Maraykanka oo cunaqabateyn ku soo rogay koox Israa'iili ah oo is hortaagi jirtay gargaarka

Dawladda Maraykanka ayaa waxay cunaqabateyn ku soo rogtay koox Israa’iili ah oo ay sheegtay in ay weerartay kolonyo waday gargaar bani’aadanimo oo ku sii jeeday Gaza.

Wasaaradda arimaha dibadda ee Maraykanka ayaa sheegtay in urur xiriir laleh Israa’iil oo iskood ah ula hawlgal dadka dadka sharci darrada ku daggan Daanta Galbeed cuna-qabateyn la saari doono, sidoo kalana dadka Maraykanka ah oo dhan laga mamnuuci doono in ay wax macaamil ah la sameeyaan.

Muddo bilooyin ah ayaa waxaa kooxaha ololeeyayaasha ee Israa’iil ay ka hortagayeen in kolonyoooyinka wada gargaarka bani’aadanimo ay u gudbaan dhinaca Falastiin, gaar ahaan Markinka Gaza.

Bishii May saddex iyo tobankeedii, waxaa la duubay dibadbaxayaal weeraraya laba gaari oo xamuulka qaada oo ku sugnaa Daanta Galbeed ee la haysto, iyaga oo jeexjeexayay, sidoo kalana burburinayay jawaano ay ka buuxdo qamadi, waxa kale oo ay gubayeen gaadiidka. Aqalka Cad ayaa ku tilmaamay “bililiqadaas” gaadiidka waday gargaarka “in ay ahayd xadgudub cad”.

Mar ay war soo saareen ururka haatan la xayiray ee loo yaqaano Tsav 9, ayay sheegeen in ficiladii ay ku kaceen dibadbaxayaashu ay ahaayeen “kuwa aan ka turjumin qiyamka xarakadooda.

Balse waxay intaas ku dareem, “Hor istaagga gaadiidka xamuulka ah waxay aheed talaabo la qaaday wax ku ool ah, inanga oo leh: Wax waddo ah oo gargaar marayo ma jiraan ilaa la soo celiyo maxbuuska ugu dambeeya.”

Wasaaradda arimaha dibadda ayaa Jimcihii sheegtay in cunaqabteynta Maraykanka la saaray ururkaan Israa’iiliga ah ay timid iyada oo la raacayo amar sare oo uu saaray madaxweynuhu to ku aadaanaa in laga hortago xadgudubyada ka dhaca Daanta Galbeed, taas oo uu saxiixay Joe Biden bishii Febraayo ee aynu soo dhaafnay.

Wasaaradda arimaha dibadda ayaa war ay soo saartay ku sheegtay, “Muddo bilooyin ah, xubno ka tirsan Tsav 9 ayaa waxay si joogta ah u doondoonayaan in ay carqaladeeyaan gargaarka bani’aadanimo ee u socda Gaza, iyaga oo sameynaya jidgooyooyin, mararka qaarna gacan-ka-hadal, laga soo bilaabo marka gargaarku ka soo baxo Jordan ilaa uu ka gaarayo Gaza, iyo xitaa marka uu ka gudbayo Daanta Galbeed”.

Wasaaradda ayaa kol sii horaysay waxay cunqabateyn saartay Israa’iiliyiinta sharcidarrada ku dagan Daanta Galbeed ee ku lugta leh weerarada Falastiiniyiinta iyo sidoo kale kooxo hubeysan oo Falastiiniyiin ah.

Sidoo kale ciidamada Israa’iil ayaa waxaa markooda lagu eedeeyay in ay ka hortageen in gargaar gaaro Gaza, inkasta oo ay iska diideen eedeyntaas.

Hay’adda Qaramada Midoobay ayaa waxay ka digtay in in ka badan hal milyan oo ruux ay wajihi doonaan macluul bartamaha July, hadii aan gargaar badan aan loo ogolaan in uu u gudbo gudaha Marinka.

In ka badan 37,000 oo ruux ayaa la dilay, boqolaal kun wax ka bandanna waa ay ku dhaawacmeen ama ku barakaceen weerarka Israa’iil ay ka wado Gaza, sida laga soo xigtay wasaaradda caafimaadka ee gudaha.

Dagaalkaan ayaa waxa uu bilowday kadib markii ay Xamaas weerartay Israa’iil todobadii Oktoobar, iyada oo halkaas ku dishay 1,200 oo qof sidoo kalana maxaabiis ah u wadatay 251 kale iyada oo geysatay gudaha Gaza.