Dhegeyso: Maxkamadaha oo go'aan kasoo saaray qorshaha Talyaaniga ee ku wajahan muhaajiriin ay Soomaali ku jirto
Maxkamadaha Talyaaniga ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay heshiiskii ay wada galeen ra’iiusl wasaaraha Talyaaniga iyo kan Albania, kaas oo dhigayey in muhaajiriinta sharci-darrada kusoo gala Talyaaniga oo Soomaalidu ay ku jirto la geeyo Albania si halkaasi kiisaskooda dacwadda loogu qaado.
Qaxooti hordhac oo halkaasi la geeyay ayaa dib loogu soo celiyay Talyaaniga.
Shukri Saciid oo ah weriye madax-bannaan oo deggan ayaa BBC uga warrantay arrintan.










