Muxuu yahay 'dhaqanka' gaamuray ee duq magaalo ula aqalgalay Yaxaas?

Nin duq magaalo ka ah dal marin u ah dadka tahriibeya ee Soomaalida ah ayaa la aqalgalay yaxaas dhedig. Aqalgalkaas ayaa dhacay dhammaadka toddobaadkii hore iyada oo loo dhigay xaflado la mid ah kuwa loo qabto lammaaneyaasha isguursanaya. Arrinkan ayaa ah caado dhaqameed ay leeyihiin bulshada dalkan, oo aaminsan yihiin in uu horseedi nasiib wanaag.
Ninkan oo lagu magacaabo Victor Hugo Sosa oo duqa ka ah magaalo yar oo ku taal Mexico ayaa ugu magacdaray yaxaaska dhedig ee uu la aqalgalay Alicia Adriana. Waxa uu u sababeeyay ujeedka arrinkan soo nooleynta dhaqankii awooweyaal.
Bulshada deegaankan ayaa yaxaaskan dhegid ugu yeera ‘gabadhii boqoradda’ ahayd. Duqa magaalada waxa uu sheegay inay is jecel yihiin labadooda, isaga oo tilmaamaya yaxaaska. Waxa uu intaa raaciyay in uu qaaday masuuliyadda yaxaaskaas wixii hadda ka dambeeya. “La isma guursan karo jaceyl la’aantiis. Waan guursanayaa gabadhan boqoradda ah jaceyl,” ayuu yiri.

Waxaa lagu sawiray isaga oo dhunkanaya oo xanbaarsan yaxaaska oo afka laga dhuujiyay xarig. Yaxaaska dhegid waa toddobo sano jir, oo waxay dadka halkan ku nool uga xijaabtaan ayaandarrada. Dhaqanka noocan ah waa sooyaal qarniyaal badan jiray. Guurka u dhexeeya ragga iyo yaxaaska dhedig waxa uu dhaqan iyo caado ka ahaa halkan 230kii sano ee lasoo dhaafay, si loo xuso heshiis nabadeed oo u dhexeeya labo bulsho isla degan dhulkan oo lagu kala magacaabo chontal iyo Huave.
Duqa magaalada, oo matelaya boqorka bulshada Chontal, ayaa guursada xamaaratada oo yaxaasku ka mid yahay, taas laga soo qaado inay tahay gabar boqorad ah oo kasoo jeeda bulshada Huave.

Yaxaaska dhedig iyo xamaaratadda kale ayaa ku badan dhulka Mexico iyo dalalka bartamaha Ameerica, oo socdaal halis ah ay ku maraan boqolaal Soomaali ah oo u tahriibaya Mareykanka. “Waa midnimada labo dhaqan,” ayuu yiri duqa magaalo ee Yaxaaska la aqalgalay.
Dhaqankan dadkan waxa uu sidoo kale yahay in kahor xafladda duqa magaalada iyo Yaxaaska loo dhigayo, yaxaas lagu soo wareejiyo magaalada oo guri walba uu booqdo islamarkaasna ay dadka oo dhan dhabta saaraan oo la ciyaaraan.
Arooskan ayaa u eg mid sanadle ah, iyada oo sidan oo kale raggii horey duqa magaalo uga noqday deegaankan loogu guuriyay yaxaas la mid ah kan uu loo guuriyay duqa magaalada hadda xilka haya. Labada bulsho ee deegaan isla degan ayaa muddo dheer uu dhexmarayay colaad salka ku haysa lahaanshiyaha deegaanka, iyada oo midwalba gaar u sheegto in uu haggoogan yahay nasiib wanaag waxtar-u-yeelan kara beeraleyda deeganka. Dagaalka labada bulsho ayaa istaagay markii wiilka boqorka bulshada Chontales iyo gabadha boqorka bulshada Huales ay iscaashaqeen, oo ay kadibna isguursadeen. Wixii markaas ka dambeeyay waxaa caado noqotay in la joogteeyo dhaqanka isguursiga duqa magaalada iyo yaxaaska deegaanka.










