Trump oo waxba kama jiraan ku tilmaamay maragga ay inantiisu furtay

Xigashada Sawirka, Getty Images
Madaxwaynihii hore ee Maraykanka Donald Trump ayaa mar kale dhaliilay inantiisa Ivanka kadib markii ay iska fogaysay sheegashadiisii aan sal iyo raadka lahayn ee uu ku sheegay musuqmaasuq ballaadhan oo doorashooyinka ah.
Baadhitaan lagu sameeyay rabshadihii 2021 xarunta US Capitol ayaa lagu baahiyey muuqaal aan hore loo arag oo Ivanka ku diidayso sheegashadiisa.
Trump waxa uu sheegay in Ivanka aysan eegin natiijada doorashada oo ay "in badan tan iyo markii la hubiyay".
Dimuqraadiyiinta ayaa ku doodaya in weerarka lagu qaadeen Congress-ku uu ahaa midhihii isku dayo badan oo Trump ku doonayey inuu afgembi ku dhigo.
Sawirro naxdin leh iyo marag furka dadkii goob jooga ahaa weerarkii 6-dii Jeeniweri 2021 lagu qaaday Capitol ee Washington DC waxaa talefishan ka sii daayay Khamiistii guddiga doorashada Aqalka Wakiilada Mareykanka.
Dhegeysiga wakhtiga arinta laga hadlayey waxa uu soo jiitay 20 milyan oo daawadayaal shabakadaha TV-yada ah.
Muuqaalada la baahiyey waxaa ka mid ahaa muuqaal uu duubay xeer ilaaliyihii hore ee Maraykanka Bill Barr oo sheegay in uu marar badan meesha ka saaray sheegashadii madaxwaynihii hore ee xilka ka degay ee ahaa in khiyaamo badan oo doorashada ahi ay sababtay in laga guulaysto.
Qayb kale ayaa laga sii daayay waraysigii Ivanka Trump ay bishii April la yeelatay guddiga markii la waydiiyay dareenkeeda ku aaddan qiimaynta Barr.
"Waxay saamaysay aragtidayda," ayay tidhi. "Waan ixtiraamayaa xeer ilaaliyaha guud Barr sidaa darteed waan aqbalay waxa uu leeyahay."
Trump oo arintaa ka hadlay ayaa jimcihii ku qoray bartiisa uu ku leeyahay bogga Truth Social, isagoo ku tilmaamay baadhitaankaas inuu yahay "mid isaga si cadaalad darro ah loogu beegsanayo"
"Ivanka Trump kuma lug lahayn la socodka ama daraasadda, natiijooyinka doorashada," ayuu raaciyay.
"Muddo dheer ayaa ugu dambaysay kaliya waxay isku dayday inay ixtiraamto Bill Barr waana qalad waxay sheegtay)."
Madaxweynaha ayaa sidoo kale ku eedeeyay Barr inuu yahay "fuley", isagoo ku sii adkeystay in doorashadu ahayd "mid la musuq-maasuqay".
Ivanka Trump waxa ay la-taliye madaxweyne ka ahayd maamulka aabaheed, waxayna ku wehelinaysay isu soo bax uu ku martigeliyay bannaanka Aqalka Cad wax yar ka hor intii aanu dhicin weerarka Capitol-ka .
In yar oo ka mid ah kiisas khiyaano cod-bixiyeyaal ah ayaa la ogaaday tan iyo doorashadii Noofambar 2020, laakiin ma jirto caddayn la taaban karo oo ka soo baxday fal-dembiyeedkan oo kale miisaan kasta oo keeni kara guusha Madaxweyne Joe Biden.
Guddiga xulista aqalka ayaa qaban doona shan kulan oo kale oo dhageysi labada toddobaad ee soo socda.
Kalfadhiga Isniinta soo socda waxa uu isku dayi doonaa in uu tuso in Trump iyo xubnihiisa hoose ay ogaayeen in looga adkaaday doorashada, balse ay faafiyaan sheegashada khiyaanada codbixiyayaasha.
Guddigu waxay sameeyeen 1,000 waraysi waxayna ururiyeen 140,000 dukumeenti muddada sanadka ah ee baadhitaanku socday.











