Xanuunka halista ah ee ku dhaca beerka iyo qalabka lagu baaro ee markii ugu horreysay la geeyay Soomaaliya

28-ka July, Hay'adda Caafimaadka Adduunka ee WHO waxa ay u xustaa Maalinta Cagaarshowga Adduunka si kor loogu qaado wacyiga cudurka, kaas oo saameeya beerka una horseeda kansarka beerka iyo cirrhosis.

Cagaarshowgu waa mid kamid ah xanuunnada ugu saameynta badan ee dunida ka jira isla markaana sida fudud la isku qaadsiin karo.

Waxaa jira calaamado dhowr ah oo uu caan ku yahay, isla markaana qofka qaba si fudud looga garan karo walow uu leeyahay heerar kala duwan.

Indhaha oo jaalle ah iyo kaadida oo jaalle noqota ayaa ka mid ah calaamadaha caadiga ah ee cagaarshowga. Haddii indhuhu nooc daallan noqdaan oo ay caddaan yihiin unugyada dhiigga oo yar awgood, waxaa loo yaqaan 'patches white'.

Cagaarshowga waa cudur la xiriira beerka. Inta aan wax ka ogaaneyno cudurkan, aan sidoo kale fahanno arrimaha caafimaadka beerka ee kale ee la xiriira.

Beerku waa xubin muhiim u ah jirkeena. Waa maxay shaqadiisu?

  • Ka ilaalinta jirka sunta cuntada ku jirta
  • Sunta oo laga saaro jirka
  • Soo saarista borotiinno lagama maarmaan u ah wareegga dhiigga ee jirka
  • Ilaalinta heerarka saxda ah ee kolestaroolka ee jirka
  • Kaydinta milixda iyo biraha

Carruurta ayaa ka mid ah dadka uu saameeyo iyaga oo qaarkood ku dhasha sababo la xiriira in ay ka qaadaan hooyada uurka leh ee xanuunkan qabta.

Dr. Osman Mohammud Dufle oo ka mid ah guddi dhowaan loo magacaabay in ay soo darsaan howlaha la xiriira cagaarshowga ayaa BBC-da uga warramay sida uu carruurta u saameyn karo.

“Hooyada dhaleysa weli dadku kuma baraarugsana in ay u iscmaalaan tallaal, taas ayaana keenta in carruurta uu saameeyo welibana nooca loo yaqaanno Cagaarshowga B-ga oo xilligaas faafa carruurtuna ay qaadaan isla markaana khatarta ah”.

Khubarrada UK ayaa aaminsan inay ogaadeen sababta keentay dhibaatooyinka beerka ee dahsoon ee dhawaanahan saameeyay carruurta yaryar ee adduunka.

Baaritaanada ayaa soo jeedinaya in laba fayras oo caadi ah ay soo laabteen kadib markii xiritaannada masiibada covid-19 ay dhammaatay oo ay kiciyeen xaaladaha cagaarshow naadir ah laakin aad u daran.

In ka badan 1,000 carruur ah oo badankoodu ay da'doodu ka yar tahay shan sano, kuna nool 35 waddan ayaa loo maleynayaa inay saameysay marka loo eego qiyaas la sameeyay 2022-kii.

Qaarkood, oo ay ku jiraan 12 gudaha UK, ayaa u baahday beer-ka-beddelka naf badbaadinta.

Noocyada cagaarshowga oo saddex ah

Cudurkaan wuxuu imaan karaa iyadoo ay ugu wacan tahay tirada unugyada dhiigga oo aan ku filneyn ama burburka xad dhaafka ah ee unugyada dhiigga oo ay sababeen caabuqyada sida duumada. Waxaana loo yaqaan cagaarshowga Hemolytic.

Caabuqyada sida cagaarshowga, khamriga xad dhaafka ah, ama daawooyinka cudurada kale (gaar ahaan TB ama qaaxada) waxay dhaawici karaan beerka. Cudurada qaarkood waxay dhaawacaan beerka. Cagaarshowga ay keenaan noocaan waxaa loo yaqaan cagaarshowga hepatotoxic.

Cagaarshowga waxaa kale oo keeni kara dhagaxa xameetida ama kansar kasta ama barar kasta. Waxa loo yaqaan Obstructive ama cagaarshowga xannibaadda.

Qalabka lagu baaro ee Soomaaliya la geeyay

Soomaaliya ayaa laga suura geliyay in laga helo qalab lagu baaro xanuunka cagaarshowga oo Soomaali badan saameeyay.

Qalabkan oo aan horay u oollin Soomaaliya ayaa la sheegay in uu caawiyay bukaanno badan kaas oo sahlay in baaritaanno badan la sameeyay.

Tiro badan oo xanuunkan ah oo la diiwan geliyay maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa suura geliyay qalabka oo dhowr bukaan lagu baaray.

Dr. Osman Maxamuud Dufle ayaa mar kale faah-faahiyay qalabkan iyo sida ay dadku uga faa’ideysteen kaas oo sababay in baaritaanku uu bato.

“Qalabkan lagu baarayo xanuunka cagaarshowga ayaa bukaanno badan u sahlay in ay ogaadaan marxaladda ay ku sugan yihiin, sidoo kale horay uma uusan oollin dalka waana sababta ay u badatay bukaannada laga helay markii dad badan ay is baareen”.

Dr Dufle waxa uu sheegay in aysan jirin wacyi gelin badan oo xanuunkan la xiriirta taasina ay sababtay in bukaano badan laga helay.