Maxay haweenka uurka leh u cunaan waxyaabo aan cunno ahayn?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Dhibaatada in loo hammuun qabo waxyaabo aan cunno ahayn, oo caafimaad ahaan loo yaqaanno PICA waa wax ku badan haweenka uurka leh iyo carruurta yaryar.
Khubarrada caafimaadka ayaa dhibaatada la xiriiriyay jirka oo ay ka maqan tahay birta ama iron.
Dr. Dorcas Chiroma, oo ah dhaqtaradda haweenka oo ka shaqeysay isbitaal ku yaalla Nigeria ayaa sheegtay in inta badan haweenka uurka leh ay qabaan dhibaatada cunno aan caafimaad lahayn.
"Waxa ugu badan ee sababa PICA waa jirka oo ay ku yar tahay birta, taasoo horseedi karta dhiig la'aan (anemia). Tani waa sababta birta loogu adeegsado in lagu khafiifiyo dhiigga jirka."
Waxay intaa raacisay in dhammaan nafaqooyinka uu ilmuhu u baahan yahay xilliga uurka loo soo marsiiyo dhiigga hooyada.
"Birtu muhiim ayay u tahay haweeneyda uurka leh, sababtoo ah waxay siddaa labo qof. Waxay u baahan yahay nafaqooyin, waxa ay siddana sidoo kale waa muhiim. Birta waxay ka caawisaa inay hesho dhiig ku filan inta ay u baahan tahay. Marka haweeneyda uurka leh, baahida ay u qabto maaddadan ayaa ah mid sii kordheysa," ayay tiri Dr. Dorcas.
Waxay xustay in "laga yaabo in haweeneyda uurka leh ay raadiso waxyaabo faa'iido u leh jirkeeda, oo dareensiinaya sida inay cuneyso wax aysan ahayn inay cunto. Dhammaan tan waxaa lala xiriirinayaa deegaanka gudaha iyo kiimikooyin gaar ah taasoo saameysa jirka haweenka laguna magacaabo Hormones."

Xigashada Sawirka, Getty Images
Haweenku waxay u badan tahay inay xaaladdan la kulmaan saddexda bilood ee ugu horreeya uurka, inkasta oo ay jiraan qaar ay ku sii socoto muddadaas ka dib, ayay tiri.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Dhaqtarku wuxuu sheegay in bir-yaraanta ku dhacda haweeneyda uurka leh ay saameyn karto ilmaha ay siddo. Sababtoo ah haddii ay isku aragto dhiig-yaraan, waxay caqabad ku noqon kartaa korriinka ilmaha.
Barta internet-ka ee Healthdirect oo ay leedahay dawladda Australia ayaa sheegaysa in ay tahay inaad isbitaalka tagto haddii aad waxyaabo aan cunto ahayn cunaysay muddo bil ka badan.
Sida uu websaytku sheegay, dadka qaba xaaladdan waxay cunaan waxyaabo kala duwan, oo ay ka mid yihiin ciidda, dhoobada, waraaqaha, barafka, birta, iyo rinjiga.
Boggu wuxuu intaas ku darayaa in dadka qaba xaaladda PICA ay inta badan dareemaan hamuun xad-dhaaf ah oo ay u qabaan hal shay oo gaar ah, inkasta oo ay jiraan qaar xiiseeya inay cunaan wax ka badan hal shay.
Si kastaba ha ahaatee, sida ku cad xogta Healthdirect, cunista waxyaabahaas aan cuntada ahayn waxay keeni karaan dhibaatooyin caafimaad sida mindhicirrada oo xirma iyo dhibaatooyin kale oo caloosha ah, suus (bololka ilkaha), ama neefta oo qofka ku dhagta ka dib marka uu shay liqo.
Tusaale ahaan, cunista ciidda waxay horseedi kartaa sumow, taas oo keeni karta caabuqyo bakteeriya ah.
Haddii cunug ama qof weyn uu liqo sun, qaar ka mid ah calaamadaha la isku arko waxaa ka mid ah calool xanuun iyo matag, neefta oo ku dhibta ama kaadi xanuun, nabro maqaarka ah, iyo xanuun laga dareemo dibnaha, carrabka, ama dhuunta.
Inkasta oo uu boggu sheegay in aanay jirin hal xal oo qura oo dhibaatadan loo isticmaalo, haddana waxay ku xiran tahay waxa sababaya hamuunta waxyaabaha aan cuntada ahayn.
Dadka ay xaaladdoodu ka dhalatay nafaqo-darro, tusaale ahaan bir-yaraanta (iron deficiency), dhaqtarku wuxuu u qori karaa daawo ka caawisa buuxinta kaalinta nafaqada dhiman ama wuxuu ku wargelinayaa haweeneyda nooca cuntada ay tahay inay cunto si ay u kabto nafaqadaas.













