Sababta carruurta ay ugu badan tahay sokorta nooca koowaad oo la ogaaday

Markii Grace laga helay nooca 1aad ee sonkorowga

Xigashada Sawirka, Getty Images

Cilmi-baaris cusub ayaa muujisay sabab muhiim ah oo keenta in nooca 1 ee sonkorowga (Type 1 Diabetes) uu ugu badan yahay caruurta yar-yar, gaar ahaan kuwa ka yar 7 sano.

Halkan waa idinku soo gudbinaynaa sharraxaad iyo waxa saynisyahannadu ogaadeen.

Nooca 1-aad ee xanuunka macaanka waxa keena habka difaaca jirkaaga oo weerara unugyada xameetida ee xukuma sonkorta dhiiga.

Kooxda cilmi-baaristan samaysay ayaa muujisay in xameetidu ay sii wado kobaca carruurnimada, gaar ahaan marka da'da ay ka yar tahay toddobo sano, taas oo ka dhigaysa mid aad u nugul dhaawaca iyo cudurada.

Laakiin muxuu cudurku uga badan yahay carruurta, gaar ahaan kuwa ka yar toddobo sano, ? sababtu Weli waxay ahayd mid qarsoodi.

Sida laga soo xigtay daraasad lagu daabacay joornaalka Sayniska ee Science Advances, sababta ka dambeysa arrintan waxay la xiriirtaa korriinka ay sameeyaan unugyada beta ee beeryarada.

Unugyada Beta waa kuwa soo saara ama soo daaya hormoonka insulinka. Unugyadani waxay soo daayaan hormoonka insuliinka marka heerka sonkorta dhiigu kor u kaco.

Cilmi-baarayaal ka tirsan jaamacadda Exeter ayaa daraasad ku sameeyay muunado ama sambal beeryaro ah oo ay ku deeqeen 250 deeq-bixiye.

waxay khubaradu awoodeen inay arkaan horumarka caadiga ah ee unugyada beta ee soo saara ama soo daaya hormoonka insulin, iyo waxa ku dhaca nooca 1aad ee sonkorowga (type 1 diabetes).

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Marka qofka Da' yaryahay, unugyadan beta ee soo daaya hormoonka insulin waa kooxo yaryar ama unugyo gaar ah, laakiin marka qofka da'diisu waynaato unugyadan waxay noqdaan unugyo waawayn oo difaac adag.

Daraasaddoodu waxay muujisay waxa dhaca marka habka difaaca jirka uu weeraro unugyada beta ee bukaanka.

Jawaab celintan difaaca waxay burburisaa unugyadan beta ee soo daaya hormoonka insulin waxayna ka hortagtaa inay koraan.

"Waxay ila tahay in tani ay tahay daah-fur aad muhiim u ugu ah nooca 1-aad ee xanuunka macaanka, cilmi-baaristan ayaa iftiiminaysa sababta uu cudurku ugu badan yahay carruurta," waxaa sidaasi BBC u sheegay Dr. Sarah Richardson oo ka tirsan jaamacadda Exeter.

Waxa uu sheegay in "mustaqbalku u ifayo carruurta laga helo nooca 1aad ee sokorta."

Xalka waxaa ku jira suurtagalnimada in la baaro carruurta caafimaadka qabta iyo dawooyinka cusub ee difaaca si dib loogu dhigo soo ifbixidda cudurka.

Dalka UK waxay ogolaatay isticmaalka daawada teplizumab immunotherapy. Daawayntani waxay ka joojin kartaa nidaamka difaaca inuu weeraro unugyada beta ee soo daaya hormoonka insulin waxayna siin kartaa wakhti ay ku koraan.

"Sababtoo ah waxaan haynaa dawooyin cusub oo lagu daweeyo nooca 1-aad ee sonkorowga carruurta, waxaan rajeyneynaa in daawooyinkani ay ka hortagi karaan ama dib u dhigi karaan bilawga cudurka ee dhalinyarada," ayuu yiri Dr. Richardson.

Qoyska Gracie, oo ay ku jiraan Gracie oo xidhan muraayado casaan- ah

Xigashada Sawirka, Nye family

Ku dhawaad ​​400,000 oo qof oo ku nool UK ayaa qaba nooca 1aad ee sonkorowga.

Gracie oo siddeed jir ah oo ka timid Merseyside ayaa si lama filaan ah u xanuunsatay xilligii dabaadagii Halloween 2018. Waxay ku bilaabatay hargab fudud, laakiin si dhakhso ah ayya xaaladeedu u sii xumaatay.

"Waxay ahayd gabadh faraxsan, waxay aaday dugsiga," ayuu yiri aabbaheed Gareth.

"Waqtigan la ogaaday oo laga helay xanuunka waxay ahayd markii ugu xumayd nolosheenna, si lama filaan ah wax kasta oo aan u qaadannay waxay noqdeen 10-20 jeer ka sii adag," ayuu yiri.

Qoyskeedu waxay ahayd inay si dhakhso ah ula qabsadaan isbeddelkan cusub, oo ay ku jiraan la socodka waxay Gracie cuntay ama cabtay, hubinta heerka sonkorta dhiigga, iyo inay siiso insulin si ay uga caawiso jirkeeda inuu nuugo sonkorta dhiiggeeda.

Gracie hadda waxay haysataa kormeeraha waxayna "ka guulaysanaysaa xanuunka macaanka," ayuu yiri aabbaheed.

Labada nooc ee sonkorta

Cilmi-baarid

Xigashada Sawirka, Diabetes UK

Nooca 1 ee macaanka: Beer-yaraha ayaa joojiya soo saaridda maaddada insulin-ta, marka glucose ayaa raaca dhiiggeenna oo hoy ka dhigta.

Saynisyahannada ma oga waxa gaar ahaan sababay arrintan balse waxay rumeysan yihiin in laga yaabo inay tahay wax hiddaha qofka la xiriira amaba caabuq saameeya unugyada soo saara insulin-ta ee beer-yaraha. Ilaa 10 boqolkiiba dadku waxay qabaan nooca 1-aad ee macaanka.

Nooca 2 ee macaanka: Beer-yaruhu ma soo saaro insulin ku filan jirka amaba hoormoonku uma shaqeeyo sidii laga rabay.

Tan ayaa caadiyan ku dhacda dadka da' dhexaadka ah amaba dadka waayeelka ah, balse waxay sidoo kale ku dhacdaa dadka uu miisaankoodu culus yahay, iyo dadka ka soo jeeda dalalka qaar, sida Koofurta Aasiya.

Haweenka uurka leh qaarkood ayaa laga yaabaa inay ku dhacdo sokorta nooca gestational diabetes marka jirkoodu uusan insulin ku filan u soos aarin iyaga iyo ilmaha uurkaba.