Cunnada kumanaan sano ka hor la cuni jiray miyey ka caafimaad badan tahay tan hadda?

In wax loo cuno sida dadkii hore ayaa caan ka dhex ah dadka doonaya inay miisaankooda dhimaaan iyo kuwa doonaya inay u cunaan sida wax loo cuni jiray inta aan adeegsiga birta la baran ama xilligii dhagaxa wax lagu goyn jiray oo ah kumannaan sano ka hor, waayo waxay aaminsan yihiin inay sidaasi ka caafimaad badan tahay sida hadda wax loo cuno.
Cuntooyinkan ayaa la sheegay inay leeyihiin faa'iidooyin badan sida caafimaadka maqaarka, xoojinta nidaamka difaaca jidhka, xallinta dhibaatooyinka dheef shiidka iyo sidoo kale, in ay kaa caawiso dhimista miisaankaaga.

Xigashada Sawirka, HERMAN PONTZER
Balse …. sidee loo cunayaa qaab cunteedkan loo yaqaan (Paleolithic)? Cuntooyinkan ayaa waxaa ka mid ah miraha, khudaarta, hilibka jiidhka ah, kalluun, ukunta, lowska iyo iniinyo.
Cuntooyinkan ayaa la sheegay inay yihiin kuwii aadmigu cuni jiray xilligii ugaarsiga ee aan la baran beerashada iyo deegaamaynta.
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Dhammaadka X boggan
“Waxaa jira khaladaad badan oo laga aaminsan yahay waxa ay dadka cuni jireen waagii hore” ayuu yiri Pontzer mar uu u warramaya BBC-da laanta afka Mundo. “Male ayey ku salaysan tahay fikirka ah ina dadku waagii hore ay cuni jireen cunto dabiici ah oo kali ah.” Ayaga oo si toos ah ula shaqaynaya ayey cilmi-baarayaashu u fiirsadeen oo ay cabbireen waxa ay cunayaan ugaadhsatadu.
Dadka Hadzabes ee Tanzania
Pontzer wuxuu aaday Tanzania si uu daraaseeyo ulana noolaado dadka Hadzabes, oo ah bulsho ugaadhsato ah oo lagu qiyaasay inay u nool yihiin sida ugu dhow ee dadkii hore u noolaayeen.
Baddalka beerashada ama dhaqashada xoolaha, dadka Hadzabes waxay ku nool yihiin waxa ay helaan inta ay socdaan ee ugaadhsi ama dhir ah.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Si fiican ayuu u bartay Pontzer, oo tobankii sano ee lasoo dhaafay ku bixiyey daraasaynta dadkan ee caafimaadkooda iyo qaab-dhismeedkooda. Waxay socdaan ilaa 10 kiiloomitir maalinkii, ayagoo ugaadhsanaya duur-joogta, malab jabsanaya, xididdo qodanaya, mira guranaya, ama biyo iyo xaabo wata.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Kadib markii uu darsay xogta bulshadan laga aruuriyey iyo bulshooyin kale oo caalamka ku kala nool, cilmi-baarahani wuxuu sheegay in aanay jirin wax la yiraahdo ‘paleo diet’, oo ay dadka qaar aaminsan yihiin inay tahay noocyada cuntada ee dadkii hore cuni jireen, wuxuu sababta ku sheegay in ugaadhsatadu ay heli jireen nafaqooyin aad ubadan oo kala duwan, iyada oo ku xiran cimilada, xiliga iyo xaalada kale oo badan.
Inkastoo ay run tahay in cunnada duurka ee khudaarta sida xididka, iyo miraha ay leeyihiin kalooriyad, cusbo iyo baruur yar, haddana si lamid ah waa run in badanaa cuntooyinka dadkan la daraaseeyay aanay ku yarayn baruurta iyo karbohaydaraytyada sida ay ku doodayaan dadka aaminsan qaabka nafaqada ee Paleo loo yaqaan. Pontzer ayaa sheegay in ugaadhsatadu ay cuni jireen cunnooyin ay ku badany ihiin karbohaydaraytyada, macaanka, khudaarta xididka, malab iyo waliba hadhuudh, arrintan oo ka hor imaanaysa fikirka laga qabo sida ay wax u cuni jireen dadkan ugaadhsatada ahi.
Waxaa jira xogo la aruuriyey dhowr boqol oo sano ka hor kuwaasoo ay ku jiraan caddaymo muujinaya waxyaabaha ay cini jireen dadkani. Xogta sida ku cad ma jirin hal qaab nafaqo oo si gaar ah dadku u cuni jireen,” Sida caadiga ah dadkii hore waxay cuni jireen cuntooyin ka kooban dhir iyo xayawaan, balse aad u kala duwan.”
Maxaan u cayilannahay marka nala barbardhigo dadkii hore?
''Su’aasha ugu wayni waa tan” ayuu yiri cilmi baaruhu.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Waxaa jira sababo badan. Mid ka mid ahi waa inaan cunno cuntooyin badan oo warshadaysan, ayuu ku sharraxay.
Waxaa kamid ah sababaha inaan cunno cuntooyin laga saaray borotiinka iyo faybarka, lagu daray sonkor iyo saliid, dhadhan macmal ah iyo waxyaabo kale.
Jidhkeennu wuxuu u diyaarsan yahay cuntooyinka fud fudud, balse cuntooyinka lagu gado dukaamada si toos ah ugama iman dhirta, dhulka amaba ugaadhsi.
Haddaba markii dhankaas laga eego, ma fududo in cunto caafimaad la cuno.
‘’Waxan isku dayaa inaan iska ilaaliyo cuntooyinka aadka loo warshadeeyay, balse kaamil ama ah imana raaco nooc cunto oo gaar ah,” ayuu yiri Pontzer.
‘’Sida qaar badan oo dadka ka mid ah anigaba mararka qaar ayaan iska celinwaayaa inaan cuno cuntada la warshadeeyay oo macaan.’’










