Sawirro aan horay loo arag oo laga helay goobaha uu ka socdo dagaalka Tigray

Xigashada Sawirka, MAXAR TECHNOLOGIES
Sawirrada Satellite-ka ayaa muuqaal naadir ah ka bixiyay dagaallada ka soo cusboonaaday gobolka Tigray ee dalka Itoobiya, taas oo ka mid ah colaadaha aan xogta badan laga hayn ee caalamka, halkaas oo isgaarsiinta la jaray, saxafiyiintana loo diiday inay booqdaan.
Sawirrada oo la qaaday bishan ayaa muujinaya ciidamo iyo saanad milatari oo ay Itoobiya ku urursanayso xadka ay la wadaagto Eritrea, oo taageersan raysul wasaare Abiy Axmed oo ka soo horjeeda kooxda Tigray oo maamusha gobolka Tigray.
Eritrea ayaa dhawaan sida la sheegay abaabushay ciidamadeeda kaydka ah si ay weerar ugu qaaddo gobolka Tigray.
Dagaallada ayaa dib u qarxay bishii Agoosto kaddib markii ay burburtay xabbad-joojin bani'aadannimo oo jirtay muddo shan bil ah.
Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan cunnada adduunka ayaa ku qiyaastay in 13 milyan oo qof ay u baahan yihiin gargaar guud ahaan waqooyiga Itoobiya ee uu aafeeyay dagaalka sokeeye.
Sawirradii ugu horreeyay waxaa la qaaday 26-kii Sebteembar magaalada Shiraro ee waqooyi-galbeed, taas oo ku jirtay gacanta ciidamada Tigray.
Sawirka kore ayaa muujinaya waddada weyn ee ka baxda magaalada ee dhanka bari.
Taankiyada waxaa lagu diyaariyay waddada weyn ee bidixda hoose ka baxda. Midigta waxa ku yaalla isbitaalka Maiani, oo la furay 2014, kaas oo leh qolal qalliin, qaybta dhalmada, xarumaha raajada iyo 35 sariir.
Sanadkii aan soo dhaafnay warbixinnada ayaa muujinayay in isbitaalka uu burbur xooggan soo gaaray.
Hay'adda samafalka ee MSF ayaa sheegtay bishii Maarso ee 2021-kii in shaqaalaheeda ay ka war heleen in isbitaalka Maiani - "la bililiqaystay, isla markana si ula-kac ah weerar loola bar-tilmaameedsaday".

Xigashada Sawirka, MSF
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
MSF waxa ay tiri, "Inkasta oo bililiqada qaar laga yaabo in ay ahayd mid fursad ah, haddana goobaha caafimaadka intooda badan waxa ay u muuqdaan in si ula-kac ah loo burburiyay si looga dhigo kuwo aan shaqayn."
BBC-da ayaa la hadashay sarkaal sare oo ka mid ah shaqaalaha gargaarka oo ku sugan magaalada Shire oo 95km bari ka xigta magaalada Shiraro. Wuxuu sheegay in ilaa 210,000 oo qof ay ka qaxeen Shiraro iyo nawaaxigeeda, waxayna aadeen Shire ilaa 1-dii Sebteembar.
"Muddo hal toddobaad ah ka hor inta aysan dadku ka bixin magaalada, waxaa socday duqeymo is-daba-joog ah, 24-saac oo xiriir ah," ayuu u sheegay BBC-da.
Waxaan qarinnay aqoonsiga shaqaalaha gargaarka sababo ammaan dartood.
Wuxuu BBC-da u sheegay in sida ay sheegeen dadka qaxaya iyo shaqaalihiisa oo la geeyay Shiraro, in Isbitaalka Maiani uu hadda ku jiro gacanta ciidamada Eritrea iyo kuwa Itoobiya.
Taariikhdu markii ay ahayd 13-kii Sebteembar, ka hor inta aan la qaadin sawirradan ugu dambeeyay ee dayax-gacmeedka, madaxa ciidamada Tigray, Jeneral Tedesse Werede, ayaa u sheegay warbaahinta maxalliga ah in "ciidamada wadajirka ah ee Eritrea iyo Itoobiya ee ku sugan Shiraro ay la wareegeen aagagga Shiraro ilaa Ademeiti".
Ma cadda cidda hadda gacanta ku haysa Shiraro – Samafalaha ku sugan Shire ayaa BBC-da u sheegay in maalinba maalinta ka dambaysa ay isbeddelaan.
Dayx-gacmeedka wuxuu sidoo kale soo bandhigay goob ay yaallaan wax u muuqda madaafiicda goobta.
Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dowladaha Eritrea iyo Itoobiya oo ku aaddan joogitaankooda Shiraro.
Laakiin, toddobaadkii hore, Ergeyga gaarka ah ee Maraykanka u qaabbilsan Geeska Afrika ayaa u sheegay warfidiyeenka in uu Maraykanku ka walaacsan yahay ciidamada Eritrea ee u soo tallaabaya dhinaca Itoobiya, waxaanu yiri “waa inay joojiyaan”.
Lix kiiloomitir oo dhanka kale ka xigtay magaalada Shiraro waxaa shirkadda dayax-gacmeedyada ee Maxar uu sawiradeedu qabtay 45 gaari oo saf dheer ku jira. Waxaa gaadiidkaas ka dhex muuqda tiro basas ah waxayna u socdaan magaalada.

Xigashada Sawirka, MAXAR TECHNOLOGIES
Shan kiilo mitir waxaa waddada u sii jirta kolonyo kale, oo tiro ahaan ka yar ilaa 20 baabuur oo nooca dagaalka ah iyo basaska, kuwaas oo iyaguna ku wajahan dhanka Shiraro.
Tani waa waddada Adi Goshu ee ka timaada Shiraro ee dulmarta webiga Tekeze ilaa galbeedka Tigray ee magaalada ugu weyn, Humera – isla markaana sii aadda dhanka Eritrea.

Xigashada Sawirka, MAXAR TECHNOLOGIES
Galbeedka Tigray waxaa gacanta ku haya ciidamada Eritrea, kuwa dowladda Itoobiya iyo ciidamada gaarka ah ee Amxaarada, tan iyo markii ay billowdeen dagaallada dhamaadkii sanadkii 2020.
Saraakiisha gobolka Axmaarada ayaa ku andacoonaya in galbeedka Tigray ay iyagu leeyihiin.
Halkan, meel ka baxsan waddada Shiraro, wuxuu sawirka dayax-gacmeedku muujinayaa basas iyo gaadiid isku nooc ah oo ah kuwii horay loogu arkay waddada Goshu oo la dhigay hareeraha iyo inta u dhaxaysa dhismeyaasha qaark.
Subaxdii xigtay, sawirka dayax-gacmeedka ee isla goobta laga qaaday ma muujinayo baabuurta - taasoo ka dhigan inay ka guureen aaggaas.

Xigashada Sawirka, MAXAR TECHNOLOGIES
Sida lagu sheegay dukumeenti ka soo baxay xafiiska Qaramada Midoobay ee isku xirka arrimaha bani'aadannimada oo ay aragtay BBC-da, ugu yaraan 10 qof ayaa lagu dilay dagaal ka dhacay Shiraro iyo agagaarkeeda 14-kii Sebteembar.
Maxar waxay kaloo soo bandhigtay sawirro laga qaaday 19-kii Sebtember agagaarka magaalada Serha, ee ku taal Eritrea, taas oo hal kilomitir u jirta xudduudda Itoobiya, oo aan ka fogayn magaalada Zalambessa ee dalka Itoobiya.
Sawiro kale oo uu dax-gacmeedku qaaday ayaa sidoo kale muujiyay taankiyo waaweyn oo taagan xudduuda labada dal ee Itoobiya iyo Eritrea.













