada magaaleynta ayaa loo maleynayaa inay saameysay arrintan, sidoo kale isbeddelka cimilada oo kordhiyay xoogga roobka sababayna xaalaod ba’an oo cimilo.
Roobabku waxay aad u saameeyeen magaalooyinka oo qaarkood aay u diyaarsaneyn xakameynta daadadka.
Sida ay qabto waaxda saadaasha hawada dalkaas, 70-kii sano ee lasoo dhaafay ay daadadku aad ugu badnaayeen magaalooyinka dalkaas
Sidoo kale 10-kii sano ee lasoo dhaafay, ilaa 100 kiis oo daadad ah ayaa sanad walba laga soo sheegayay Turkiga. Si kastaba, kiisaskan si faahfaahsan looma oga halka ay ku badnaayeen gudaha Turkiga. Gobollada qaar ayayse aad u saameeyeen fatahaadaha.
Sida laga soo xigtay waaxda, magaalada Erzurum ayaa noqotay tan ugu daran ee daadadku ay saameeyeen intii u dhaxeysay sanadihii 1950 iyo 2018. Waxaa soo raaca Sivas, Van, Bitlis iyo Kayseri. Ankara ayaa ka mid ah kuwa ay daadadka ugu badan saameeyeen.