Quddus: in ka badan 150 qof oo ku dhaawacmay rabshado ka dhacay daaradda masaajidka l-Aqsa

Xigashada Sawirka, EPA
Shaqaalaha caafimaadka ee Falastiiniyiinta ayaa sheegay in, in ka badan 150 Falastiiniyiin ahi ay ku dhaawacmeen iska hor imaadyo ku dhex maray masaajidka Al-Aqsa ee ku yaal Quddus iyaga iyo booliska Israel.
Booliska Israel ayaa sheegay in askartoodu masaajidka galeen ka dib markii dhagaxaan, rash iyo waxyaabo kale lagaga soo tuuray.
Saddex askari oo booliska Israel ah ayaa ku dhaawacmay, sida boolisku sheegay.
Goobtan rabshaduhu had iyo goor ka dhacaan ayaa ah meel muhiimad weyn u leh Muslimiinta iyo Yuhuudda oo u qayaan Temple Mount, waxaanay xudun u tahay loolan taariikheed oo labada dhinac ba ku sheegtaan.
Xiisadaha u dhexeeya Israeli-yiinta iyo Falastiiniyiinta ayaa dhawaanahan kor u kacay ka dib weerarro lagu le'day oo ka dhacay Israel ka dibna Falastiiniyiin lagu laayey weerarro ay Israel ku qaaday Daanta Galbeed ee la haysto.
Qof 17 jir Falastiini ah ayaa Khamiistii lagu dhaawacay intii uu socday hawlgal ay Israeli-yiintu ka wadeen Jenin oo ku taal woqooyiga Daanta Galbeed ayaa Jimcihii dhintay, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka Falastiiniyiintu.
In ka badan 20 Falastiiniyiinta ah oo badankooda lagu sheegay dabley ayaa la dilay tan iyo intii Israel kordhinasay hawl gallada ay ka wado Daanta Galbeed oo xooga lagu saaray degmada Jenin, markii Falastiiniyiintu saddex Israeli-yiin ah ku dileen Tel Aviv Khamiistii hore.
Weerarkaas ayaa ahaa kii afraad ee Israel ay ka geystaan Carabta Israel iyo Falastiiniyiinta in ka badan laba toddobaad gudahood. Dilalkan ayaa waxa ku dhintay 12 Israeli-yiin ah iyo 2 Ukrain u dhashay, waana weerarkii ugu dhimashada badnaa ee Israel ka dhaca in ka badan 15 sano, welina way socdaan.
Booliiska Israel ayaa sheegay in tobanaan Falastiiniyiin ah oo qaarkood siteen calamada kooxda Falastiiniyiinta ee Xamaas ay socod ku tageen masaajidka abaara 04:00 galabnimo kadibna waxay bilaabeen inay dhagxaan iyo rashka tuuraan.
Booliska ayaa sheegay in ay sugeen ilaa intii ay dhamaanaysay salaada jimcaha ee Muslimiinta ka hor inta aysan gudaha u galin goobta si ay u kala eryaan dadka rabshadaha sameeyay, kuwaasi oo bilaabay in ay dhagxaan ku tuuraan darbiga galbeed ee ka hooseeya xarunta,halkaas oo ay ku sugnaayeen dad Yahuud ah oo ku cibaadeysanayay.

Xigashada Sawirka, Reuters
Waqtiga Rabshado taagan yihiin
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Falastiiniyiinta ayaa cambaareysay falka Israel ay ka geysatay xarunta, iyadoo sheegtay inay si buuxda oo toos ah mas'uul uga tahay dambigan iyo cawaaqibka ka dhalan kara.
Iska horimaadyada ayaa yimid ka dib markii kooxaha mitidka ah ee Qasa ay ku baaqeen in "boqolaal kun" oo Falastiiniyiin ahi isugu yimaadaan masaajidka maalinta Jimcaha "si loo ilaaliyo qarankeena iyo masaajidkeena".
Sannadkii hore Xamaas oo maamusha Qasa, ayaa gantaallo ku tuurtay magaalada Qudus ka dib iska horimaadyo ka dhacay dhismaha masaajidka toddobaadyo rabshado ah oo magaalada ka socday ka dib, taasoo dhalisay dagaal ba'an oo socday 11 maalmood oo ay la galeen Israel.
Xaruntan waxa ay Muslimiintu u yaqaaniin Xaram al-Shariif waxaana sidoo kale loo aqoonsan yahay, gebi ahaan, Masjidka al-Aqsa. Waa goobta saddexaad ee ugu barakada badan Islaamka.
Isla dhulkaas ayaa muqadas u ah Yuhuuda oo ah meesha ay ku yaalliin laba macbad oo lagu sheegay Baybalka, waana goobta ugu barakaysan diinta Yuhuuda. Su'aasha ku saabsan xuquuqda halkaas ayaa ah mid ka mid ah arrimaha ugu badan ee la isku haysto ee Israel iyo Falastiiniyiinta iskahorimaadka dhex mara u sababta ah iyo sidoo kale Israel iyo guud ahaan dunida Muslimka.
Xiisadan colaadeed ee dhawaanahan soo korodhay ayaa ku soo beegmaysa xili si gaar ah ay u cakiran yahay xidhiidhka labada dhinac iyadoo habeenka jimcaha ay bilaabanayso ciida Yuhuuda ee Passover oo ku beegantay iyada oo lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadaan iyo sidoo kale ciida Masiixiyiinta ee Easter-ka.










