You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Filimka 'Ayaanle' iyo jilista ' burcad badeedda' iyo 'Shabaab'
Filimka cusub ee 'Ayaanle' ee uu isku dabaridkiisa horkacayo Ahmed Farax kaas oo lagu jilayay xaafadda ay Soomaalida ku badan tahay ee Islii, Kenya ayaa ku riyoonayay in filimkan uu gaarsiiyo Hollywood-ka balse waxaa niyo jab ku reebay arrinta ah in uu jilo burcad badeednimo iyo argagixisinimo.
Filimka 90-ka daqiiqo ah ayaa lagu waday in lasoo saaro bisha February ee sanadkan , Ahmed Farax oo ah iskudabaridaha filimkaasi ayaa bishii March ee sanadkii tagey BBC u sheegay in filimka uu hakad ku yimid ka dib markii uu Kenya soo gaaray cudurka Corona.
" Filimka waxaan billawnay maalin ka hor inta aan xayiraadaha la soo rogin, intaasi ka hor waxaa jirtay saddex toddobaad oo aanu ku jirnay diyaar garow, " ayuu yiri Axmed Faarax.
Waxaa dhawaan la soo saaray filimka 'Xaaska xabaal qodaha' oo uu jilay Khadar Cayduruus Axmed kaas loo xushay in uu noqdo filmkii ugu horreeyay ee Soomaaliya ku matala tartanka abaalmarinta Oscars.
Toddobaadkan ayay aheyd markii qeyb hordhac kamid ah filimka cusub ee 'Ayaanle' lagu soo bandhigay tiyaatarka qaranka ee Muqdisho.
Filimka 'Ayaanle'
Filimka Ayaanle waxaa ku bilaabmaya, sheekada nin qurbaha ka yimid oo laga dareemayo lahjadda Mareykanka si loo wax looga ogaado dhibaatada booliska ay ku hayaan xaafadda-kuwaas oo u haysta dadka qurbajoogta ah inay lacag badan heystaan.
Filimka ayaa sidoo kale la isaga dhigay sida xubin ka tirsan Al Shabaab oo doonayo in uu wareysi ka qaado wariye reer galbeed ah si weriyaha looga qaado lacag laaluush ah oo gaareysa $500 doolar.
Balse markii dambe booliska ayaa aqoonsaday wareysigii ninkaas uu siiyay teleefishinka, wuxuuna gacanta u galay kooxda la dagaalanka argagixisada.
Ahmed Farax oo ah iskudabaridaha filimka ayaa soo bandhigaya fadeexadaha uu arkay intii uu muuqaal duube u ahaa warbaahinta sida Aljazeera iyo Channel Four, wuxuu sheegay in dad yar oo deggan xaafadda Islii ay iska dhigaan burcad badeed marka ay wareysanayaan weriyeyaasha.
Axmed Faarax oo u warramayay Reuters wuxuu sheegay in muddo 8 sano ay ku qaadatay inuu qoro filimka isla markaana maalgeliyo duubistiisa, xitaa mararka uu kala kulmay dhibaatooyin ay kamid tahay in dhiigga uu ku kaco.
Soo bandhigidda filimkan ayaa dib loo dhigay iyadoo dhaqaalihii uu dhulka gelay iyo saameynta ka dhalatay xayiraadda cudurka Covid-19 maadama dad badan aanan hal goob la isugu keeni karin.
Jilidda filimka
Markii la jilayay filimka, shacabka ayaa kusoo xoomay goobihii lagu jilayay, waxay ku deeqayeen dadka macmacaan iyo xitaa goobo qaar ee lagu jili karo filimka, booliska waxay siiyeen baabuur, qoryo aysan wax rasaas ah ku jirin iyo ilaalo la socota kooxdii filimka jileysay.
Kooxdii filimka jieysay waxay booliska kala kulmeen tacaddiyo, sida ku xusan filimka, xitaa qaarkood jilaayaasha waxay cabsi ka qabeen in goob fagaare ay kasoo muuqdaan iyaga oo iska dhigayo 'kooxaha argagixisada-markaas oo ay booliska goobta ku sugan yihiin, sida uu wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay , Barkhad Cabdirahman oo filimka jilayay.
"Waxay yiraahdeen, haddii booliskaa ay heystaan sawirradeena, marka lasoo gabagabeeyo jiliadda filimka wey inoo imaanayaa iyaga oo su'aalo na weydinayaan kadiba xabsiga ayay inoo taxaabayaan" ayuu yiri Barkhad Cabdiraxmaan oo la hadlayay Reuters.
Ahmed Farax wuxuu sheegay in uu ku faraxsan yahay horumarada laga gaaray soo saarista aflaamta Soomaalida iyo fursadaha jira ee ah lasoo bandhigo sheekooyinka ka baxsan burcad badeeda, qaxootiga, maleeshiyaadka iyo dagaalka.