Maxaan ka naqaan daroonka casriga ah ee Ruushka ee ay Itoobiya dhowaan soo bandhigtay?

Daroonka Ruushka

Xigashada Sawirka, SM

Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Itoobiya ma tahay waddankii ugu horreeyay ee Afrika ah ee hub Ruush ah oo nooca daroon cusub ah qaata?

Toddobaadkii hore, Itoobiya ayaa munaasabad u qabatay xuska 90-guuradii ka soo wareegtay aasaaska Ciidankeeda Cirka, iyadoo bandhig ku muujisay awoodda ciidan ee ay leedahay.

Bandhiggaas, marka laga reebo diyaaradaha dagaalka, waxaa sidoo kale lagu soo bandhigay diyaarado dagaal oo kuwa aan duuliyaha lahayn ah oo ay soo saareen dalal kala duwan, kuwaas oo lagu soo bandhigay gudaha Itoobiya.

Waxaa ka mid ahaa daroonka Ruushka sameeyo ee Orion-E UAV, oo ah mid dhexdhexaad ah.

Tani waxay ka dhigaysaa Itoobiya waddankii ugu horreeyay ee ka baxsan Ruushka ee si rasmi ah u helo daroonkan.

Sawirrada diyaaradda ayaa lagu baahiyay bandhigga Aviation Expo 2026 ee ka dhacay Bishoftu.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya ayaa sidoo kale xaqiijisay in dalka uu helay daroonkan Ruushka.

Sidoo kale, wargeyska milatariga Ukraine ee Defense Express oo soo baxay 27-kii Janaayo ayaa sheegay in Ruushku Itoobiya siiyay 6 diyaaradood oo Yak-130 ah iyo hal daroon Orion ah.

Drone-ka Ruushka ee Orion-E oo lagu soo bandhigay Itoobiya

Xigashada Sawirka, SM

Qoraalka sawirka, Drone-ka Ruushka ee Orion-E oo lagu soo bandhigay Itoobiya

Ciidanka Cirka Itoobiya ayaa soo bandhigay drone-ka Orion-E iyo kuwo kale oo dalal kala duwan laga sameeyay, kuwaas oo qabta hawlo kala duwan.

Warbixinno badan oo dhinaca milatariga ah ayaa sheegaya in Itoobiya ay sanadihii u dambeeyay samaysay horumar weyn oo dhanka hubka daroonyada ah.

Helitaanka drone-ka Ruushka ee Orion wuxuu kordhinayaa kaydka drone-yada Itoobiya, oo horey ay uga heli jirtay Turkiga, Iiraan iyo Shiinaha.

Sidoo kale, Itoobiya waxay sanadkii 2025 furtay warshad gudaha ah oo drone-yo lagu sameeyo.

Maxaa drone-kan ka dhigaya mid gaar ah?

Drone-ka Orion-E UAV

Xigashada Sawirka, Defence Intelligence of Russia

Qoraalka sawirka, Drone-ka Orion-E UAV

Itoobiya waa waddanka keliya ee ka baxsan Ruushka ee la xaqiijiyay inuu haysto drone-kan.

Tijaabadiisa wax-soo-saarka waxay bilaabatay 2016, halka 2021 uu galay suuqyada iibka.

Ruushku wuxuu drone-kan u adeegsaday dagaalladii Suuriya iyo Ukraine.

Drone-ka Orion:

Wuxuu duuli karaa dherer ilaa 7.5 km

Hal saac wuxuu mari karaa 120–150 km

Wuxuu qabtaa hawlo kormeer, basaasnimo, dabagal iyo weerar sax ah

Wuxuu hawada ku jiri karaa 24 ilaa 30 saacadood

Wuxuu qaadi karaa culays 200–250 kg

Wuxuu qaadaa bambooyin iyo gantaallo

Qiimaha rasmiga ah lama shaacin, balse khubarro milatari ayaa ku qiyaasay $300–500 milyan

In kasta oo ay Itoobiya si weyn u isticmaasho hub Ruush ah, haddana lama oga tirada drone-yada ay iibsatay.

Itoobiya waxay sidoo kale haysataa diyaarado Ruush ah sida Su-35, Flanker-E, iyo kuwo kale.

Dalalkee ayay Itoobiya ka heshay drone-yada?

Daroonka Turkiga

Xigashada Sawirka, Getty Images

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Itoobiya waxay ka heshay drone-yo dalal badan oo ay saaxiib la tahay, iyadoo si gaar ah diiradda u saartay horumarinta awoodda cirka iyo difaaca, sida uu sheegay Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed.

Itoobiya waxay drone-yo ka heshay Turkiga, Iiraan, Shiinaha, UAE iyo Ruushka.

Abiy Axmed wuxuu sheegay in Itoobiya qorshaynayso in 2030-ka ay labo jibbaaranto awoodda ciidankeeda cirka, isla markaana ay hesho hub casri ah oo jiilka shanaad ah.

Tani waxay muujinaysaa in Itoobiya ay doorbidayso istaraatijiyad hub ka iibsi dalal badan, halkii ay ku tiirsanaan lahayd hal waddan.

Sidoo kale, Itoobiya waxay bilowday inay isku darto, horumariso ama gudaha ku soo saarto drone-yo, taasoo muujinaysa mudnaanta ay siineyso arrintan.

Turkiga

Turkigu waa bixiyaha ugu weyn ee drone-yada dagaalka ee Itoobiya.

Itoobiya waxay haysataa Bayraktar TB2, oo ah drone caan ku ah weerarro sax ah iyo kormeer.

Waxaa la sheegay in TB2 laga adeegsaday dagaallada waqooyiga Itoobiya iyo Oromia, inkasta oo dowladda aysan si rasmi ah u qiran.

Iiraan

Iran waxay siisay Itoobiya Mohajer-6, oo ku habboon kormeer iyo weerar masaafo gaaban ah.

Drone-kan waa mid jaban marka loo eego kuwa reer galbeedka, balse si fudud loo bartilmaameedsan karo.

Shiinaha

Shiinaha wuxuu Itoobiya siiyay Wing Loong, oo leh awood weerar masaafo dheer ah, lagana hago saldhigyo fogfog.

Drone-yadan Shiinaha ayaa muddo dheer lagu isticmaali jiray Afrika.

Drone-yada UAE iyo Ruushka ee dhawaan la helay waxay taageeraan howlaha basaasnimo, dabagal iyo weerar.

Itoobiya sidoo kale waxay sheegtay inay gudaha ku soo saarto boqollaal drone yar-yar, kuwaas oo loo adeegsado ganacsi, kormeer iyo howlgallo milatari.

Drone-yo yar-yar oo gudaha Itoobiya lagu sameeyay

Xigashada Sawirka, Abiy Ahimed

Qoraalka sawirka, Drone-yo yar-yar oo gudaha Itoobiya lagu sameeyay

Saameynta Gobolka

Helitaanka tiknoolojiyadda cirka ee casriga ah waxay muujinaysaa dadaalka Itoobiya ay ku doonayso hoggaamin milatari oo Geeska Afrika ah.

Ciidanka Itoobiya ayaa lagu ammaanaa xirfad iyo ka qeybgalka hawlgallada nabad ilaalinta, waxaana dhawaan la sheegay in askar Itoobiyaan ah loo xushay howlgal nabad ilaalin oo Qasa ah.

Si kastaba ha ahaatee, ku biirinta hubkan casriga ah waxay kordhin kartaa tartanka awoodda milatari ee gobolka.

Khabiirro ayaa sheegay in diyaaradaha Ruushka iyo drone-yadan ay beddeli karaan jihada dagaallada mustaqbalka.

Arrintani waxay kordhin kartaa saaxiibtinnimada Itoobiya, balse sidoo kale waxay u digeysaa dalalka ka soo horjeeda danaha Itoobiya.

Gaar ahaan marka la eego muranka Badda Cas iyo xiriirka Itoobiya iyo Eritrea, tallaabadan waxay keeni kartaa feejignaan cusub oo ay muujiyaan Eritrea iyo Masar.

Ugu dambayn, helitaanka hubka Ruushka, Shiinaha iyo Turkiga wuxuu muujinayaa dadaalka Itoobiya ay ku yaraynayso ku-tiirsanaanta dalalka reer galbeedka.