Mala saadaalin karaa dhulgariirka inta uusan dhicin kahor?

Musiibadii dhowaan ka dhacday koofur-bari Turkiga iyo waqooyiga Suuriya ayaa muujinaysa sida dhulgariirku uu u noqon karo mid lama filaan ah.

Saynisyahannada ayaa ku howlan qaabab lagu ogaan karo calaamadaha digniinta ah ee musiibooyinka dabiiciga ah ee aan la saadaalin karin.

Si kedis ah ayuu dhulgariirkan u dhacay iyadoo aysan jirin wax digniin ah. Labada dhulgariir ee ba’naa kuna dhuftay koofur-bari Turkiga iyo waqooyiga Suuriya ayaa galaaftay nolosha kumannaan qof iyadoo qaar badanna ay ku dhaawacmeen amaba ay ku guryo beeleen.

Inta badan dhibbanayaasha ayaa gudaha guryaha ku jiray saacadihii hore lixdii February markii dhulgariirkii ugu horreeyay, oo cabbirkiisu ahaa 7.8, uu ruxay guryahooda.

Dhulgariirkan hore ayaa waxaa xigay mid kale oo cabbirkiisa lagu qiyaasay 7.5. Isku darka labadan dhulgariir ayaa lahaa awood. Khubarro ka soo jeeda Mareykanka ayaa ka digaya in dadka badbaaday iyo samatabixiyeyaasha goobta ku qulqulaya ay halis ugu jiraan dhulgo’yo.

Iyadoo dunidu ay gargaar la gaareyso bulshooyinka labada dhinac ee Turkiga iyo Suuriya ee dhulgariirku saameeyay, ayaa dadka qaar waxay is weydiinayaan sababta aan looga sii war qabin musiibadan.

Xaqiiqdii, sayniska saadaalinta dhulgariirka aad ayuu u adag yahay. Iyadoo aalaaba ay suurtogal tahay in la ogaado daqiiqad kadib dhacdada, waxaa adag in la ogaado calaamadaha laga eegayo dhulgariirka ee loo adeegsanayo saadaalinta.

Khubarrada dhulka ayaa isku dayayay inay adeegsadaan qaabab casri ah oo lagu saadaalinayo dhulgariirka tan iyo sanadihii 1960-meeyadii, balse wax guulo la taaban karo kama gaarin.

Sida ay qabaan khubarrada, tan waxaa loo aaneynayaa faham la’aanta hannaanka dhulka. Dhulka ayaa si joogto ah u sameeya dhawaaq, marka lagu daro tan aadmigu sameeyo sida gawaarida, shaqada dhismooyinka iyo nolosha maalinlaha ah, waxay adkeynayaan in la helo calaamado rasmi ah oo muuqda.

Sida ay qabto waaxda Geological Survey ee Mareykanka, saddex shey ayaa loo baahan yahay si loo saadaaliyo dhulgariirka: halka uu ka dhici doono, goorta uu dhici doono, iyo cabbirkiisa. Ila aiyo haatan, cidna sidaas ma sameyn karto xaqiiqdii.

Taa beddelkeeda, khubarrada dhulka ayaa sameeya qiyaastooda ugu wanaagsan ee ku saabsan suurtogalnimada dhulgariir dhaca muddo sanado ah gudahood. Iyadoo qiyaastaas ay ka qeyb qaadato in qorshe la sii sameeyo sida hagaajinta dhismooyinka, haddana gacan kama geystaan saadaalin heer bulshada looga digo dhulgariirka si ay uga baxaan guryahooda.

Sidoo kalena dadka ku nool goobaha dhulgariirka dhammaantood ma heli karaan dhismooyinka iska celin kara dhulgariirka.

Saynisyahannada ayaa sidaa darted eegaya qaabab lagu sameeyo saadaalinta dhulgariirka oo sax ah. Waxay baarayaashu ku howlan yihiin dhinacyo badan sida dabeecadda xayawaannada iyo cilladaha korontada ee dhulalka sare.

Dhowaan, si kastaba, waxaa jiray in aad loo daneynayay awoodaha mashiinnada macmalka ah ee lagu ogaanayo calaamadaha dhulgariirka. Mashiinnadan ayaa falanqeyn kara xog ballaaran oo ku saabsan dhulgariirradii hore si ay u eegaan waxyaabo loo adeegsan karo saadaasha mustqbalka.

Saynisyahanno Shiinees ah, ayaa tusaale ahaan, sii baaray cillado koronto oo ku yimid sagxadda sare ee dhulka, maalmo kahor inta uusan dhicin dhulgariir. Koox uu hoggaaminayay Jing Liu oo ka tirsan Machadka Saadaasha Dhulgariirka ee Beijing ayaa sheegay inay baari karayeen cilladaha koronto ee sababay dhulgariirka ku dhuftay deegaanka Baja, ee gobolka California. Toban maalmood kahor inta aysan dhicin, horraantii April 2010.

Koox kale oo fadhigeedu yahay Israa’iil ayaa dhowaan sheegay inay awoodeen inay adeegsadaan mashiinnada macmalka ah si loo saadaaliyo dhulgariir baahsan oo dhaca 48 saacadood kahor iyadoo saadaashaas ay 83% run noqon karto.

Baarayaasha kale ayaa sheegay inay rajo ka qabaan saadaalinta dhulgariirka iyadoo qaabab kala duwan adeegsanaya.

Dalka Japan, saynisyahannada qaarkood ayaa sheegay inay ogaan karaan isbeddellada bara-baxa biyaha. Tijaabo la sameeyay ayaa lagu sheegay in saadaashan ay 70% sax tahay.

Balse dhammaanba sheegashooyinkaas, midkoodna si sax ah looguma saadaalin goorta iyo halka uu ka dhici doono dhulgariir.