Maxaa dhacay markii Shah Rukh Khan uu Xaramka ku arkay nin yaraantiisii daawan jiray aflaantiisa?

Sawirka laga qaaday Shahruukhan

Xigashada Sawirka, Arada Kadyrova

Markii Arada Kadyrova uu u soo dhawaaday Albaabka 79-aad ee Masjidka Xaramka, ayaa wuxuu dareemay inuu halkaas ku arakay qof uu garanayo.

Markii hore waxa uu u maleeyey in indhihiisu khiyaanaynayaan uusan qofkaasi ahayn qofka uu maleynayo. Balse waxa ay markiiba gartay in uu dhab ahaantii yahay qofka ay u malaynayo inuu yahay: Qof kale ma ahan waa xidiigga Bollywoodka Shah Rukh Khan.

Waxa uu soo dhigay sawirka Shah Rukh Khan oo ku sugan Masjid al-Haram fiidnimadii 1-dii Disembar boggagiisa Facebook iyo Instagram oo ku qoran luqadda Azeri wuxuuna soo qoray, 'Hoggaamiyaha kooxdayda ayaa i arkay wuuna dhoola cadeyay. Waxaan qof walba u sheegay inuu kani yahay Shah Rukh Khan.'

Waxa uu BBC u sheegay "Waxaan albaabka Boqor Fahad No. 89, ku diyaarinaynay Tawaaf markaas ayaan arkay" Boqorkayaga.

Cabbaar ayuu meesha joogay kadibna waxa uu la soo baxday telefoonkiisa oo uu sawir ka qaaday Shah Rukh Khan. "Aniga oo ixtiraamaya diinta, ma aanan qaadin sawir-gacmeed." Uma aan dhowaan, waayo, labadooda iyo aniguba waxaan joognay Ixraam.

Kadyrova wuxuu yiri 'Waa inaan ixtiraamnaa diinta. Jacaylku maaha xasidnimo, dareenka jacaylka ayaa ku filan.

Waxa uu sheegay inuu ku soo koray daawashada filimada Shah Rukh Khan. "Waxay ahayd riyadeyda inaan la kulmo," ayuu yiri. Laakiin marna kuma fikirin inaan ku kulmi doono Maka oo ah dhulka Eebbe ee barakeysan.

Waxa uu intaa ku daray, 'Waxaan rajeynayaa in aanan wax dhibaato ah keenin sawirka aan ka qaaday. Allaha naga aqbalo cumrada labadeenaba, hana iga cafiyo haddaan wax khalday.

Daqiiqado gudahood waxaa baraha bulshada ka soo muuqday sawirada Khan oo ku jira xaramka. Dadku waxay bilaabeen inay qiyaasaan in sawiradani ay yihiin kuwo run ah ama been abuur ah. Dadka qaar ayaa tilmaamay in uu Sacuudiga u joogo duubista Filimkiisa ‘Dinky’, lagana yaabo in uu u aaday Cumrada markii la dhameeyay.

Run ahaantii, Shah Rukh Khan ayaa maalin ka hor soo dhigay bartiisa Instagram-ka muuqaal uu isaga soo qaaday Sacuudi Carabiya, wuxuuna soo qoray, “Aad ayaad ugu mahadsan tihiin Wasaaradda Dhaqanka Sacuudiga, kooxdayda iyo dhammaan intii fududeysay duubista Dinky”.

Shahrukhan

Xigashada Sawirka, Getty Images

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Waxa uu intaa ku daray in uu hadda aadayo munaasabadda caalamiga ah ee 'Bada Cas International Festival'.

Waxaa la bilaabay sanadkii 2019 waana xafladii ugu horeysay ee Filimada ee Sacuudiga lagu qabto waxaana sanadkan ka qeyb galaya Aktarada Hollywoodka ee Sharon Stone iyo Oliver Stone, Xidiga Masar Yasra iyo Atariishada Bollywoodka ee Priyanka Chopra iyo Freida Pinto iyo kuwa kale.

Waddan loo arko inuu ad adag yahay, joogitaankiisa ee jilayaasha filimada, gaar ahaan hay'adda dawladda Sucuudiga ee fududaynta duubista filimada, waxay tilmaamaysaa isku day lagu doonayo in 'dalka loo furo' dibadda. '

Sannadihii u dambeeyay, Sacuudi Carabiya waxay samaysay dadaallo badan oo ay ku doonayso inay dhaqaalaheeda ka hesho ilo kala duwan, oo ay ka mid tahay madadaalada ayaa dowr muhiim ah ka qaadatay isbadalkan.

Qorshahii sannadkii 2016-ka ee lagu casriyeynayay hadafka Vision 2030, ayaa xoogga saaraya dhaqanka, madadaalada, ciyaaraha, Cumrada iyo dalxiiska.

Sannadkii 2017 waxaa lagu qabatay riwaayadii ugu horreysay ee muusigga toos ah lagu garaaco muddo 25 sano ah.