Kenya iyo Al-Shabaab: Shan sano ka hor, Siduu u dhacay weerarkii Ceel Cadde?

Alshabaab

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Saraakiisha Kenya oo sida meydadka saaxiibbadood oo ku dhintay Ceel Cadde, Soomaaliya

15-kii bishii January ee sanadkii 2016-kii, oo ku beegan maanta, waxaa saldhig ay ciidamada Kenya ku leeyihiin deegaanka Ceel Cadde ee gudaha Soomaaliya ka dhacay weerar ay mas'uuliyaddiisa sheegteen al-Shabaab.

Dowladda Kenya ma aysan faahfaahinin sida ay wax u dhaceen iyo khasaaraha kasoo gaaray weerarkaas.

Maxaa ka dhacay Ceel Cadde?

Waxay ahayd 15-kii January, 2016 markii kooxda Alshabaab ay weerar ku qaadeen saldhigga ciidamada Kenya ee magaalada Ceel Cadde.

Dadka magaalada Ceel Cadde ee koofur-galbeed Soomaaliya ku taalla ayaa makrii ugu horreysay soo sheegay weerarka, iyagoo sheegay in Alshabaab ay xilli aroor ah soo galeen magaalada.

Weerarka ayaa ku bilowday qof is qarixyay oo gudaha u galay saldhigga kaddibna dhowr rag oo hubeysan ayaa rasaas furay.

Goobjoogayaasha dhacdadaas ayaa sheegay in dhowr ciidamada Kenya ah la dilay halka kuwo kalena ay duurka galeen.

Balse tani maaha sida ay sheegayaan ciidamada Kenya.

Saldhiggu wuxuu ka kooban yahay labo qeybood - mid waxaa deggan ciidamada Soomaaliya halka kan kalena ay deggan yihiin ciidamada Kenya.

Saacado yar kaddib markii uu weerarku bilowday, korneel David Obonyo, oo xiligaas ahaa afhayeen u hadlay ciidamada difaaca Kenya ayaa ku adkeystay in waxa la qabsaday ay tahay xerada ciidamada Kenya - isla markaana ay ciidamada Kenya u gurmadeen saaxiibbadood Soomaalida ah.

Si kastaba, sarkaal dowladda Soomaaliya ka tirsan ayaa beeniyay arrintaas wuxuuna BBC-da u sheegay in waxa la weeraray ay tahay xerada ciidamada Kenya.

Dad badan, gaar ahaan qoysaska ay qaraabadoodu ku dhinteen weerarkaas, ayaa bilaabay inay is weydiiyaan inay habboon tahay in Kenya ay sii waddo dagalaka gudaha Soomaaliya.

Alshabaab
Qoraalka sawirka, Weerarkii hoteelka Dusit, Nairobi

Dowladda iyo ciidamada ayaa ayaa ka aamusay arrintaas iyadoo wararka ku saabsan waxa dhacay la isla dhex marayay.

Waxay dad badan xusuustaan sawirrada meydadka saraakiisha Kenya iyo hubkooda oo la gubay.

What had Kenya gotten into?

Xaaladdu waxay la mid ahayd tii sanadihii 1980-meeyadii markii dagaal yahannada Afghanistan ay meesha ka saareen Soofiyeetka amaba 90-meeyadii markaas oo Mareykanka uu faraha la galay kooxihii ka dagaallamayay Somaaliya kaddib burburkii dowladdii Maxamed Siyaad Barre.

Balse Kenya ma aysan is dhiibin - dagaalka ka dhanka ah Alshabaab ayaa sii socday.

Sida ay Kenya qabto, waxay ku guuleysatay inay wiiqdo awoodda Alshabaab balse waxaa xigay weerarro culus oo lagu qaaday gudaha caasimaddeeda.

Khasaaraha iyo cabsida ay dhaliyeen weerarradaas ayaa loo arkay in Kenya looga aarsanayo dagaalka ay ku jirto.

Teknolojiyadda casriga ah

Marka laga soo tago waxa ka dhacaya Soomaaliya iyo guuldarrada in gebi ahaanba laga takhaluso Alshabaab, Kenya ayaa waxay kharash badan u qoondeysay dagaalka ay ku jirto iyadoo adeegsatay teknolojiyadda si ay isaga difaacdo khatarta.

Maalgashiga waaxda gaashaandhigga keliya kama tarjumayo sida ay Kenya u diyaarsan tahay balse wuxuu sidoo kale muujinayaa sida ay dalalka kale ee gobolka uga go'antahay la dagaallanka khatarta argagixisada.

Waxaa weli taagan cabsida khatarta aan la sii saadaalin karin, iyadoo istaraatiijiyaddii hore ee Kenya ay ahayd inay xoojiso dowladda Soomaaliya isla markaaba ay gebi ahaanba ka takhalusto Alshabaab.

Alshabaab

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Kenya waa mid ka mid ah dalalka ay ciidamadoodu ku sugan yihiin Soomaaliya

Kenya iyo Soomaaliya waxaa dhex maray xurguf siyaasadeed taas oo ah tallaabo haatan carqaladeyneysa awoodda ay labada dhinac ay ku sameysan lahaayeen qorshe dheer oo lagula dagaallamayo Alshabaab.

Marka Kenya la eego, difaacidda dalkeeda ayaa ah arrin maalin walba hor taalla.

Kenya ma qiimo sare ayuu ugu kacay dagaalka argagixisada?

Alshabaab

Xigashada Sawirka, EPA

Qoraalka sawirka, Weerarkii Westgate

Saddex iyo labaatan sano kahor toddobadii bisha August, sanadkii 1998, labo qarax oo waaweyn ayaa ka kala dhacay magaalooyinka Nairobi, Kenya iyo Dar Es Salaam Tanzania.

Weerarradii August 1998 ayaa gebi ahaanba beddelay xaaladda ammaanka ee gobolka, iyagoo sababay in dalalkan ay qeyb ka noqdaan ololaha loo yaqaanno 'dagaalka caalamiga ah ee argagixisida'.

Waxaan eegeynaa saameynta uu dagaalkan ku yeeshay Kenya, iyo sida ay uga qeyb gashay dagaalka gudaha Soomalaiya ee ka dhanka ah argagixisada.

Sanadkii 2011 Kenya ayaa go'aansatay inay ciidamo u dirto Soomaaliya, kaas oo ku yimid howlgal loogu magac daray 'Dhowr Dunida'.

Hadafka howlgalkaasi wuxuu ahaa in lala dagaallamo Al-Shabaab.

Kooxda ayaa weerraro xiriir ah ka fulisay xadka Kenya iyo Soomaaliya iyo xitaa gudaha dalka oo ay qaraxyo dhowr ah ka geysatay taas oo cabsi gelisay dadka Kenya.

Inkasta oo sanad kaddib ay Kenya sheegtay in howlgalku dhammaaday isla markaana ay ciidamadeedu ku biirayaan Amisom bishii March 2012 - waxaa caddeyd in la dagaallanka Al Shabaab ay qyeb ka tahay dadaalladeeda wax ka qabashada argagixisada.

Balse dadka Kenya ayaa ilaaa iyo haatan ka dooda khasaaraha ka soo gaaray dalka iyo kharashka faraha badan ee dowladda uga baxaya.

Mid ka mid ah khasaarihii ugu ba'naa ee Kenya gaaray waa weerarkii ay Al-shabaab 2016 ku qaadeen xerada AMISOM ee ay ku sugnaayeen ciidamada Kenya.

Weerarku wuxuu ka dhacay xerada Ceel Cadde.

Alshabaab

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Sarkaal gargaarka degdegga ah oo aamusiinaysa haweeney dhibbane ah

Lama hayo tirada rasmiga ah ee ku dhintay weerarka balse waxaa lagu qiyaasayaa in in ka badan 100 qof ay ku dhinteen.

Wuxuu ahaa weerarkii ugu ba'naa ee khasaaraha badan uu Kenya ka soo gaaray tan iyo intii ay ka qeyb gashay dagaalka ka dhanka ah argagixisada.