Maxaad ka taqaanaa khataraha caafimaad ee la xiriira dhirirka iyo gaabnida qofka?

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Wuxuu isbeddal xooggan ku yimid joogga banii'aadanka ee maanta marka lo barbardhigo jiilalkii hore, celcelis ahaan, haatan waxa kor u kacay jooga dadka adduunka marka la firiyo 100-kii sano ee lasoo dhaafay. Waxyaabaha ka qeyb qaatay arrintani waxaa kamid ah in isbaddel uu ku yimid nolosha banii'aadanka.

Daraasad caalami ah oo 2016-kii lagu daabacay bogga ka faalooda arrimaha caafimaadka iyo seyniska NCD-RisC ayaa muujineysa in celcelis ahaan joogga qofka ragga ah ee ku nool adduunka uu gaarayo 162 ilaa 171cm halka haweenka joogoodu uu gaarayo 151 ilaa 159cm.

Website-ka lagu magacaabo onhealth.com wuxuu ku warramayaa in nafaqo darrada iyo cuduradda ku dhaca qofka marka uu yar yahay ay ka qeyb qataan in uu xumaado koriinka banii'aadanka.

Cudurrada soo socda iyo kuwa kale ayaa lala xiriiriyay joogga bani'aadanka iyo halista kale ee caafimaad ee lala xiriiiyay arrintani.

Kansarka

Daraasad lagu daabacay bogga arrimaha caafimaadka ka hadlo ee webMD.com, waxay muujineysaa in haddii qofka ragga jooggiisu ka yar yahay 171cm ama haweeneyda uu jooggeedu ka yar yahay 159cm ay aad u hooseyso halista ah in uu ku dhaco cudurka kansarka.

Daraasadda lagu sameeyay 100,000 oo haween oo ku kala nool Yurub iyo Mareykanka waxay muujineysaa in haweenka gaagaaban ay halis ugu jiraan in uu ku dhaco kansarka qeybta taranka.

Daraasad kale oo lagu sameeyay 9,000 oo rag oo da'doodu ay u dhexeyso 50 ilaa 69 kuwaas oo ku nool Mareykanka in ragga gaagaaban ay halis ugu jiraan in uu ku dhaco kansarka xininyaha.

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Xanuunka sokorta

Sida lagu xusay daraasad lagu sameeyay 6,000 qof oo da' ah waxaa lagu ogaaday in dadka dhaadheer ay ka halis yar inay ku dhacdo sokorta marka loo barbardhigo dadka gaagaaban.

Xinjirowga dhiigga

Seynisyahanada waxyku guuldareysteen inay tilmaamaan in joogga banii'aadanka uu la xiriiro xinjirowga dhiigga balse cilmi baarista waxay muujinayaan in hadba inta aad gaaban tahay inay yartahay halista kaaga imaan karto xinjirowga dhiigga.

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Xanuunka wadnaha

Seynisyhanada ayaa ku wareeray in cilmi baarista ku saabsan doorka uu jooga qofka ku lee yahay xannuunkan.

Waxay soo ogaadeen in dadka gaaban ee jooggoodu yahay 5.3 ft boqolkiiba 50 ay ka halis yar yihiin in uu ku dhaco wadna xanuunka marka la barbardhigo dadka joogguudu uu gaarayo 5.8ft ama ka badan.