You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Dhamaystirka iyo buuxinta biyo xireenka Itoobiya ee GERD Saamayn ma ku yeeshay biyaha Masar
Ra'iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa ku dhawaaqay in dalkiisa uu dhamaystiray dhamaan dhismaha shaqada biyo-xireenka weyn ee Itoobiya (GERD) kaasi oo si rasmi ah loo furi doono Siteembarta soo socota.
Abiy ayaa sidoo kale ku martiqaaday labadaba Masar iyo Suudaan inay ka soo qayb galaan munaasabada furitaanka ee biyo-xireenka, taasi oo uu ku qeexay "calaamad wanaagsan iyo faa'iido wadaag ah, oo aysan ahayn il khatar iyo colaad."
Si kastaba ha ahaatee, qaar ayaan aaminsanayn biyo-xireenka, habka Itoobiya ee dhismaheeda, qaabka uu ugu teedsan yahay dalalka, iyo qaabka ay dalalkaasi kula gaari karto isfaham ayaa lagu sifayn karaa qaabab wanaagsan, sida laga soo xigtay falcelino rasmi ah oo ay sameeyeen dhinacyada Masar iyo Suudaan.
Xaalka ayaa ilaa iyo hadda gaaray in Wasiirka Waraabka Masar Hani Sweilem uu ku qeexay ku dhawaaqitaanka dhamystirka iyo howlgalinta biyo-xireenka Siteembar ay tahay talaabo "sharci darro ah".
Maxaa dhacay?
Itoobiya ayaa bilowday dib u habaynta biyo-xireenka weyn 2011. Wadahadalada ay kala yeelatay Masar ee habka loo dhisayo iyo sida uu u shaqeynayo iyada oo uusan waxyeelanayn danaha dalalka uu marayo ayaa dhalisay saxiixa heshiiska mabaadi'da ee 2015. Si kastaba ha ahaatee, wadahadaladan, oo ay la socdaan dadaalada dhexdhexaadinta caalamiga ah, ayaa dhamaan guul daraystay in lagu gaaro heshiis u adeega danaha dhamaan dalalkaasi.
Abiy Axmed, oo ka hadlayay kulan baarlamanka oo uu ka qayb galo saddexdii biloodba mar si dib loogu eego habka shaqada ee dowladiisa iyo ka jawaabida su'aalaha xildhibaanada ee arrimo kala duwan ayuu ka sheegay Masar aysan ku lumin doonin biyo-xireenka hal litir oo wadaagga biyaha ay heli jirtay ah.
Waxa kaloo uu ku soo celiyay in dalkiisu uu diyaar u yahay ka qaybgalka wadahadal ay la yeeshaan Suudaan iyo Masar wakhti kasta si loo gaaro "danaha dhamaan qaybaha iyo horumarka wadaaga ah".
Waxa uu tilmaamay in "Itoobiya ay ka go'an tahay xaqiijinta kor u kaceeda oo uusan wax u dhimin walaalaheeda Masar iyo Suudaan. Waxaan aaminsanahay horumar wadaag ah, tamar wadaag ah iyo biyo la wadaago".
In kasta oo uu sheegay Masar wadaageeda biyaha Nile in uusan ka nusqaamin "hal litar," tirooyinkii u dambeeyay waxa ay muujinayaan dhinaca kale.
Cabaas Sharaky, oo ah barafasoor maalgelinta biyaha ee Jaamcada Qaahira, ayaa u sheegay BBC "Celiceliska qulqulka sannadlaha ah ee Blue Nile uu ahaa 84 sano (1911 ilaa 1995) 50 bilyan oo mitir iskuwareeg ah, taasi oo ah 60% ee qulqulka Nile ee Aswan (84 bilyan oo iskuwareega). Heerka ugu sareeya daadka ee sanadihii dhowaa ayaan kor u dhaafin 61 bilyan oo mitir oo iskuwareeg ah, taasi oo aan dhicin intii lagu guda jiray wakhtiga kaydka biyaha, laakiin waxa ay si uga badnayd celceliska 55 bilyan oo mitir oo isku wareeg ah. "
"Sharci daro iyo kahor imaadka sharciga caalamiga ah"
Hani Suweilam, Wasiirka waraabka Masar ayaa sheegay Qaahira ay "gabi ahaanba ay diiday iskuday kasta oo horumar looga sameeyo Itoobiya oo dhibaato ku ah xuquuqda dalalka uu maro wabiga. "
Suwailem ayaa ku eedeeyay Itoobiya inay "ka warwareegayso intii ay gali lahayd wadahadal dhab ah"
Wasiirka ayaa ku dhawaaqitaanka dhamaystirka biyo-xireenka ku tilmaamay inay tahay mid si " cad uga hor imaanaysa shuruucda caalamiga ah, gaar ahaan sharciyada la xiriira sida cadaalada iyo sida siman loogu isticmaalayo ilaha biyaha caalamiga iyo mamnuucitaanka inay sababaan waxyeelo halis ah. "
Waxa uu kaloo sheegay talaabooyinka Itoobiya ay yihiin "isku dayo rasmi ah oo lagu hor marinayo sawirka Itoobiya ee caalamka iyo in loo soo bandhigo inay tahay qaybta gudbinaysa wadahadalka.
Walaaca Masar ee wadaaga qaybteeda Biyaha Nile
Daraasado iyo qoraalo ayaa muujiyay sanadihii u dambeeyay in Masar ay luminayso qayb muhiim ah oo wadaageeda biyaha Nile sababtuna ay tahay dhismaha biyo-xireenka GERD.
Qaar ayaa soo jeediyay in Masar ay lumin karto saddex meelood meel wadaageeda biyaha Nile, sababtuna ay tahay kaydinta xooggan ee tirada biyaha ee biyo-xireenka GERD.
Si kastaba ha ahaatee, Sharaki ayaa sheegay, "in aysan run ahayn sheegashada qaar, iyada oo aan cilmi ku salaysnayn, in wabiga Blue Nile qulqulkiisa sanadlaha ah uu buuxiyo 75 bilyan oo mitir isku wareeg ah, ayna tahay sababta Masar aysan u saamayn, " iyada oo qeexaysa kororka biyaha roobka aysan ahayn kali ah sababta aysan u sii saamayn.
Waxa uu intaa ku daray, "bilowgii sanadaha buuxinta harada biyo-xireenka, qaar ayaa dhiirigalinayay fikirka laba milyan oo hektar oo dhul ah ay ka jarmayso beeraha Masar, iyada oo heerka biyaha ee dhulka la siman uu hoos u soo dhacayo. " laakiin tani, si kastaba ha ahaatee ma aysan ka dhicin dhulka.
Khariidada nidaamka beerashada Masar
Waxa uu la kulmay nidaamka beerashada Masar isbeddel weyn sannadihii u dambeeyay, iyada oo maamulada ay raadinayaan fududaynta saamaynta suurtaglka ah ee qaybta wadaaga Masar ee wabiga Nile ee ka imaanaysa dhismaha biyo-xireenka GERD.
Nuur El-Din ayaa sheegay, "Go'aanka hoos loogu dhigayo beerashada bariiska iyo mamnuucitaanka dhoofinta uu sameeyay Wasiir Rashiid Maxamed Rashiid 2010, ka hor biyo-xireenka Itoobiya oo la dhamaystiray April 2011.
Sharaky ayaa intaa ku daray in Masar ay qaadatay go'aanada "beddelka qayb ka mid ah beerahashada qasabka oo ay ku beddeshay geedaha sonkorta, ayna ka mamnuucday beerashada mooska deegaanada qaar, ayna howlgalisay 100,000 oo hektar mashruuca guricagaaran si ay u fududeyso saamaynta suurtagalka ah ee biyo-xireenka GERD.
Booska Suudaan
Suudaan ma soo saarin jawaab rasmi ah oo la xiriirta casuumaada Abiy Axmed ee iyaga iyo Masar inay ka soo qayb galaan furitaanka rasmiga ah ee biyo-xireenka GRED.
Dhibaatooyinka gudaha ee Suudaan ayaa laga yaabaa inay ka dambayso in aan dareen la siin arrintan, ayna muhiimada siiyeen mudnaano kale oo colaado dalkaasi ka jirta.
"Xaaladaha hadda jira ee Suudaan ayaa soconayay in ka badan 2 sano iyaga oo saamayn ku yeeshay isticmaalka Suudaan ee qaybteeda wadaaga biyaha Nile ama kaydkeeda biyo xireenadeeda, iyada oo biyo-xireenada ay beegsadeen ciidamada dagaalamaya, " ayuu yiri Nuur El-Din.
Waxa uu intaa ku daray "Sidaasi darteed, waxaa jira qayb ballaaran oo wadaaga Suudaan ee biyaha oo ah 18.5 bilyan oo mitir isku wareeg ah ay aaday Masar.
Biyo La'aanta
Masar ayaa la dhibtoonaysa biyo yaraanta, iyada oo u saraysa liiska dalalka qalallan ee leh di'taanka ugu yar roobka caalamka, waxaana ugu weyn oo ay ku tiirsan tahay wabiga Nile oo 98% ka ah illaha biyaha ay ka hesho.
Lix dal ayaa ansixiyay heshiiska Entebbe ee sannadkii hore, oo ay ugu dambaysay Koonfurta Suudaan, taasi oo wadada u xaartay dhaqangalinteeda ka dib 14 sano oo aan talaabo la qaadin.
Heshiiska Entebbe ayaa bilaabay habka sharci cusub oo lagu xallinayo muranada iyo dib u habeenada maalgelinta biyaha, oo u ogolaanaysa dalalka uu maro inay samaystaan mashaariic biyo iyada oo aysan jirin heshiisyo hore oo dalalkaasi ah.
Midkoodna Masar iyo Suudaan ma saxiixin heshiiska Entebbe, mana aqoonsana, maxaa yeelay ma raacsana sheegashada labada dal ee xuquuqaha taariikhiga ee biyaha Nile, iyada oo lagu sallaynayo heshiisyada la saxiixay intii lagu guda jiray wakhtigii gumaystaha.