You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Trump oo dhaqaajiyay maraakiibta Nukliyeerka xambaarta ka dib hadaladlo ka soo yeeray madaxweynihii hore ee Ruushka
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in uu amar ku bixiyay in laba markab oo ah kuwa xambaara Nukliyeer ah "la dhigo gobollada ku habboon" isaga oo ka jawaabaya hadallada "daandaansiga aadka u weyn" ee madaxweynihii hore ee Ruushka Dmitry Medvedev.
Trump ayaa sheegay in uu u dhaqmay islamarkana ay tallaabadisu tahay "haddii ay dhacdo in hadalladan nacasnimada ah iyo kuwa xanafta leh ay yihiin kuwa intaas ka badan.
Hadallada waa kuwo aad muhiim u ah, waxayna inta badan keeni karaan cawaaqib aan loo baahnayn, waxaan rajeynayaa in tani aysan noqon mid ka mid ah xaaladahaas" ayuu intaa raaciyay.
Ma uusan sheegin halka la geeyay labada markab, iyadoo la ilaalinayo nidaamka ciidamada Mareykanka.
Medvedev ayaa dhawaan u hanjabtay Mareykanka isagoo ka jawaabaya go'aankii Trump ee Moscow ee ahaa in uu ogolaado xabbad joojin laga sameeyo Ukraine, haddii kale ay wajihi doonaan cunaqabatayn adag.
Ruushka iyo Mareykanka ayaa heysta hubka Nukliyeerka ah ee ugu badan adduunka, waxaana labada dal ay heystaan maraakiib Nukliyeer xambaarsan.
Qoraalka Jimcihii ee Truth Social, Trump wuxuu ku yiri: "Iyada oo ku saleysan hadallada aadka u kicinaya ee madaxweynihii hore ee Ruushka, Dmitry Medvedev, oo hadda ah guddoomiye ku xigeenka Golaha Ammaanka ee Xiriirka Ruushka, waxaan amar ku bixiyay in laba maraakiibta Nukliyeerka ah la dhigo gobollada ku habboon".
Madaxweynaha Mareykanka ma uusan sheegin in uu ula jeeday maraakiibta quusta ee ku shaqeysta nukliyeerka ama hubka nukliyeerka ah qoraalkiisa uu so dhigay barta bulshada ee Truth Social.
Isagoo la hadlayay saxafiyiinta galinkii dambe ee jimcaha, Trump wuxuu yiri: "Hajabaado ayaa la sameeyay, mana u malaynayn inay ku haboon tahay. Markaa waa inaan aad u taxaddaraa.
"Waxaan taas u sameeyaa iyada oo lagu saleynayo badbaadada dadkayaga, hanjabaad waxaa sameeyay madaxwaynihii hore ee Ruushka, waxaanan ilaalin doonaa dadkayaga."
Kremlin-ka ayaan ilaa hadda wax hadal ah ka soo saarin arrintan, balse suuqa saamiyada Moscow ayaa aad hoos ugu dhacay ka dib hadalka Trump.
Trump iyo Medvedev ayaa muddooyinkan dambe ku lug lahaa weeraro shaqsiyadeed oo ka dhan ah midba midka kale oo barraha bulshada ay isu marinayeen.
Waxay timid ka dib markii Trump uu qabtay waqti cusub oo Putin uu ku soo afjarayo dagaalka 8da Agoosto - taas oo Putin uusan muujin wax calaamad ah.
Taas ka hor Isniintii, Trump wuxuu qabtay "10 ama 12" maalmood oo kama dambays ah. Horaantii bishii July wuxuu ugu hanjabay Ruushka canshuuro ba'an oo lagu beegsanayo Shidaalka iyo waxyaabaha kale ee la dhoofiyo haddii Putin uusan ku soo afjarin dagaalka 50 maalmood gudahood.
Medvedev - oo ahaa madaxweynaha Ruushka intii u dhaxaysay 2008 ilaa 2012 - ayaa ku eedeeyay Trump inuu ciyaaray "ciyaartii ugu dambaysay ee Ruushka" horaantii todobaadkan.
Qoraal uu soo dhigay barta X, ayuu Medvedev ku yiri "waqti kasta oo cusub oo kama dambeys ah oo la qabto waa khatar iyo tallaabo loo qaaday dhanka dagaalka".
Waxa uu sidoo kale ku tilmaamay waqtiga kama dambeyska ah ee uu Ruushka u qabtay Trump mid "masraxeed" horaantii bishii July, isagoo sheegay in "Ruushku uusan dan ka lahayn".
Qoraal uu soo dhigay barta Telegram Khamiistii, Medvedev wuxuu ka digay hanjabaad "gacan dhimasho keeni karta" - taas oo falanqeeyayaasha militariga qaarkood ay u fahmeen inay inuu ula jeedo magaca nidaamka xakamaynta weerarrada nukliyeerka ee Ruushka.
Jimcihii ma ahayn markii ugu horreysay ee Trump uu ka jawaabo hadalada ka soo yeeray Medvedev. Khamiistii, wuxuu ku tilmaamay Medvedev "Madaxweynihii hore ee Ruushka ee fashilmay, oo u maleynaya inuu weli yahay madaxweyne".
Trump ayaa sidoo kale uga digay Medvedev inuu "ka fiirsado hadalkiisa", isagoo raaciyay "wuxuu galayaa dhul aad halis u ah!"
Medvedev waxa uu taageersan yahay duulaanka buuxa ee Ruushka uu ku qaaday Ukraine oo bilaabay 2022, waxaa uuna ku caan-baxay dhaleeceynta reer galbeedka.