Warbaahin dal Carbeed ku taalla oo markii ugu horreysay shaqaaleysiisay robot warka akhrineysa

Xigashada Sawirka, @KUWAITNEWS
Warbaahin ku taalla dalka Kuwait ayaa sheegtay inay la timid war-tebiye macmal ah iyadoo la adeegsanayo waxa loo yaqaanno artificial intelligence (AI).
"Fedha" oo ah gabadhan mashiinka macmalka ah waxaa lagu shaaciyay akoonka Twitter-ka ee Kuwait News, oo ah laan ka tirsan warbaahinta Kuwait Times.
Waxay u muuq ektahay haweeney timo cad, oo xiran jaakad madow iyo funaanad cad.
Abdullah Boftain, oo ah tifaftire ku xigeenka Kuwait News, ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in tallaabadan lagu tijaabiyay muhiimadda mashiinnada macmalka ah ay u leeyihiin inay dadka u tebiyaan "warar cusub oo qaab casri ah loo tebiyay".
"Waxaan ahay Fedha, war-tebiyihii ugu horreeyay Kuwait ee qaab mashiin macmal ah kula shaqeysa Kuwait News. Warar noocee ah ayaad daneyneysaa? Aan maqalno fekerkinna," ayay gabadhan mashiinka macmalka ah ku tiri luqadda Carabiga.
Mr Boftain ayaa sheegay in laga yaabo in Fedha ay barato lahjadda Kuwait ayna akhriso wararka kooban ee barta online-ka ay kusoo gudbiyaan.
"Fedha waa magac caan ah oo ay la baxaan dadka Kuwait, wuxuuna ka tarjumayaa qalin iyo bir. Waxaan mar walba sawirannaa in mashiinnadu ay midab ahaan isugu jiraan qalin iyo bir, marka waynu isku dhafnay," ayuu yiri.
Timaha cad ee mashiinkan warka tebinaya iyo indhaha cad ayaa ka tarjumaya bulshada isku dhafka ah ee Kuwait, sida uu sheegay Mr Boftain.
Kuwait ma aha keliya dalkii ugu horreeyay ee la yimaada mashiin macmal ah oo warka akhriya: Sanadkii 2018, wakaaladda wararka Shiinaha ayaa shaaca ka qaadday war akhriye leh codka mashiinka macmalka ah.
Warbixin bishii hore uu sameeyay bankiga Goldman Sachs ayaa lagu sheegay in mahsiinnadan ay buuxin doonaan ilaa 300 oo milyan oo shaqo.
Warbixintan ayaa lagu sheegay in teknolojiyadda ay la wareegi doonto saddex meelood ka meel shaqooyinka Mareykanka iyo Yurub, balse ay sidoo kale la micno tahay in shaqooyin cusub ay abuurmayaan.

Xigashada Sawirka, PA Media
Sanadkii 2020 warbaahinta Mareykanka iyo Ingiriiska ayaaa sheegay in shirkadda Microsft shabakaddeeda MSN wariyeyaasha faraha badnaa ee ka shaqeeya iney ku beddeli rabto mashiinno 'robot' oo qabanaya hawlihii ay wariyeyaasha qaban jireen.
Waqti xaadirkan wariyeyaasha wararka u soo uruuriya, cinwaannada u sameeya, sawirradana geliya shabakadda MSN ee ay Microsoft leedahay waa wariyeyaal caadi ah.
Sattelite news waxay sheegtay wixii hadda ka dambeeya shaqooyinkii ay wariyeyaashu qaban jireen y qabanayaan mashiinnada dad sameega ah ee 'robots' oo uu ku shaqeeya waxa loo yaqaanno 'artificial intelligence'.
Microsft waxay tallaabbadan ku sheegtay iney qayb ka tahay dib u habeynta iyo qiimeynta ay ganacsigeeda ku sameyneyso.












