Maxay shirkadda Apple shabakadeeda Shiinaha uga saartay App-ka Quraanka laga barto?

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, .

Shirkadda Apple ayaa shabakadeeda Shiinaha ka saartay App-ka dunida ugu caansan ee Quraanka ka dib markii ay sidaa ka codsatay dawladdu.

App-kaas oo la yidhaa Quran Majeed ayaa laga heli karaa shabakadda Apple ee dunida oo dhan, waxaana amaanay ku dhawaad 150,000 oo qof. Waxaa adeegsada malaayiin qof oo Muslimiin ah.

BBC-da ayaa ogaatay in App-kaas sababta looga saaray shabakadda Shiinuhu tahay eed ah in uu ku jiro qoraal diimeed sharci darro ah.

Xukuumadda Shiinuhu kama ay jawaabin codsi ay u dirtay BBC-da oo ay ku waydiinayso in ay arintaa ka falceliso.

In App-kaa shabakadda laga saaray waxa markii ugu horraysay ogaaday Apple Cencorship oo ah website la socda shabakadda Apple ee dunida oo dhan.

Warbixin ay soo saartay shirkadda hindistay App-kaas oo la yidhaa PDMS aya alagu sheegay "sida ay Apple sheegtay waxa laga saaray shabakadda Apple ee Shiinaha App-kayga Quran Majeed sababtuna tahay in App-kaas uu la socdo qoraalo kale oo u baahan in maamulka Shiinaha fasax looga helo".

"Waxaanu isku dayeynaa in aanu la xidhiidhno maamulka shabakadda internet-ka ee Shiina iyo hay'adaha kale ee Shiinaha ee arintani khusayso si arinta loo furdaamiyo".

Shirkaddu waxay sheegtay in ku dhawaad hal milyan oo qof oo ku nool Shiinuhu ay adeegsadaan App-keedaas.

Xisbiga Shuuciga ah ee Shiinaha ayaa rasmi ahaan u aqoonsan Islaamka in uu yahay diin dalka kajirta.

Hase yeeshee, Shiinaha waxa lagu eedeeyey xad gudubyo xuquuqda aadanaha ah iyo xitaa xasuuq uu kula kacay qoomiyadda Muslimiinta ah ee Uyghur ee ku dhaqan gobolka Xinjiang.

Sannadkan horaantiisi ayaa BBC-du tebisay war ah in imaamyada Uyghur ka lagu beegsaday qabqabashadii ka socotay gobolka Xinjiang ee Shiinaha.

Apple way ka gaabsatay in ay ka hadasho laakiin waxay BBC-da u sheegtay in ay tix raacdo siyaasadeeda uga taal xuquuqda aadanaha taas oo dhigaysa "waxa la nooga baahan yahay in aanu u hogaansano sharciyada maxaliga ah, mararka qaarkood na waxa jira arimo kakan oo ay dhici karto in aanu ku diidanahay dawladaha".

Hase ahaatee, ma cadda sharciga App-kani ku xad gudbay ee Shiinaha u yaal. Quran Majeed waxay sheegtay in ay "kalsooni ku qabaan in ka badan 35 milyan oo qof oo Muslin ah oo dunida dacalladeedaa ku firidhsani".

Bishii hore ayaa Apple iyo Google labaduba ka saareen shabakadahooda App uu sameeyey hogaamiyaha mucaaradka Ruushka ee xidhan ee Alexei Navalny.

Maamulka Ruushka ayaa ku handaday labada shirkadood in ay saari doonaan ganaax hadii ay diidaan in ay shabakadahooda ka saaraan App-kaas, waxaanay u sheegeen dadka adeegsana in aanay ridi karin musharaxiinta xisbiga talada haya.

.

Xigashada Sawirka, .

Qoraalka sawirka, .

Shiinaha ayaa ka mid ah suuqyada ugu waaweyn ee Apple, waxaanay shirkaddu aad ugu tiirsan tahay warshadaha Shiinaha.

Agaasimaha guud ee shirkada Apple, Tim Cook, ayey siyaasiyiinta Maraykanku ku eedeeyeen munaafaqad maadaama oo uu dhaliilo siyaasadaha Maraykanka laakiin aanu ka hadlin Shiinaha.

Cook ayaa dhaleeceeyey xayiraadii Donald Trump saaray todoba dal oo Muslimiintu u badan yihiin 2017-kii.

Waxa sidoo kale lagu eedeeyey in uu u hogaansamay faafreebka xukuumadda Shiinaha oo aanu si cad ugu dhaliilin sida ay ula dhaqanto Muslimiinta.

Wargeyska New York Times ayaa horaantii sannadkan ku waramay in Apple ay shabakadeeda ka saarto App kasta hadii Shiinuhu u arko in uu ka talaabsanayo xadka xukuumadda Shiinuhu jeexday. Qodoba App-yadu aanay ka hadli karin waxa ka mid ah fagaaraha Tiananmen, dhaqdhaqaaqa ruuxiga ah ee Shiinaha ee Falun Gong, Dalai Lama iyo madaxbanaanida Tibet iyo Taiwan.

Benjamin Ismail oo ah agaasimaha mashruuca Apple Censorship ayaa yidhi "haatan Apple waxay la xidhiidhaysaa xafiiska faaf reebka ee Beijing"

"Waxay doonayaan in ay sida saxda ah wax u qabtaan, ka dibna ay ka falcelin doonaan wax kasta oo kaga soo noqda xukuumadda Shiinaha".

App kale oo caan ah oo diimeed oo layidhaa Olive Tree's Bible App ayaa sina sidoo kale laga saaray todobaadkan shabakada internet-ka ee shiinaha. Shirkadda ayaa BBC-da u sheegtay in ay iyagu ka saareen App-kaas shabakadda.

"Olive Tree Bible Sofware waxa lagu wargeliyey in ay dib u eegaan shuruudaha looga baahan yahay si ay u helaan ruqsad ogolaansho ah oo muujinaysa in la noo fasaxay in aan ku baahin karto App-kaas, buug ama majallado dalka Shiinaha gudihiisa" ayuu yidhi af-hayeen u hadlay.

"Maadaama oo aanaan haysan ruqsada aan u baahannahay waxa aanu App-kii Bible ka saarnay shabakadda internet-ka ee Shiinaha".

Khamiistii ayaa Microsoft sheegtay in ay iyaduna xidhayso shabkadeeda xidhiidhka bulshada ee LinkedIn oo ay ka saarayso shabakada internet-ka ee Shiinaha, waxaanay sheegtay in ay sidaa ugu hogaansamayso xukuumadda Shiinaha oo si isa soo taraysa cadaadis ugu haysay.

Go'aankan ayaa waxa la gaadhay ka dib markii shabakaddan xirfadleyaashu ku xidhiidhaan ay la soo gudboonaadeen su'aalo laga waydiinayo sababaha ay u xayirtay bogaga suxufiyiinta qaarkood.