Mexico: Sida ay dadka ugu lumaa wadadan lagu tilmaamay midda ugu halista badan

.

Xigashada Sawirka, Reuters

Arrin naxdin leh oo ka dhacday wadada bartimihii bishii June ayaa waxay caddeyn u tahay halista iyo dhibaatada ay dadka kala kulmaan maritaankeeda.

Afar qof ayaa shil ku galay wadada oo isku xirta magaalooyinka Monterrey iyo Nuevo Laredo oo dhaca waqooy bari dalka Mexico.

Arrintani ayaa ka dambeysay markii rag hubeysnaa ay weerar ku qaadeen baabuurkii ay dadkaas la socdeen, sida qof goobta ka ag dhawaa uu warbaahinta dalkaas uu sheegay.

Qoysas badan ayaa waxay sheegeen in qaar kamid ah eheladooda lagu dilay wadadan xilli ay ka dhaceen falal amni darro ah.

Wadadan oo masaafo ahaan dhan 200 kilomitir ayaa waxaa bilooyinkii ugu dambeeyay lagu tilmaamaa 'wadada argagixisada' maadama ay kusoo bateen dhacdooyika afduubka ah iyo dadka qaar ee ku safrayay ee waddadaas oo la waayay halka jaan iyo cirib ay dhigeen.

Sida laga soo xigtay hay'ad ku howlan baadi-goobka dadka maqan oo lagu magacaabo (FUNDENL) ku dhawaad 49 qof la waayay sanadkan oo keliya, waana tiro aad u badan marka loo barbardhigo tirada dadkii maqnaa 10 sano ka hor, sida ay BBC u sheegtay Angélica Orozco oo ah afhayeen u hadashay hay'adda.

Laakin maamulka gobolka Nuevo León ayaa sheegay in muddo 20 bilood gudahood la waayay 41 isla markaana ay qaadaayaan tallaabooyin lagu raadinayo dadkaas.

Balse ururrada u doodo xuquuqda dadka maqan ayaa ku doodaya in tirada dadka maqan ay intaas ka badan karto.

Qaar kamid ah sawirrada dadka maqan

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Qaar kamid ah sawirrada dadka maqan

Wadadan carsiga ah iyo halista ay leedahay

Wadada isku xirta magaalooyinka Monterrey iyo Nuevo Laredo ayaa ah mid halis badan maadama ay ka howlgalaan koox burcad ah.

Waa waddo casri ah oo isku xirta koonfurta iyo waqooyiga Amerika.

Waxaa mara gawaarida xamuulka ah ee badeecadaha sida iyo sidoo kale dalxiisayaasha magaalada Monterrey ee gaara magaalooyinka waqooyiga ku yaalla iyo ganacsatada u kicitima dhinaca gobolka Texas.

Angélica Orozco, waxay sheegtay in aysan jirin caddeymo muujinayo in wax howlgal amni ah laga fuliyo wadadan.

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Halisa wadadan

Waxaa bilihii u dambeeyay faraha ka baxay amniga wadadan gaar ahaan deegaannada ku teedsan gobollada Nuevo León iyo Tamaulipas.

Bishii June, nin injineer ah oo 35 jir ahaa ayaa muddo saacado ah afduubnaa, waxaana qafaashay rag ku labisnaa dareeska militeriga.

Cabasho uu ninkan u gudbiyay maamulka gobolka wuxuu ku sheegay in rag hubeysan ay qafaasheen iyagoo saartay baabuur isla markaana maalin dhan uu indhaha ka xirnaa.

Wuxuu sheegay in markii dambe ay sii daayeen xilli ay indhaha u xirnaayeen.

.

Xigashada Sawirka, Reuters

Ururka (FUNDENL) wuxuu shaaca ka qaaday in dadka halista ugu badan kala kulma wadadan ay yihiin darawallada baabuurta Uber-ka kuwaas oo isaga kala goosha gobolka, waxaa marar badan dhacday in lagu weeraro wadadan.

Sanadihii u dambeeyay kooxaha burcadka ah ayaa dhibaato ka geysanayay deegaannada dhaca xadka Mexico uu la wadaago Mareykanka.

Deegaannada waxay kooxaha isaga gudbiyaan daroogada iyo badeecadaha sharci darrada, sida uu sheegayo Víctor Sánchez oo ah cilmi-baare ku sugan Mexico.

Qalalaasaha iyo colaadda ka taagan wadada ayaa horseeday in rakaabka iyo darawallada ay halis kala kulmaan.

Tallaabada dowladda

.

Xigashada Sawirka, Reuters

Markii ay soo bateen dadka la waayay halka jaan iyo cirib ay dhigeen dowladda waxay bilowday howlgal amniga lagu sugayo.

Waxaana waddooyinka la geeyay ciidamo amniga suga.

Mas'uuliyiinta gobolka waxay todobaadkii lasoo dhaafay yeesheen kulan looga hadlayo arrimaha amniga iyo sidii wax looga qaban lahaa qalalaasaha ka taagan halkaas.