Walaaca uu ku hayo saynisyahannada hoos u dhaca dhererka aadanuhu

Xigashada Sawirka, Getty Images
Mudo tobanaan sano ah ayaa dalka Netherlands ku faani jiray in ay yihiin dadka ugu dhaadheer dunida.
Tan iyo 1958 dadka Dutch ka ahi way ka dheeraayeen dadka dalalka kale, sida ay tibaaxayso xogta taalla xarunta dhexe ee tirakoobka dalkaas.
Hase yeeshee cilmi-baadhis dhawaan la sameeyey ayaa tilmaamaysa in jiilalka u dambeeyey dhererkoodu is dhimay marka la barbar dhigo jiilkii ka horeeyey celcelis ahaanna 1 cm dhanka ragga halka dumarkana farqigu yahay 1.3 cm.
Inkasta oo arrimo badani keenaan hoos u dhaca dhererka dadka sida la sheegay, haddana ma jirto sabab keliya oo ay dhamaan khubaradu ku wada qanci karaan.
Qarni korriin ah
Koriinka dhererka wuxuu bilaabmay qiyaastii qarni ka hor sida lagu xusay website-ka xarunta dhexe ee tirakoobka ee dalkaas. Xaruntu waxay samaysaa daraasado dhanka caafimaadka ah afartii sano ba mar oo ay ka mid tahay in la cabiro dhererka dadka.
Sannakdii 2020 ayaa rag 19 jirro ah oo Dutch ah waxa celcelis ahaan dhererkoodu noqday 182.9 cm halka haweenka ay isku da'da yihiinna uu noqday 169.3 cm.
Arintani waxay ahayd mid si joogto ah u socotay oo dhererka dadkaasi isku dhimayey, celcelis ahaanna 8.3 cm ayaa uu kordhay dhererka ragii dhashay sannadkii 1980 marka la babar dhigo kuwa dhashay sannadkii 1930. Sidoo kale haweenka ayaa dhererkoodu kordhay 5.3 cm mudadaa intii u dhaxaysay.
'waxaanu cabnaa biyo badan" ayuu yidhi Ruben van Gaalen oo ah cilmi baadhe ka tirsan xarunta tirokoobka sidoo kalena ah Professor cilmiga bulshada ka dhigay Jaamacadda Amsterdam oo la hadlay BBC, waxaanu sidaa ku macnaynayay waxa u sabab ah dhererka dadka Dutch ka ah.
Laakiin wuxuu sidoo kale xusay in ay jiraan dhawr aragtiyood. ' Waxa laga yaabaa in ay sababtu tahay tayada heerka noloshada. Hadii aynu eegno koboca aadanaha ee wadamada oo dhan, Netherlands xaga hore ayay kaga jirtaa. Kuwo kale sida Denmark ayaa arintaa la wadaaga oo iyaguna sidoo kale ah'.
Sidoo kale wuxuu tilmaamay arinta ah hormaynta dabiiciga ah. Dhan marka laga eego qofka dheer waxa dabeecaddu u sahlaysaa in uu meel dheer arki karo.
Waxa sidoo kale jiray daraasado laga sameeyey xidhiidhka ka dhexeeya dhererka iyo dakhliga ' qof ba qofka uu ka dheer yahay ayaa lacagta soo gashaa ka badan tahay. Hadii aad dheer tahay waxa kaa muuqanaya qof karti dheeraad ah le waxaana suurto gal ah in ay dadku kuu soo joogsadaan oo aad hesho saamayn badan soo bulsho" ayay tidhi, waxaanay iyada oo sii faahfaahinaysa tidhi guud ahaan dumarku waxay u debacsan yihiin ragga ka dhaadheer markaa ragga dhaadheer waxa u sahlan in ay dumar badan kala xushaan.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Waxyaabaha keenay hagaaska
Waxa muuqata in dadkii Dutch ka ahaa ee dheeraan jiray ay hagaaseen sida ku cad xogta laga helay xarunta dhexe ee tirokoobka waxaana sidaa lagu ogaaday cabbir laga qaaday 719,000 oo qof oo da'doodu u dhaxayso 19 ilaa 60 jir.
Natiijadii waxay muujisay in raga dhashay bilowgii qarnigan cusub ee da'doodu 19 jirka tahay ay celcelis ahaan 1 cm ka gaaban yihiin kuwii dhashay 1980-aadkii halka dumarkuna ay gaabteen celcelis ahaan 1.4 cm.
Khubaradu dhawr siyood arimood ayay arintan ku sababeeyeen kana bilaabmay korodhka soo galootiga ilaa isbedelka cuntada iyo saamaynta ragaadka dhaqaalaha.
' Soo galootigu waa sababaha midkood. Hadii aanu nahay dadka dunida ugu dheer guud ahaan dadka soo galootiga ahina waa dad gaagaaban markaa hidde sideyaashooda waxa ku jira isirkoodii ahaa in ay gaagaaban yihiin [markaa kolka ay is guursadaan dadka wadankan u dhashay isbedel baa dhacaya]" ayuu yidhi sarkaal ka tirsan xarunta tirokoobku.
''Laakiin hagaasku waxa uu sidoo kale ka muuqdaa jiilka labadooda waalid ba ay ku dhasheen Netherlands sidoo kale wax arintaasi ka muuqataa jiilasha ay afartooda awoow ba ku dhasheen dalka" ayuu yidhi.
Waxa kale oo intaa dheer, sida lagu sheegay website-ka xarunta tirokoobka. In ragga aan dad soo galooti ah ka isirrinayni aanay qudhooduba dheeraan halka dumarka aan dad soo galooti ah ka isirrinayn iyagana ay ka muuqato in dhererkoodu is dhimay.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Aragti kale oo suurto gal ay tahay in arintan lagu macneeyo oo ay Ruben van Gaalen sheegtay ayaa ah in hoos u dhaca celcelis ahaaneed ee dhererku sababtiisu tahay xaddidaad bayoolojiyadeed. Taas oo macnaheedu yahay in qofku gaadho marxalad aanu sii dheeraan karin.
Laakiin arinta khubarada walaaca badan ku haysaa waa in ay arintu noqon karto isbedelka qaab nololeedka iyo cuntada badan ee ay cunaan ubadku marka ay korayaan.
'Cabirka isku jaan go'naanta dhererka iyo miisaanka jidhka ee BMI loo soo gaabiyo ee caruurta ahaa muddo ba kordhayey oo saameeyey bulshada heer kasta waxaanay taasi kaliftay in aan qofku u korin sidii waayadii hore dadku u kori jireen" ayay tidhi Van Gaalen, waxaanay digniin ku sheegtay in arintaas tahay ta saamaynta keentay in sidoo kale ay ka dhigan tahay in dadku aanay u noolayn qaab daryeelaya caafimaadka oo ay mudan tahay in la baadho bal hadda sida ay u saamaynayso mudada qofku noolaan karo.
' Sidii waayadii hore sigaarka uma cabno laakiin dadka dhaqdhaqaaqoodii baa yaraaday cunto badanna waynu cunnaa oo miisaanka ayaa inagu kordha. Markaa taasi waxay saamayn aan toos ahayn ku yeelanaysaaa in aynaan dheeraan sidii waayadii hore loo dheeraan jiray waana arin walaaceedu ka badan yahay dhererka is dhimaya oo keliya" ayey ku soo gabo gabaysay.

Xigashada Sawirka, BBC REEL










