You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Gabdhihii horay ugu guuleystay Tartanka Quruxda hablaha Afrika
Tartanka Quruxda Hablaha Afrika ee Miss Africa Calabar oo la bilaabay sanadkii 2016 waa mid ka mid ah tartamada quruxda ee dhowaan la hirgeliyay. Waxaa loogu talogalay in lagu dhirrigeliyo haweenka Afrika. Soomaaliya waxay ka mid tahay dalalka Afrika ee uga qeyb galaya sanadkan munaasabadda oo ka dhacaysa dalka Nigeria, iyadoo ay Soomaaliya uga qeyb galeyso Sacdiya Maxamed.
Munaasabadda waxaa la qabtaa sanad walba bisha December iyadoo sanadkaan la qaban doono 27-ka iyo 28-ka December 2021. Waxaa haatan weli socota isdiwaan gelinta ka qeybgalka tartanka. Soomaaliya waxay ka mid tahay dalalka Afrika ee uga qeyb galaya sanadkan munaasabadda oo ka dhacaysa dalka Nigeria, iyadoo ay Soomaaliya uga qeyb galeyso Sacdiya Maxamed.
Tartankan, wuxuu ka mid yahay dadaallada lagu dhiirrigelinayo haweenka da'da yar laguna siinayo fursad ay codkooda ku dhiibtaan iyadoo la marayo tartanka quruxda. Gabadha ku guuleysata waxaa la siiyaaabaamarin iyo xushmad ballaaran.
Gabadha guuleysata waxaa laga doonayaa inay ka shaqeyso mashruuc magaceeda lagu xusayo. Mashaariicdaas waxaa ka mid ah sida urur aan dowli ahayn oo haweenka ku dhirrigelinaya inay ka qeyb galaan hoggaanka amaba dhisid urur samafal ah.
Waxaa ku tartami kara gabdhaha ay da'oodu u dhaxeyso 18-26, dalalka ayaana soo xula gabdhaha uga qeyb galaya tartanka.
Haddaba waa kuwee gabdhihii ku guuleystay sanadihii la soo dhaafay?
Sanadkii 2016
Sanadkii 2016 oo ahayd markii ugu horreysay ee la bilaabay Tartanka Quruxda Hablaha Afrika, waxaa ku guuleysatay Neurite Mendes, oo u dhalatay dalka Angola, iyadoo abaalmarin ahaan loo siiyay lacag gaareysa $25,000 iyo gaari cusub oo nooca Ford Escape ah.
Mendes ayaa kaddib waxay noqotay gabadhii ugu horreysay ee qaadda koobka quruxda gabdhaha Afrika ee laga dhigo Safiirka Cimilada Adduunka.
Sanadkii 2017
Gaseangwe Balopi oo u dhalatay dalka Botswana ayaa la siiyay taajka Miss Africa 2017 kaddib munaasabad ka dhacday Nigeria.
Balopi ayaa ka guuleysatay 24 tartamayaal ka kala socda qaaradda Afrika.
Gabadhan oo xilligaas 21 jir ahayd ayaa abaalmarin ahaan loo siiyay $30,000 iyo gaari cusub oo nooca Ford Edge ah.
Sanadkii 2018
Dorcas Kasinde oo u dhalatay Congo ayaa ku guuleysatay qeybtii saddexaad ee tartanka Miss Africa 2018 Calabar. Waxay ka mid ahayd 25 gabdhood oo qaaradda ka socday oo tartanka ka qeyb galay.
Kasinde, oo ka guuleysatay Chiamaka Nnaemeka oo Nigeria u dhalatay iyo Gladys Kayumba oo Zambia u dhalatay, waxaana la siiyay lacag dhan $35,000 iyo gaari nooca isboortiska ah.
Waxaa taajka ku wareejisay Gaseangwe Balopi oo sanadkii 2017 ku guuleysatay tartankaas.
Sanadkii 2019
Irene Mukii, oo Kenya u dhalatay ayaa sanadkii 2019 loo suray taajka gabadha ugu quruxda badan Afrika.
Mukii, oo xilligaas ahayd ardayad xisaabta ka barata Jaamacadda Jomo Kenyatta ayaa ka guuleysatay 21 gabdho kale oo tartanka ka qeyb galayay.
Sanadkii 2020
Sarra Sellimi oo ka soo jeedda dalka Tunisia ayaa ku guuleysatay tartanka quruxda hablaha Afrika ee 2020.
Sellimi ayaa ka guuleysatay 19 tartamayaal kale oo kasocday 19 dal.