Kabul: Ilmihii loo dhiibay askariga caddaanka ah oo haatan la helay

Afghanistan

Xigashada Sawirka, Reuters

Wiil yar oo ay waalidiintiisu u dhiibeen nin askari ah oo derbiga garoonka Kabul taagnaa, xilli uu Mareykanku daad-gureyn ka waday Afghanistan ayaa la helay waxaana dib loogu celiyay qaraabadiisa ku nool Kabul.

Wiilkan yar oo lagu magacaabo Sohail Ahmadi, ayaa keliya jiray labo bilood markii la waayay 19-kii August iyadoo kumannaan qof ay buux dhaafiyeen garoonka iyagoo doonaya inay isaga baxaan Afghanistan oo gacanta u gashay Taliban.

Warbixin gaar ah oo ay sameysay wakaaladda wararka ee Reuters oo la daabacay bishii November ayna ku jireen sawirradiisa, ayaa waxaa ilmahan lagu arkay Kabul halkaas oo darawal 29 jir ah oo lagu magacaabo Hamid Safi uu ka helay garoonka kaddibna uu gurigiisa la aaday si uu u korsado.

Kaddib in ka badan dhowr toddobaad oo wada xaajood iyo codsi loo diray ninkaasi, ayna soo xireen booliiska Taliban, ayuu Safi ugu dambeyn ilmahaasi ku wareejiyay awowgiis iyo qaraabadiisa kale oo ku sugan Kabul.

Waxay sheegeen inay haatan qorsheynayaan inay dib ugu celiyaan waaliddiintiisa oo bilooyin kahor loo qaaday Mareykanka.

Intii ay socdeen howlaha daad-gureynyta ee Mareykanku ka waday garoonka Kabul, ayaa Mirza Ali Ahmadi - oo ah aabbaha wiilka oo waardiye ka ahaa safaaradda Mareykanka - iyo xaaskiisa Suraya waxay ka baqeen in wiilkooda yar uu ku dhex dhinto ciriiriga dadka markii ay u soo dhowaadeen albaabbada garoonka.

Ahmadi ayaa sidaasi Reuters u sheegay horraantii November isagoo niyad-jab uu ka muuqdo, wuxuu Sohail u dhiibay askari taagnaa derbiga garoonka oo uu aaminsanaa inuu Ameerikaan yahay, isagoo aad uga rajo qabay in markii uu gudaha galo uu u soo laabanayo wiilkiisa.

Markaas, Taliban ayaa dadkii garoonka buux-dhaafiyay dib u celisay waxayna Ahmadi, xaaskiisa iyo afartooda kale ee caruurta ah ku qaadatay inay gudaha galaan muddo hal saac iyo bar ah. Xilligaas kaddibna way waayeen wiilkooda.

Ahmadi ayaa sheegay inuu wiilkiisa aad uga raadiyay gudaha garoonka isla markaana ay saraakiisha u sheegeen inay iska tagaan hadda oo dib looga keeni doono wiilkooda.

Qoyska intiisa kale ayaa dib u dejin loo sameeyay - iyagoo la dejiyay xero militari oo ku taalla gobolka Texas. Bilooyin kaddib ma aysna helin wax war ah oo wiilkooda ku saabsan.

Sidee lagu helay Suhail?

Afghanistan

Isla maalintii Ahmadi iyo qoyskiisa ay ka baxeen garoonka, Safi ayaa sheegay inay u suurto gashay inuu galo garoonka isagoo waday qoyska walaalkiis oo sidoo kale u socday Mareykanka.

Wuxuu sheegay in Sohail uu helay isagoo keligii ah oo dhulka yaalla isla markaana oynaya. Wuxuu markaas kaddib sheegay inuu isku dayay inuu raadiyo waaliddiintiisa markuu waayayna uu go'aansaday inuu gurigiisa geeyo.

Safi waxaa u jooga saddex gabdhood, hooyadiisna inta aysan dhiman kahor waxay jecleyd inuu wiil dhalo.

Markaas wuxuu iskula hadlay: "Waan korsanayaa wiilkan. Haddii waaliddiintiisa la helo waan u celinayaa. Haddii aan la helin, aniga ayaa korsanaya," sida uu u sheegay Reuters.

Safi ayaa sheegay inuu wiilka yar geeyay dhaqtar si loo baaro. Waxay wiilka u bixiyeen Mohammad Abed sawirro ay ku jiraan isaga iyo carruurta kale ayayna soo dhigeen barta Facebook.

Kaddib markii warka ilmaha la la'yahay ay soo daabacday Reuters, ayaa qaar ka mid ah deriska Safi oo ogaa inuu garoonka kala yimid ilmo yar ay aqoonsadeen sawirrada.

Ahmadi ayaa qaraabadiisa ku nool Afghanistan, oo uu ka mid yahay soddoggiis Mohammad Qasem Razawi, oo 67 jir ah, kuna nool gobolka gobolka waqooyi-bari dalkaasi ku yaalla ee Badakhshan, u sheegay inay Sohail ka codsadaan inuu soo celiyo wiilka yar.

Balse Safi ayaa diiday inuu celiyo Sohail, isagoo sheegay in qudhiisa uu doonayo in isaga iyo qoyskiisa laga kaxeeyo Afghanistan. Walaalkiis iyo qoyskiisa aaday Mareykanka, ma aysan sheegan in cid kale ay u joogto Afghanistan sisaad darteedna suurtogal ma ahayn in Safi iyo qoyskiisa la geeyo Mareykanka.

Qoyska wiilka yar ayaa caawinaad ka dalbaday hay'adda Laanqeyrta Cas, balse waxay sheegeen inaysan taasi wax badan ka suurtogelin.

Ugu dambeyn Razawi ayaa la xiriiray booliiska Taliban iyagoo ku wargeliyay in wiilka yar la afduubtay. Safi ayaa beeniyay eedyemahaas isagoo sheegay inuu xannaaneynayo ilmaha, ee uusan afduuban.

Ugu dambeyn qoyska ilmaha yar iyo Safi ayaa isku raacay in Safi la siiyo lacag magdhow gaareysa 100,000 oo lacagta Afghanistan ah ($950) oo loogu gudayo kharashkii uga baxay wiilka yar muddadii shanta bilood ahayd.