Loollanka loogu jiro cidda qabanaysa xilka raysul wasaaraha UK oo billowday

Liz Truss ayaa iska casishay xilka raysul wasaaraha UK, kaddib 45 maalin oo ay xafiiska joogtay, isla markaana uu jahawareer siyaasadeed hareeyay.

Waxaa iscasilaaddeeda ay dhalisay in doorashadii labaad ee hoggaanka xisbiga la qabto afar bil gudahood.

Waxaa durba billowday loollanka ay madaxda kala duwan ee xisbiga ugu jiraan qabashada xilka ay banneysay.

Truss ayaa sheegtay in qofka beddeli doona la dooran doono toddobaadka soo socda.

Boris Johnson ayaa ka mid ah mudaneyaasha la sheegay inay ka fiirsanayaan ka qeybgalka tartanka, balse wasiirka maaliyadda Jeremy Hunt ayaa sheegay in uusan damac ka hayn xilka.

Sida uu dhigayo sharciga xisbiga, cid kasta oo ay rejo ka hayso hoggaanka ayaa u baahan doona inay xaqiijiso taageerada 100 xildhibaan si ay tartanka uga qeyb gasho - tani waxay ka dhigan tahay in ugu badnaan ay saddex murashax soo bixi karaan.

Codeynta ugu horreysa ayaa loo qaban doonaa xildhibaannada, waxaana meesha laga saari doonaa qofka ugu codka yar, haddii ay soo baxaan saddex murashax.

Haddii loo baahdo cod-bixin labaad, xildhibaannadu waxay awood u yeelan doonaan inay farta ku fiiqaan cidda ay doonayaan in ay hoggaanka xisbiga qabato.

Haddii labada murashax ay door-bidaan inay ku sii jiraan tartanka, go'aanka kama dambaysta ah wuxuu tagi doonaa xubnaha xisbiga iyada oo loo marayo cod online ah.

Truss waxay noqon doontaa raysul wasaarahii ugu waqtiga yaraa taariikhda Ingiriiska marka ay xilka ka degto.

Kumaa laga yaabaa inuu raysul wasaarenimada ka beddelo Liz Truss?

Ficliyan, waxay u badan tahay inay jiri doonaan labo tartame; ama xitaa mid un, kaas oo noqon kara hoggaamiyaha xiga iyadoo aanay u codeyn xubnaha baarlamaanka ee Tory.

Ilaa iyo hadda ma jiro qof xaqiijiyay inuu isu soo taagayo xilka hase yeeshee wxaa jira murashaxiin loo badinayo inay loollamaan.

Siyaasiyiinta la hadal-hayo waxaa ku jira Rishi Sunak oo tartamay xagaagii la soo dhaafay markii uu xilka ka degay Boris Johnson. Wuxuu tartan adag la galay Truss, isagoo taageerada ugu badan ka helay xildhibaannada Conservative-ka.

Sunak wuxuu 2015 noqday xildhibaan ka soo baxay deegaan-doorashada North Yorkshire ee Richmond.

Dadka kale ayaa kala ah Penny Mordaunt oo xildhibaanad ah, Boris Johnson oo ah raysul wasaarihii ka horreeyay Liz Truss, Ben Wallace oo sidoo kale xildhibaan ah iyo Kemi Badenoch oo ka mid ah dadka sida la-yaabka leh dhowaan ugu tartamay hoggaanka. Marwadan oo ku dhalatay koonfurta London waxay ku soo barbaartay Mareykanka iyo Nigeria. Waxaa kale oo magacyada soo galay Suella Braverman oo ah wasiir hore.

Qaabka ay madaxda caalamka uga fal-celiyeen iscasilaadda

Hoggaamiyeyaasha dalalka xulafada la ah UK ayaa uga mahadceliyay Truss wada shaqaynteeda, intii ay xilka haysay.

Madaxweyneyaasha Mareykanka Joe Biden iyo Faransiiska Emmanuel Macron, ayaa sheegay in ay doonayaan in ay arkaan xasillooni siyaasadeed oo ka hirgasha Britain.

Mid ka mid ah xildhibaannada Ukraine - Oleksiy Goncharenko - ayaa sidoo kale Truss uga mahadceliyay taageeradeeda, isagoo sheegay in "Ukrain aysan waligeed illoobi doonin!".

Balse, dhanka Ruushka afhayeen u hadashay wasaaradda arrimaha dibadda ayaa soo dhaweysay iscasilaadda Truss , iyadoo sheegtay in Britain aysan waligeed soo marin waji gabax la mid ah midka raysul wasaaraha is-casishay.

Maxaa ka mid ah sababaha soo dadejiyay iscasilaaddeeda?

Tageeradeeda wasiirka maaliyadda, Kwasi Kwarteng oo soo bandhigay canshuur-dhimis gaaraysa 45 bilyan, toddobadakii saddexaad ayaa keentay qalalasaase siyaasadeed oo dhanka dhaqaalaha ah.

Waxaa loo jeediyay eedaymo dhaqaale-xumo oo culus, waxayse ku adkeysatay in tallaabadaas ay qaadday ay sax ahayd.

Mar dambe ayaa tallaabadaas laga noqday, xilkana laga eryay wasiirkii maaliyadda.

Truss ayaa beddeshay raysul wasaarihii hore ee Ingiriiska Boris Johnson, lixdii bishii Sebteembar.

Horay waxaa u dhacday in 119 maalin uu xilka hayay George Canning, kaas oo xafiiska ku geeriyooday sanadkii 1827.