You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Wariyaha Al Jazeera ee ilmahiisii iyo xaaskiisii lagu dilay dagaal uu tabinayay
Wariye ka tirsan shabakadda Al Jazeera oo lagu magacaabo Wael Al-Dahdouh ayaa qoyskiisii lagu dilay weerar dhinac cirka ah oo ay Israa’iil ka fulisay gudaha Gaza, sida ay xaqiijisay Al Jazeera.
Xaaskiisii, wiil dhawr iyo toban jir ah oo uu dhalay iyo gabadhiisii yareyd ayaa lagu dilay xero barakac oo ku taalla bartamaha Gaza maalintii arbacada, dhanka kale Al Jazeera ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in wiil uu awoowe u yahay uu isna dhintay.
Al Jazeera ayaa cambaareysay duqaymaha 'aan loo aabo yeelayn halka ay ku dhacayaan ee ay geysanayso Israa’iil'.
Sida ay sheegtay Al Jazeera, qoyska Al-Dahdouh ayaa ku noolaa guri ku yaalla xero barakac oo lagu magacaabo Nusreirat oo ku taalla bartamaha Gaza, kadib markii ay ka soo barakaceen wuqooyiga Gaza oo ay Israa’iil ku amartay inay baneeyaan aagga, una guuraan koonfurta sababo la xariira duqaymo ay sheegeen inay ka fulin rabeen halkaas.
Wiilka uu dhalay wariyahaan oo 15 jir ahaa ayaa Al Jazeera sheegtay in sanadkaan uu dhamayn lahaa dugsiga sare, halka gabadha yarna ay jirtay todobo sano, wiilka kale ee uu awoowaha u ahaa oo lagu magacaabi jiray Aadan ayaa isna jiray 18 bilood oo kaliya.
Xubno kale oo qoyska kamid ah ayaa la sheegay inay ku aasmeen burburka hoostiisa balse waxaa kale oo la ogyahay in kuwa kale ay badbaadeen.
Ciidmada Difaaca ee Israa’iil ee magacooda loo soo gaabiyo (IDF) ayaa xaqiijiya inay weerar ay ku bartilmaameedsadeen Xamaas ay ka gaysteen agga ay ku noolaayeen qoyska wariye Al-Dahdouh.
Mar ay BBC ay wax ka weydiisay dadka raiydka ah ee duqaymaha Israa’iil ku dhintay oo ay ku jiraan qoyska wariyaha Al Jazeera, ayaa afhayeenka ciidamada IDF Gaashaanle Dhexe Peter Lerner wuxuu yiri “Naf kasta oo go’day waa musiibo”.
Muuqaal lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayay Al-Dahdouh oo ilmanaya oo jooga goob isbitaal ah, gacmahana kor ugu haya wax u muuqday gabadhiisa todoba jirka ahayd, jilbaha dhulka ku haya meel u dhaw maydka wiilkiisa 15 jirka ahaa.
“Ma jirto meel nabad lagu heli karo guud ahaa gudaha Gaza,” ayuu ku yiri wereysi lagu turjumay af Ingiriis oo ay la yeelatay Al Jazeera.
Al-Dahdouh waa madaxa xafiiska Gaza ee Al Jazeera qaybteeda ku hadasha af Carabiga, wuxuuna muddo dheer u shaqayn jirayay wakaaladaha wararka.
Al Jazeera ayaa tiri “Waxaan aad uga walwal sanahay badqabka iyo caafimaadka saaxiibadeena aan shaqo wadaaga nahay ee ku sugan gudaha Gaza, ayna kula xisaabtami doonaan maamulka Israa’iil masuuliyadda amnigooda”.
“Waxaan ku boorineynaa beesha caalamka inay soo fara-galiso oo ay meel uga soo harto weerarada ka dhanka ah rayidka, si ay badbaadaan nafo aa waxba galabsan.”
Markay ugu yaraato 24 wariye ayaa lagu dilay ilaa iyo hadda dagaaladii ugu dambeeyay ee dhexmara Israa’iil iyo Gaza, sida aan ka soo xiganay Gudiga Ilaaliya Xuquuqda Suxufiyiinta.
Israa’iil ayaa duqaymo milatari oo joogta ku waday Gaza tan iyo markii 7 dii October ay Xamaas weerar lama filaan ah ku qaaday gudaha Israa’iil, kaas oo ay ku dhinteen inka badan 1,400 oo ruux. In ka badan 200 oo qof ayay sidoo kale Xamaas u haystaa afduub.
Dhanka kale, Wasaaradda caafimaadka ee ay maamusho Xamaas ee gudaha Gaza, ayaa sheegtay in 7,000 oo ruux lagu dilay gudaha Falastiin. Israa’iil ayaa ka jartay Gaza shidaalkii ay gayn jirtay, korontadii iyo inta badan biyihii. Caddad yar oo gargaar ah ayaa haatan Falastiiniyiinta kaas oo u mara waddanka Masar.