Ogeysiis: Waxyaabaha gaarka ah ee Janallada iyo bulshooyinka WhatsApp ee BBC Somali
Kalsoonidaada aad ayey muhiim noogu tahay. Tani micnaheedu waa in BBC ay ka go'an tahay inay dhowrto waxyaabaha kuu gaarka ah iyo amaanka xogtaada shaqsiga ah. Waxaa muhiim ah in aad akhriso ogeysiiskan si aad u ogaato sida iyo sababta aan u isticmaalayno xogtaada shaqsiga ah. Ogeysiiskan waxyaabaha kuu gaarka ah wuxuu sharraxayaa sida aan u uruurino oo aan u isticmaalno xogta gaarka ah ee adiga kugu saabsaninta lagu jiro xiriirka aad nala leedahay iyo ka dibba, si waafaqsan sharciga ilaalinta xogta.
Xogta shaqsiga ah ee BBC ay uruurin doonto iyo sida aan u isticmaalayno
BBCda waxay uruurin doontaa oo ay ka shaqaysiin doontaa akhbaarta shaqsiga ah ee aad dooratay in aad bixiso si loogu adeegsado inay qayb ka noqoto ku soo biiritaanka iyo ku xirnaanta janalladeenna iyo bulshooyinkeenna. Akhbaartaas waxaa ku jiri kara qaar ama dhamaan xogta hoos ku liis garaysan.
Xog Shaqsi ah
Xogta shaqsiga ah ee la uruurin karo waxay noqon doontaa:
Handhalka/magaca muuqda ee borofaylka WhatsApp-kaaga.
Lambarka lagaala soo xiriirayo, sida lambarka talefankaaga moobilka.
Masaweirka muqda.
Si ku xiran ujeeddada masawirkaaga muuqda iyo qaabka aad u dhigto in ay kuu ahaadaan waxyaabaha kuu gaarka ah, waxaa suurtogal ah in BBC ay sidoo kale uruurin doonto xog xasaasi ah, taasoo sidoo kale loo yaqaano heerka xogta gaarka ah ee aad doorato in aad shaaca ka qaaddo. Taasi waxaa ku jiri kara tusaale ahaan:
Isirkaaga ama qolada aad dhalasho ahaan ka soo jeeddo
Xogta caafimaadkaaga
Diinta ama falsafadda aad rumaysan tahay
Noocaaga galmada jinsiga
Fikradaada siyaasadeed.
Dhidbidda (setting) sawirkaaga muuqda ee WhatsApp aad ka dhigayso mid kuu gaar ah
Fadlan la soco haddii aad ogolaato in qof kasta uu arkayo sawirkaaga muuqda ee akoonkaaga WhatsApp-ka, BBCduna sidoo kale way arki kartaa akhbaartaas. Waxaa lagugu dhiirrigalinayaa in aad u beddesho dhidbiddaada gaarka ah 'dadka iigu jira wada-xiriirkayga kaliya' to loo yareeyo akhbaarta shaqsiga ah ee aad nagula wadaagayso WhatsaApp.
Yaa ah Data Controller (koontaroolaha xogta)?
BBCda waa xog koontaroole madax banaan oo koontaroola xog walba oo shaqsi ah oo aad idinku na siisaan, taasoo ku kaydsan qalabka ama hanaanka BBC
WhatsApp waa "xog koontaroole" madaxbanaan oo koontaroola xog kasta oo aad ku soo dirto app. Fadlan ogsoonow in uu ku qabanayo Siyaasadda waxyaabaha qofka u gaarka ah ee WhatsApp iyo qodobbada adeegga ee gudaha shirkadaha Meta.
Koontaroole kasta wuxuu go'aansadaa ilaa iyo inta uu ka shaqaysiinayo akhbaartaada shaqsiga ah, waxa loo isticmaalayo, iyo qaababka looga shaqaysiinayo. Si looga fogaado shakiga, akhbaartaada shaqsiga ah waxaa uruurin doona o ka shaqaysiin doona kaliya BBC, si waafaqsan ujeedooyinka lagu cadeeyey ogeysiiska waxyaabaha kuu gaarka ah, kaasoo ah ku soobiiritaanka iyo ku taxnaanta janalka BBC ee WhasApp. Koontaroole kasta waxay mas'uuliyad ka saaran tahay inuu u hogaansamo oo uu muujiyo inuu adeecayo sharciga dhowrista xogta.
Ka Shaqaysiinta sharciga ah ee xogtaada shaqsiga ah.
Waxaan ku tiirsannahay ka raali ahaanshaha isticmaalka xogtaada shaqsiga ah. Sababtu waxay tahay, waxaad si ikhtiyaarkaa ah u go'aansatay in aad soogasho Baahinta janallada WahsApp. Haddii aad doonayso in aad joojiso helitaanka baahintaas waxaad la laaban kartaa ka raalli ahaanshahaaga wakhti kasta, adigoo ka baxaya janalka.
Wadaagidda xogtaada
BBC lama wadaagayso xogtaada dhinac seddexaad adigoo aan u fasaxin.
Haynta xogtaada
BB waxay ka shqaysiinaysaa xogtaada shaqsiga muddada lagama maarmaanka u ah in laga soo dhalaalo ujeedooyinka lagu caddeeyey ogeysiiska waxyaabaha gaarka ah.
Xuquuqahaaga iyo akhbaar dheeraad ah
Waxaad leedahay xuquuq uu ku siinayo sharciga ilaalinta xogta ee UK. Waxaad codsan kartaa nuqulka xogta ay adiga kaa kaydisay BBC, waxaana ku jira xogta akoonka BBC iyo xogta kor lagu sharraxay ilaa iyo inta aan xogtaas hayno.
Waxaad nagala soo xiriiri kartaa emailka [email protected] Haddii aad su'aalo hayso ama aad doonayso in aad ogaato faahfaahin badan oo xuquuqdaada ku saabsan , fadlan booqo siyaasadaha BBC ee waxyaabaha gaarka ah iyofaylasha Cookies http://www.bbc.co.uk/privacy
Haddii aah walaac ka qabto sida ay BBC ula tacaamushay akhbaartaada shaqsiga ah, waxaad walaaca u gudbin kartaa maaulka muraaqabaynta ee UK, xafiiska sarkaalka akhbaarta (ICO)https://ico.org.uk/.
Wararka ugu dambeeya ee ogeysiiskan waxyaabaha gaarka ah
Waxaan ku samayn doonnaa dib u eegid ogeysiiskan waxyaabaha gaarka ah haddii isbeddel weyn lagu sameeyo kaasoo la xiriira sida aan u isticmaalno xogtaada shaqsiga ah.










