Muxuu yahay tallaalka cusub ee Malaariyada ee la soo saaray?

Xigashada Sawirka, KATIE EWER
Tallaalka duumada oo leh awood "isbefdel ku sameyn karta adduunka" ayaa waxaa sameeyay saynisyahanno ka tirsan jaamacadda Oxford.
Kooxdu waxay filaysaa in ay si buuxda u soo saarto sanadka soo socda kaddib markii tijaabooyinkii la sameeyay ay muujiyeen ilaa 80% in tallaalku uu waxtar u leeyahay ka hortagga cudurka dilaaga ah ee mallaariyada.
Muhiimadda uu leeyahay tallaalka ayay saynisyahannadu ku sheegeen inuu yahay raqiis, ayna horay u galeen heshiis ah inay ku soo saaraan in ka badan 100 milyan oo dawada tallaalka ah sanadkiiba.
Hay'adda samafalka duumada ee No More ayaa sheegtay in horumarkan uu la macno yahay in carruurta u dhimanaysa mallaariyada ay meesha uga bixi karto "si abidi ah".
Waxay qaadatay in ka badan qarni in la sameeyo tallaalo wax ku ool ah maaddaama barasaytka (parasite) malaariyada sababa ee ay faafiso kaneecada uu yahay mid aad u adag oo aan muuqan.
Sanadkii la soo dhaafay, Ururka Caafimaadka Adduunka ayaa fursad taariikhi ah siisay shirkadda weyn ee dawooyinka (GSK) si ay u soo saarto tallaalkii ugu horreeyay ee malaariyada oo laga isticmaalo Afrika.

Xigashada Sawirka, Burkina Faso
Hase yeeshee, kooxda seynisyahannada ah ee Oxford waxay sheeganayaan in tallaalkoodu uu waxtar badan yahay, sidoo kalena wax badan la soo saari karo.
Natiijooyinka tijaabada lagu sameeyay 409-ka carruur ah oo ku nool Nanoro, Burkina Faso, ayaa lagu daabacay jaraa’idka Sheybaarka Lancet Diseases Infection.
Tijaabooyinka tallaalku waxay muujinayaan in ilaa iyo siddeetan boqolkiiba uu yahay mid waxtar leh marka la eego labadii sano ee la soo dhaafay.
"Waxaan u maleyneynaa in xogtan ay tahay tii ugu wanaagsanayd ee laga helay goobaha lagu sameeyo tallaalka duumada," ayuu yiri Prof Adrian Hill oo ah maamulaha Machadka Jenner ee jaamacadda.
Kooxdu waxay billaabi doontaa habka lagu ansixinayo tallaalkooda dhowrka toddobaad ee soo socda, laakiin go'aanka kama dambaysta ah wuxuu ku xirnaan doonaa natiijada tijaabo weyn oo lagu sameeyo 4,800 oo carruur ah ka hor dhammaadka sanadka.
Malaariyada waxay ahayd mid ka mid ah aafooyinka ugu waaweyn ee soo maray hay’adaha bani'aadannimada, waxayna inta badan dishaa dhallaanka.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Cudurku wuxuu weli dilaa in ka badan 400,000 oo qof sanadkiiba, xitaa kaddib horumar la taaban karo oo lagu sameeyay maro kaneecooyinka lagu xirto sariiraaha iyo sunta cayayaanka.
Tallaalka hadda la ansixiyay - ee ay samaysay shirkadda GSK - wuxuu la mid yahay kan Oxford lagu sameeyay.
Labaduba waxay bar-tilmaameedsadaan marxaladda koowaad ee parasite-ka nolosha kaneecada iyagoo dhexda u galaya ka hor inta aysan gaarin beerka, kaddibna ku faafin qeybaha kale ee jirka.
Tallaalka waxaa lagu dhisay isku-dar borotiinno ka yimid parasite-ka duumada iyo fayraska cagaarshowga B. Laakiin, nooca Oxford wuxuu leeyahay qayb sare oo borotiinnada duumada ah. Kooxdu waxay u malaynaysaa inay tani ka caawinayso habka difaaca jirka inuu diiradda saaro duumada, halkii uu ka saari lahaa cagaarshowga.
Guusha tallaalka GSK waxa ay qayb ahaan waddada u xaartay Oxford in ay rajo ka qabto in tallaalkooda la soo saaro sanadka soo socda.
Way adag tahay in si toos ah loo barbardhigo labada tallaal. GSK waxay soo martay tijaabooyin caalami ah oo waaweyn, halka xogta Oxford laga yaabo inay u muuqato mid wax-ku-ool ah, sababtoo ah waxaa tallaalkooda lagu soo beegay wax yar ka hor xilliga duumada ee Burkina Faso, waxaana lagu tijaabiyay carruur badan.










